Wixii arrin kaa daboolan, Iimaanka ku baadi-doona, Afeefna ka yeesha xaajo,Ilaashada baylahdiinna.

Wixii arrin kaa daboolan, Iimaanka ku baadi-doona, Afeefna ka yeesha xaajo,Ilaashada baylahdiinna.

“Wanaaga iyo xumuhu ma laba la isku dooriyaa”

 

Waxaynu isu raacnay in rajadda wanaagsan ee quluubteenu rabto si qarsoodi ah ugu kaydino gudaheena oo kaliya .

Bulshadeenu waa qoysas leh hooyo iyo aabo sidoo kale leh rag iyo dumar , caruur iyo ciroole waxaa qaabeeya oo ka dhiga kooxo kooxo kala duwan da’da, danta , fikirka,Aqoonta, kooxahaasi mid waliba waxay leedahay dareeno u gaar ah oo xiiso galiya  jiritaankooda. Dareenadaasi waxay kasoo unkamaan guriga uu ku koray iyo wacyiga deegaanka ku xeeran iyo dadka la noolba.

Taariikhdeena hadii dib ujaleecno waxaynu ahayn dad is jecel is caawiya oo isu xidhan inkastoo colaadaha qabiilku waligii soo taagnaa .

Waxaynu nahay  dad waayihii nolosha ee lahaa farxada,cadhada,colaada iyo nabada uu la fogaaday kuna abuuray tartan arxan daran oo leh xaasidnimo iyo xintan, waxaynu xamaasad galinay kala duwanaanshiyaheenii ilaahay inoo abuuray oo aynu xaalad kasta oo timaada ku buuxino cuduro hoose oo aan xaqiiqda ka turjumayn balse huwan nacayb cilmi nafsi kasoo bilaabmay burburkii, qaxii iyo dagaaladii sokeeye ee dalka dhacay.

Bulshada hogaankeedii iyo shicibkeeduba waxay isu qabaan in cadaw isku yihiin kooxahay doonaan haka tirsanaadaane,iyadoo isugu yeedhaan reero waxaynu isu difaacaan gar iyo gardaro isku dhawaanshaha inta ay kala ab sheegtaan waxaa ku fogaaday loolanka nolosha ee dheelitira hiigsiga yoolka shakhsi walba u gaarka ah oo gaadhay heer jaahilnimo oo xalkiina fogeeyay.

Isbedelka darajooyinka nolosha la socda ee keena in maanta aad adigu sarayso ama hogaanka hayso barina qayrkaa hayo oo ku haboonayd in qofwaliba doorkiisa ka faaideeyo inta uu joogana abuuro kalgacayl iyo ixtiraam bari loogu joogsado ayaa wuxuu shaydaanku galiyaa kibir iyo isla wayni uu u arko inuu dadka ka sareeyo ilaa uu gaadho heer uu inta hoos joogta gumaysto ama ha ahaado hogaan siyaasadeed , maamule ganacsi iyo maal qabeenba .

Habdhaqanka noocan ahi wuxuu maanta ka jiraa inaga dhexdeena, aan kusoo dhawaado dulucda qoraalkayga

Waxaa maanta inagoo xor ah inagu waynaaday siyaasadii wadankan lagu hagi lahaa hadii ay xumaato iyo hadii ay wanaagsan tahayba inaynu ukala qaybsanaano may ahayn oo horumarka iyo dib udhaca cida kala dooranaysaa talow maxay rabaan waxaynu garan waynay dantii uu siyaasigu lahaa in aanay danteena ahayn bal amarkani yaabkan ilaahayna wuxuu yidhi “naf waliba waxay galabsato ayay heli doontaa”

Ilma yar ayaa wuxuu aabihii arkay isagoo sawiraya gurigii uu mustaqbalka gali lahaa quri qurux badan wuxuu sawirkii dibada uga saaray qol yar aabihii ayaa weydiiyay qolkaasi maxaad ugu talo gashay wuxuu wiilkii ku jawaabay adiga aabo, aabihii oo yaaban ayaa ku yiri waayo wiilkii wuxuu yiri sawdiga awoowo qolka dibada ku xaraysay , maalintii wixii ka danbeeyay ayuu aabihii gudaha kusoo xareeyay wiilkiina wuxuu gurigii uu mustaqbalka uu dhisan lahaa dumiyay qolkii dibada uu u saaray .

Waxaa aniga ii qarsoon ee adigana kugu wayni waa dareen qarsoodi ah marka aynu nafaheena isla kaliyaysano waxaa ina horyimaada sawir isu mid waa meelaha aynu ka simanahaye sawirkaasi wuxuu igu beeraa warwar waxaan isweydiiyaa halkee salaadu ka xidhmi laadahay? dawgani ma saxbaa? dulmigani ma banaanyahay? , maxaa la ii cumaamaday?,maxaa maalka la iigu dhiibay,caafimaadkana la iigu dhamaystiray,faqri la ii hor dhigay, warwarkaasi wuu ina mideeyaa waana cibro lagu waayo qaato .

Waxaa mesha ka baxday in aynu nafta tarbiyadayno oo qiyamka qofnimo u dhisno habdhaqan xakameeya oo u diida inay dhaafto seeraha adoonimo ee ilaahay inoo abuurtay

Waa in lagu waayo qaato noloshan maalinba qolo meesha ka saaraysa  Ilaahay wuxuu yiri “watilkal ayaamu nidaawiluhaa bayna naasi”.

Hala isu tudho noloshana halagu dhiso habdhaqan tayo leh oo ah tii nabigeeno CSW inooga tagay ee simaysay kii madaxda ahaa iyo ka miskiinka ahba

Bal aan kaga baxo maansadii hadraawi ee Daahyalay erayo ka mid ah

Duco iyo sidii roon

Dawgaagu waa sahan

Dadku waa abbaartaa

Isku dira bahdeediyo

Kala dila ha noqonnine

Isku dara ha lagu dhaho

Nin xumaa daneeyoo

Waxa jira damqanayee

Yaanu xagal ka daac iyo

Gol daloolo kaa helin

Xidho duubka nabadeed

Daacaddiyo runtaba sheeg

W/Qoray :Ahmedyasin sh Omar Sh Ahmed furre

Refrence erayada Cinwaanka waxaa iska leh hadraawi

Advertisement

Ku Xayeysiiso