Aarkii Cabsiiye Raage

Aarkii  Cabsiiye  Raage

Sheekadan waxay dhacday hilaadahaa 1700 bilawgiisii. Qoraalka oo dadkii hore aanay isku hawli jirin ayaa ina baday mutihis waxay taariikhda ku dhitayn jirtay dhagaha uu facba faca ka danbeeya u gudbin jiray. Aarkii erey ahaan marna waa magac marna waa fal xaga afka markaynu jaleecno, magacu waa aarkii oo sidaad kollay u qaadatay waa libaaxa kiisa lab misna marka fal ahaan ereygu yahay nuxurkiisu wuxu noqonayaa qof marka reer laga dilo qoyskii uu ahaa waxay kaga samri jireen in qofkii wax ka dilay soo dilaan aar hebel ayaa la odhan jiray. Cabsiiye Raage wuxu ahaa nin geesi ah magac wayna kulahaa reerkii uu ka dhashay xoolona hodan ayuu ka ahaa. Horaa loo yidhi hadaan gaari haween garabsiinin halyeey guulba ma gaadheen Cabsiiye wuxu qabay Miido oo afar wiil iyo laba gabdhood u dhashay oo iyaduna qayb libaax kaga jirtay tanaadka Cabsiiye ee dhamayska ahayd. Col marka loo lalabo Cabsiiye maskax iyo maal iyo nafhurba wuu is raacsan jiray isagaana hogaamin jiray dharaarta ay dhaahirato inta badana cadawgiisa waa ka libaysan jiray. Dharaaruhu waxay is guraanba wuxu bilado dagaal soo hooyaba wuxu amaan tolkii iyo maamuus ka korodhsadaba wuxu magaciisu cara edeg ku faafaba waxay miido sii jeclaataba hadana maalin baasta qofna kama caagana.Habeen ayuu Miido ku wargeliyay inuu beri duulaan u baxayo halkii ayay agabkiisii la diyaarisay dhiiri gelintii lagu yaqiinayna saygeeda waxba kalamay hadhin, Miido iyo ninkeedu waligood may dardaarmin oo waxay la qabsadeen guulihii is daba jooga ahaa, hub uu soo furto iyo xoolo uu soo xabaadho isagoo geeraaraya ayay Miido sawiratay maankeeda wax kale kumabay soo dhicin waligeed. Waagii ayaa beryay ciidankina waxay u ruqaansadeen goobtii ay duulaanka ku ahaayeen, Cabsiiye waa laga digniin helay si wanaagsana waa looga sii diyaargaroobay, rag in badan ku taamayay inay maruun kurtiisa oo goan ayaa ku soo kediyay isagoon ka diyaar garoobin kadibna halkii ayaa maydkiisii ay ku rarteen faraskiisii. Waxay sidaas u yeeleen cabsida ay ka qabeen abaanduulahaas oo dilkiisu cadawgaa u ahayd guushii ugu shishlayd ee ay hantiyaan. Miido waxay raag sataba weli waxay sugaysaa saygeedii    ………. hadii alle ka dhigo

Advertisement

Ku Xayeysiiso