Soo Dhawayntii Kaptan Hussein Habane Dhimbiil ee Bristol UK.

Soo Dhawayntii Kaptan Hussein Habane Dhimbiil ee Bristol UK.

Hoos ka Daawoo Sawiradii Casuumadii Reer Bristol u sameyeen Kaptan Hussein Habane.

  ***************************************
Kaptan Hussein Habane; Wuxuu iftiimiyey; Muhiimiyada Ciidanka Badda; iyo Sida Somaliland ugu Howlan tahay; in Wada shaqayn iyo iskaashii ula yeelato; Wadamada Caalamka; Gaar ahaan Wadamada ugu Horeeya Ciidanka Bada Sida dalkani UK.
   **************************************
Salama Eleikum.

Maalintii Jimcaha ahayd 24th February 2017; Waxaa Magaallada Bristol ee Dalkani UK lagusoo dhaweeyey; laba Xidigle Kaptan Hussein Habane Dhimbiil; oo Dalkani UK u yimi; course Aqoon Korodhsiya oo la xidhiidha Maamulka iyo Macluumaadka Ciidanka Badda.
Kaptan Husein Habane oo ah; Wiil Dhalinyaro ah; ayaa Wuxuu lawadaagay Jahliyada Bristol ee Dalkani UK; Xog waraysi iyo cawys diiraan; Taas oo Kaptanku Si hufan usharaxay; Horumarka iyo Waxtarka ciidanka Badu uleeyahay; Jamuuriyada Somaliland; Gaar ahaan Xilligan lagu jiro; oo Budhcad Badeedku halis ku yahay; Amniga Qaranka iyo Isu Gooshida Badeecooyinka Ganacsi ee u kala Gooshaya caalamka.
Kaptan Husein Wuxuu Sharaxay; si Aqoon iyo Farshaxan nimo leh, Horumarka ku socda Ciidanka Badda Somaliland; Aqoon ahaan iyo Dhisme ahaanba; Wuxuu si gooniya utilmaamay; in Socdaalkiisani ka mid yahay; Horumarka Dub udhiska Ciidanka Badda; Kaptanku wuxuu intaasi ku darray; in Dalkani UK usoo dhaweeyeen Si Heer Qarana; ayadoo loo tumay Baanboyda; Aqoon Korodhsigan Waxaa kasoo qaybgalay; saraakiil Faro badan oo Katimi; Daafaha Dunida.
Iskusoo duubo; Aqoonta ; Kartida iyo Dall Jacaylka Hussein Habane; Waxay Dhiiri Galisay; Aqoonyahankii iyo Waxgaradkii Reeer Bristol ee Soo dhaweeyey Kaptanka; Arintani Waxay Tusaalle cad u tahay Horumarka laxaadka leh; ee Ka Socda Somaliland; iyo Sida Somaliland iyo Umadeedu diyaar ka ugu tahay; la macaamilka iyo Wada shaqaynta Wadamada Caalamka; Gaar ahaan Dunida Horumartay iyo Saxiibadda Somaliland ee Dalkani UK ka mid ka yahay.
Bulshada Reer Bristol oo kaalin wayn kaga jirta Horumarka iyo Dhiiri galinta Higsiyada iyo Himilooyinka Qaranka Jamuuriyada Somaliland; Waxay Mar walba Garab is taagan Horumarka iyo Dhiirigalinta Masuuliyiinta Qaranka Gaar ahaan Dhalinyarada.
Mohamed A Sayaqle.
Bristol; Uk

Advertisement

Ku Xayeysiiso