Ubadkaagu hiil buu kaaga baahanyahay markaad guursanayso.W/Q:sadam osman kaabash.

Guurku waa tiir aad muhiim u ah Diin islamka dhexdeeda,waana aasaaska bulshadu ka taranto.lamaanaha is-calmaday waxaa soo dhexmara haasaawe iyo gor-gortan wakhti dheer qaatay, si dhidibada loogu taago qoys Islaamiya oo mustaqbalka  ku soo biiriya bulshada ubad karti iyo awood badan.

Hadaba labada lamaane markay is shukaansanayaan, jadwalkooda uguma jirto sidii ubadka loo siin lahaa koriin iyo kool-koolin dheeraada si caqligoodu taam u noqdo bulshadana manfaco fiican ugu deeqaan mustaqbalka.

Waa aabe xooga,da’diisu waa sodomeeyo,shaqo fiican oo uu ku kaaftoomo noloshiisa haysta,alle mooyee aan aadame u baahnayn.wuxuu lahaa xaas hore oo afur ubada u lahayd,ka ugu wayna uu yahay 10sano.

Haasaawe iyo shukaansi badan wuxuu haleelay inuu u geed fadhiisto gabadh da’a yar oo gedaheedu ahaa wax kayar labaatameeyo.farxad iyo badhaadhe  ayaa u bilayday aabahaas,wuxuuna is macaash siiyey in duniduba isaga u camirantay,alle mooyee aadame ka qubi karaana aanu jirin.

Aabihii waxaa soo food saaray buuq iyo hinaase kaga yimid gabadhii waynayd,wakhti kadib wuxuu go’aansaday inuu iska furo gabadhan.cadho iyo dagaal ay weheliyaan saddexdii dalqadood ayuu kula dul dhacay subax hore.gabadhi waynayd oo xilkasnimo ka muuqato ayaa u badkeedii u tafaxaydato si ay u koriso.

Hooyadii ba’a iyo bay hoof baa u dhamaaday nolosheeda intay noolayd  si ubadkeeda u barbaariso mustaqbal fiicana u gaadhsiiso.carqaladkasta oo ka hortimaadana way ka gudubtaa intaanu mawt haleelin.wakhti dheer,oo hiigsi,hididiilo iyo tilmaansi lahaa hooyadii way ku guulaystay  inay ubadkeedii korisay gaadhsiisayna bartay ku taamaysay waligeed,dhibaatada joogtada ahna u soo martay.

Farxad,badhaadhe iyo is jacaylka dhex aloosnaa ubadkaasi wuxuu astaan u ahaa sida wanaagsan ee midba mida kale u caawinaayey una tixgelinaayey.

Wakhti kadib,hooyadii gabaw baa haleelay,xoogeedii wuu is dhimay,haynteedii way yaraatay arageedi iyo garashadeediina way liitaan,lknse hareeraheeda waxaa fadhiya ubad lagu soo barbaariyey jacayl hooyatinimo,isjeclaansho walaaltinimo,istaakulayn islaanimo leh iyo isu naxariisasho joogto ah.hooyadiina waxay heshay daryeel waxay u baahnayd intii mawdku aanu haleelin.

Lasoco.

Advertisement

Ku Xayeysiiso