Shoodhe Af-Weyne: Maba dhallane dhowrteysan ogaa

Shoodhe Af-Weyne: Maba dhallane dhowrteysan ogaa 

 

Cadowga JSL ayaa London ka abaabulaya mudaharaad. Ma ilmo yaxaastiibaa la qubayaa? Xeryaha AMISOM ee dad iyo duunyo waxa lagu qasho aan la garaneyn maxaa loogu mudahaaraadi waayey? Turkiga ku amarku taagleeya dekada iyo madaarka Muqdisho isagu ma muquunaa loo siiyey?
Maalmo yar ka dib kolkii ay dhamaatay riwaayadii shimbirayhow heesa ee lagu cimaamaday Shoode Af-Weyne, Maxamed Cabdilahi Farmaajo, ayaa durba miciyihiisii u dahsoonaa  galka ka saaray. Jadwalka hawl maalmeedkiisa kuwa  ugu horeeya  waxa ka mid ah  kuwa liddi ku ah Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Waxa ay isaga iyo xertiisu abaabulayaan in ay mudaharaad ka sameeyeen safaarada UAE ee dalka Britain. Taasu waxa ay muujinaysaa in reer Somalia oo aan waxba isku ogoleynin  ay ka midaysanyihiin dibindaabyada iyo hagardaameynta Jumhuuriyadda Somaliland. Waxa ay ka mideysanyihiin xaasidida horumar kasta oo usoo kordha JSL.

 

Ma saldhig neceybaa mise ilmo yaxaastiibaa la daadinaa?  

Haddii ay saldhig neceyb ka tahay Shoodhe Af-Weyne iyo xertiisu maxay u arki waayeen  ciidamada shisheeye ee haysta Somalia oo la arkay dhib iyo dheef  midka ay u leeyihiin Somalia? Xeryaha milatariga ee AMISOM waxa ka caagan in Somali  gasho ama ogaato waxa lagu dhex qasho ee lagu cuno, dad iyo duunyo waxa ay yihiin. Taa waxa dheer cidi isma weydiiso waxa ay dilaan, waxa ay dhacaan dumarka ay kufsadaan iyo dambi kasta oo ay falaan. Maxkamad somaliyeed oo ku dhiirran  karta in wax ka ogaataa ma jirto. Turkiga oo dekada Muqdisho iyo madaarka ka arrimiyaa isaga waxa ay u arkaan muwaadin lama taabtaan ah oo wuxu doono iyo siduu doona yeela, Maxaa loogu mudaharaadim waayey, mise muquunuu u helay? Dhibaatadan aan muuqan ee ay ku andacoonayaan in ay diidanyihiin tan haysata ee muuqata maxay uga dhiidhiiyi laayihiin?

 

Iyadoo waxaas oo foolxumo ahii dul hogoneyso reer Somalia, oo aanay ka hadal  maxaa ka khuseeya waxa ka dhacaya Jamhuuriyadda Somaliland?  Lexojeclada iyo damqashada beenta ah ee ay ku andacoonayaan miyey tooda sidaa ka yeelaan oo la arko iyagoo ku mudaharaadaya safaaradaha Ethiopia, Kenya, Djibouti, Uganda,etc,

 

Waxaas oo dhacaya reer Somaliland kama hadlaan mana faragaliyaan Somalia iyo amuuraheeda,  sobobtoo ah waa shu’uumo u gaar ah wadan kale oo waa xasarad iyo gef wixii u geeyaa.

 

Mudaharaadkan iyo falal kale oo ku lidi ah horumarka Somaliland,  kusoo boodo maaha oo waa caadadood oo waa arrimo  laga fili karo cadowga Somalland, laakiin waxa ceeb ah oo ayaan darro ah  in la duufsado kuwa reer Somaliland ah oo iska garran waaya shirqoolada ay maleegayaan Shoodhe Af-Weyne iyo habardugaagiisu.

 

Allaa Mahad Leh

Omer Dheeg <dheegsomaliland@gmail.com>

Advertisement

Ku Xayeysiiso