Ceelashii siyaasada Somaliland laba way ajoobeen(biyo xumaaday). Taxane

Ceelashii siyaasada Somaliland laba way ajoobeen(biyo xumaaday). Taxane

Qoolku wuxu inoogu xidhnaa ceel siyaadadeedkii udub la odhan jiray inagoo ka soo waranay siduu ku abqaalmay cidii iniintiisa abuurtay iyo ujeedkii laga lahaa. Udub wuxu la mid ahaa xisbiyadan weli magacyadoodu sii jiraan kii ugu guunsanaa waxase burburkiisii aynu u sibirsaari karnaa mida kowaad Cigaal oo ahaa dhisihii ururkaa geeridiisii nin iyo xoolihii ma kala hadhaan ayaa murti ahaan inagaga filan markii uu daryeel waayay inuu agoonimo tirsaday xisbigi. Dhinaca kale hanti ayuu ahaa aan cidi la wadaagin Cigaal sidaa xisbiyadan hada jiraaba ay hanti qof leeyahay ay u yihiin kii hungureeyaana dacar dhagwayn ka leefayo maragna aynu ka ahayn wixii rag la baday. Sadexdan hada jiraa waxay joogayaan kaliya inta ay noolyihiin ragii rukumada dhulka ugu rakibay udubna Geerida lahaalihiisii ayuu u burburay. Ceelka kulmiye dhisihiisu wuxu ahaa Axmed Siilaanyo oo ah madaxwaynaha mudo dhaafay ee weli Somaliland ka taliya, magaca xisbiga wuxu ka soo ergistay wiilkiisa curad sida la wariyay ma hubnee. Cigaal ragii uu maquuniyay ayuu xaaji Axmed ka mid ahaa ee waayay meel uu jaranjarta siyaasada ka soo qabsado, wuxuse arkayay Axmed cadceed casar joogta oo sii ciiraysa ina Cigaal inuu yahay. Axmed wuxu sugaba markii geeridii dharaaro laga joogo ayuu sida likaha dhulka ka soo fuuray waxanu ku dhawaaqay xisbigan hada tuurtiisa uu ku fadhiyo ee wiilkiisa magaca la wadaaga (Kulmiye) ururkii u danbeeyay ee magaciisa xareeya ayuu ahaa kii labaad ee tartankii soo baxana wuu ahaa halkaa waxad ka garanaysa odaygu inuu hoosta ka dhisayay xisbiga isagoo isku daawanayay dagallkii aan dhiigu ku daadan ee dhexmarayay Saleebaan gaal iyo Cigaal. Geyiga dhan geesigii u badheedhay  ee damiciisa banaanka keenay Cigaalna gilgilay wuxu ahaa Saleebaan gaal iyo xisbigiisii libaax la odhanjiray marka afka soomali  loo rogo.Axmed wuxu ku guulaystay inuu Saleebaan ku reebo shirkii Garadag ee reerahoodu kaga arinsanayeen siday dalka maruun madax uga noqonlahaayen si ay taasi u hirgasho waxa ay lagama maarmaan u arkeen inay hal nin ku tuntuunsadaan kaasina isaga ayuu noqday. Jeegaantii ayaa xigtay dhinaca galbeed iyadoo dadka loo sheegay inay cadaw kaliya wada leeyihiin nacabkaasina yahay dadka dhinaca koonfurta Somaliland u badan wuxu ahaa xisbi lagu dhoobo walaaqay nacayb iyo dakanooyin waligood aan la boogodhayi karin. Kuwii layska bahaystay ayaa la sii dhexgalay si laysugu jabsho kadibna cod bilaash ah laga korodhsado. Waxaas oo xuma ah waxa loo marayay in kursiga iyo Axmed mar is gacanqaadaan , 2010 markay duugsheegtu maraysay ayay jeegaantu durbaanada u tumeen guushii ay doorashadii ka soo hooyeen nasiib daro madaxtooyadi waxay iridaheeda ka furtay Axmed isagoo duqoobay oo gabawgu xaglaha dabciyay.  Siciid WAARABE  TAFFE. JÖNKÖPING SWEDEN

Advertisement

Ku Xayeysiiso