Dulsaarka daynta iyo dheefta iibka ee Baananka (Qaybti 2aad)

Dulsaarka daynta iyo dheefta iibka ee Baananka (Qaybti 2aad)
Maxaad u cuskan iibka banaan?
Allaah baa Qur’aanka inoogu caddeeyay  macaamilka iibabka . “Allaah kor ahaaye, waa uu xalaaleeyay iibka, waxaanu xaaraantinimeeyay Ribada”. Ayaadda 275 ee Suurada Al-Baqara.
Annagu , qoladayada shaaficiya waxa aanu fahamka ayaadan iyo macneheeda ka dhiraan dhirrinay wejiyo badan. Imaamyada MAD-HABKA ayaa qaba faham qoto dheer oo kala saafaya macnaha ku duugan aayadda.  Imaam Cali Al-Maawerdi baa ku soo minguuriyey  kitaabkiisa , Al-Xaawi Al-Kabiir , Jiska iibka ka hadla hadal waafi ah oo uu ku areerimay  macnahan aayaaddu ka hadlayso.
Imaam Maawerdi waxa uu soo guuriyey afar hawraarood ama odhaahood oo uu MAD-HABKU ka qabo fasiraadda aayadda :
1. Waa midda koobaade Aayaddu waa caam , oo erayga iib baa inoo sheegaya in uu banaan yahay iibab oo idil, iibka uu daliil dedefeeyo mooyaane , waayo , Al-sha fan gashan magaca Iib ayaa jinsiga guud ee iib inoo tilmaamaysa. wejigan koobaad waxa ka farcama laba odhaahood oo Mad-habku ka yidhi:
a)  In weedha Iib ay tahay tu gudo weyn caam ah, balse cidda ku  tirawda  baa macne gooni ah ula jeedda. Tusaale; haddii wiil lagu yidhaahdo ‘waar maad iibsatid tig aad ku shaqaysato , oo uu ku jawaabo’, waan iibsan lahaaye dadku ma ogola. isagoo ula jeeda waalidkay ma ogola. ereyga dad waxa soo gudo gelaya aadamiga oo dhan. Markaa iibkan ay aayaddu ka hadlayso waa mid gooni ah oo Allaah uu ogaa,  oo Nebiga SCW loo sheegay , muslimiintuna ay ku dhaqmeen.
b) Wejiga labaadna  iibka aayaddu ka hadashay waa caam , balse  laga soo reebay qaar iibka ka tirsanaa oo daliil ku hadhay.
2.  Aayadda baa  duuduuban oo aanu macneheeddu caddayn. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Midho daray duuduub baa lagu cunaa”. markaa macnaha aayaddu ma saafna .
a) Aayadda lafdigeeda ayaan macne ahaan u caddayn , waayo aayadda horraanteeda iyo dambeedkeeda ayaa foodda iskula jira. qaybta hore ee aayadu waxay inoo sheegtay in iibku banaan yahay, oo dheef korka laga helaa jid haysto, qabta danbena in Ribadu xaaraan tahay, oo dulsaarka laga helaa  aanu bannaanayn.  labadubana waa iib. sidaa awgeed aayaddu iskeed ayay u duuduuban tahay oo may kala saafna.
b) Aayadda macneheedu waa cad yahay, ee iibka  banaan ayaa hadoodilan,  waa iib idilkii oo dhan, waxa ku jira ;  Bakhti iyo Nasiibkii, Iibka shay aan la hayn cayntiisaba, Iibka dagitaanka iwm.  markaa aayaddu waa duuduub ee waxaa fasiray oo macneheedana saafey sunnada Rasuulka SCW. Nebiga NNKH ayaa inoo caddeeyay  iibka bannaan iyo ka xaaraamta ah. hadoodilkii iyo gedefkii saarnaana ka xayuubisay oo caddaysay macnaha aayadda.
3.  Aayaddu waa caam gudo balaadhan balse laga saaray qaybo ka mid ah,  waana duuduub la saafay . hawraartani waxa ay midaysay labadii qodob ee aynu hore u soo sharraxnay, oo iibka oo idil waxa ka baxay kuwii daliil dedefeeyay, iibkii gedfanaana waxa saafay oo qalay Axaadiista oo u kala huftay iibka bannaan iyo kan reeban labadaba.
4. wejiga afraad waxa ay Imaamyadu sheegeen in Al-sha ku jirta Beeca ay tahay , tii cahdiyada ama tilmaamsiga ,  waana iibkii la ogaa ee cid kastaa ka war haysay. waayo aayadda ayaa soo degtay bay leeyihiin culimadu xilliggii ay sunnadu kala saaftay iibabka , ee ay kala huftay kiisa banaan iyo kan xaaraanta ahba. Waa iibkii Allaah uu jideeyay ee rasuulka loo soo dhiibay ee muslimiintu ku dhaqmayeen.
Hawraarahan afarta ah ee  uu Mad-habkaygu ka qabo iibka ee uu weliba fahamkooda ku kala maan duwan yahay waxa ku jira faa’iido aad u weyn oo looga baahan yahay qof kasta oo dhaqaalaha ama ganacsiga ku dhex jira in uu fahmo. waa midda koobaade haddii iibka aad cid isku qabataan,  waxaad u cuskan kartaa aayaddan, adigoo ku tiraabaya , Asalka iibku waa mubaax , banaaan,  ee adigu ii keen wax xaaraantinimeeyay, waayo aayaddu waa caam oo iib oo idil ayaa ii banaan wax daliil iga dedefeeyo ama reebo maahaane.
Balse haddii ay cidda ku haysataa ku tiraahdo aayaddu  waa duuduub oo way hadoodilan tahay macnaheeduna ma saafna  iyada, ma cuskan kartid daliilna kuuma noqon karto aayaddu ee waa in aad nas kale ama daliil kale raadsato.
Annagu waxaanu  qabnaa in aayaddu ay caam tahay, oo iib oo idil baa bannaan oo mubaax noo ah  wax daliil naga dedefeeyay ama reebay mooyaane.
La soco …..
Bare Sare Axmed Muuse Ismaaciil





__________________________________
Mr. Ahmed Muse Ismail
Public Relations Officer at University of Burao.
+252634438672

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso