Gudaha Ka Eeg :Xogyaha Abaabulka Iyo Wacyi Galinta Garabka Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye Oo Soo Bandhigay Wax Is Bada Marin Dawlada Hoose Ee Hargeysa Ay Sameeyaan

Xog-hayaha Oo Qoraal Soo Gaadhsiiyay Xafiiska Warqabadka Togaherer ayaa u dhignaa Sidan :

 

Waxay ahayd saaka markii xubno ka socda dawlada Hoose hargeysa gaar ahaan waaxda arrimaha bulshada ay soo galeen tukaan ku yaala magaalada hargeysa kaas oo ay markii ay baadheen ka heleen xidhmo bacaha loo yaqaan miikooyinka markiiba waxa ay amreen in inankii meherada dhex joogay la xidho oo loo jaro ganaax dhan 2’000’000 ( Laba Milyan) degdega ayaan loo geeyay xarunta dawlada hoose ee hargeysa, markii ba waa la xidhay waxaana amar lagu siiyay in haddii uu doonayo in la sii daayo la bixiyo lacagta kor ku xusan. Markii masuulkii meherada iyo ehelkiiba xaruntii isugu yimid dood dheer iyo wax naga daaya ka dib waxay waaxdii ku shaqada iyo arrimaha bulshadu soo gaadheen in la bixiyo 700’000 kun oo shilin ( Todoba boqol kun oo shiling) dhinicii meherada lahaana way ogolaadeen markii ba waxa ay bixiyeen lacagtii, jabkuse wuuxuu noqday in aan lacagtii ganaaxa loogu qorin juwankii ganaaxa balse loogu qoray in ay bixiyeen 300’000 kun oo shilin (Saddex boqol oo kun) taas ay ku xuseen qoraalka in ganaaxa laga laga qaadayay yahay 500’000 lagana daayay 200’000 kun. Waxaana halkaas ay si gaar ah ugu qaateen 400’000 kun oo shiling. Arrintani waxay marag u tahay musuqa baahay ee xadhkaha goostay ee ka jira dawlada Hoose ee hargaysa taas oo noqotay guriga lagu baadho bulshada ka aradan adeegyadii aasaaaiga ahaa ee ay xaqa ugu lahaayeen dawlada hoose. Waxa aan indhaha laga qarsan karin heerka maanta caasimadu dayaca ka gaadhay. Waxa aynu wada ogsoonahay caasimada sii koraysay ee hargeysa oo danteedii guud la dhammeeyay oo aan laga helayn meel saldhig laga dhigo,meel dhakhtar laga dhiso ,meel iskuul laga dhigo, meel garoon laga dhiso, meel suuqyo laga dhiso. Intaas oo ay weheliso wada xumaanta ka jirta caasimada iyo qashinka tuulan ee bilic xumada baday. Daryeel la’aantaas shacabku ha iska qabo ee waxa haboon in laga daayo baadhashada aan sharciga iyo xaqa loogu lahayn ee xoolahooda lagu xalaashanayo fariintan waxa isna ay la gudboon tahay in uu weeleeyo agaasimaha waaxda arrimaha bulshada Agg Khadar Y Ali.

 

Xoghayaha Abaabulka Iyo Wacyi Galinta Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga Kulmiye

Liibaan Ismaaciil Buraale

Advertisement

Ku Xayeysiiso