Gudoomiye Cirro ma Qaran dhan ayuu Metalaa mise xisbiga Waddani?

Gudoomiye Cirro ma Qaran dhan ayuu
Metalaa mise xisbiga Waddani?

ASC dhamaantiinJimce Wanaagsan, maalmahan waxaan arkaayay dhalinyaro aan aqoon iyo siyaasad ba bidayo oo aan ixtiraamna u hayo oo aad ugu faanayey gudoomiyihii xisbiga Waddani oo kaliya ayaa ingiriiska lagu casuumay hadaba su,aashayda aan xisbiga Waddani waydiinayaa Waxay tahay gudoomiye Cirro casuumada ma waxa lagu siiyey magaca Waddani mise magaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland? Hadii aan si fudud u dhigo.

Chatham House ninka lagu casuumay waa gudoomiyaha Barlamaanka qaranka ee Maaha gudoomiyaha Waddani magacii qaranka aya lagu casuumay ee dadka yaan lawaalin. Hadii uu gud. Cirro dafiro qaranka uu ninka sadexaad ka yahay oo uu Marka haybada qaranka lagu soo maamuuso uu odhanayo waxaan ahay xisbiga Waddani.

Waxaan dareemi karaa in qaranimada aykala wayntay Xisbi kaliya. Marka halkaa uu taaganyahay Cirro kursiga qaranka ka dhaxeeya ha iska dhigo oo muwaadin qaranka aan ka faanayn haku wareejiyo isaguna Isagoo gudoomyaha Xisbiga Waddani ah Bal aynu eegno in Lagusoo casuumo Chatham House ka ingiriiska.

Cirro wuxuu hore u sheegay inaanu kursiga baarlamaanka ka dagi doonin inta uu Saleebaan Muslin guurtida haysto. Hadii arinku sidaa yahay Cirro haloo sheego inuu yahay gudoomiye qaran dhan ee aanu ahayn gudoomiye qabiil ama Xisbi qudha waayo sadexda Xisbi qaran Ucid, Waddani, Kulmiye, isagaa u gudoomiye ah, hadii uu diidana haloogu dhaarto.

Advertisement

Ku Xayeysiiso