Gudida Sahan Barwaaqo oo War-Muurtiyeed ka Soo Saaray Deeqaha soo Gaadhay iyo Sidii ay u Qaybiyeen

Qoraal Soo gaadhaay Shabakadda Toggaherer kana Soo Baxay Gudida Guud ee Beelaha Daa`uud Ismaaciil Loona Yaqaan Sahan Barwaaqo ayaa ka warbixiyey Wixii Deeqo Soo gaadhay , meelaha ay ka soo gaadheen iyo Qaabka ay u qaybiyeen Deeqahaas.

War-Muurtiyeedka ayaa u dhignaa isaga oo Dhamaystiran Sidatan:-

GUDDIDA GUUD EE SAHAN-BARWAAQO
Tix: GGBC/GG-038/02-17                                                                                             Taar: 21/02/2017_____

 

Ujeedo: War-Murtiyeed

 

Guddida Guud ee Sahan-Barwaaqo waxay soo bandhigaysa wixi raashin iyo biyo ah ee deeganka la soo gaadhsiiyey, waxaan ay ka kala imaaden Guddida Guud ee Abaaraha, Ha’yado Caalamiya, Iyo Ururada Reerka.

  1. Guddida Abaaraha waxaa raashin iyo Biyo naga soo gaadhay:
  2. November 2016:1,500 oo qoys, waxaana loo qaybiyey Degmooyinka Salaxley iyo Bali Mataan oo qorshe ahaan ugu jirta degmada Salaxley, waxaana loo qaybiyey si siman tuulooyin hoosimaada min KontonQoys(50).
  3. December 2016:waxa guddida Abaaraha kasoo gaadhay deeganka 1,000 qoys iyo Hay’ada Direct Aid oo guddidu kusoo hagtay deeganka Salaxley, Hay’adahaasi waxay wax siisay soogurtada 600 oo qoys(Ina-igare, Baha Dhamal, Qoolbuulalae, Labada laanqayrood)
  4. January 2017: waxa guddida Abaaraha kasoo gaadhay deeganka 1,000 qoys, waxa Deeganka loogu qaybiyey tirade qoysaska ee degan tuulakasta, liiska waxaa soo gudbiyey warqadaas oo leh shaambadi xafiiska Gudoomiyaha Degmada Salaxley. Taas ayaanu ku salaynay.

Waxa kale oo jirta bishan in lacagtii Telesom ee Abaarah $5,000dollar oo biyo ah naga soo gaadhen, waxayna goysay ila Sodon iyo Shan boyadood (35), waxaana la kala geeyey (Ina Guuxa, Dhimilriyaale, Toon, Hunduli, Libaax-Qawdhama, Bali-Case, Qoolcaday, Labada Maygaagood, Galoole, Murux, Sharmarke)

  1. February 2017: waxa guddida Abaaraha naga soo gaadhay Konton qoys (50) oo ah barakacayaashi Degmada Bali-Mataan iyo Toban & Shan Boyadood oo ay guddidu nagu soo hagaajisay Hay’ad la yidhaahdo One Life Global oo muxsiniin ah, biyahaas waxa la kala geeyey (shan Sharmarke, shan Qoolcaday& shan Ina-guuxaya)

Waxa guddida naga soo gaadhay lacag Afar Kun ah oo Biyo loogu tala galay, lacagtaasi waxay jartay shan iyo labaatan boyadood (25), Biyahaas waxa la kala geeyey(Higlada, Libaax-Qawdhama, Labada Maygaagod, Maadhyaal, Xabaale Galbeed, Murux, Hunduli, Dhibilriaale).

Hay’ada Munazzamat Alda’awa Al-Islamiya waxay deeganka geesay timir saddex kun oo kartoon, loona qaybiyey tulooyinka hoos imaada Degmooyinka Salaxley iyo Bali-Mataan, Labada dugsi ee jiifka leh iyo Cusbitaalka Salaxley.

  1. Ururada ama Hay’adaha Wax gaadhsiyey Deeganka
  2. Ururka Haldoor

Ururka Haldoor wuxu qaybiyey raashin iyo biyo badan, inta badan wuxu la tashanaayey Guddida Guud halka wax la geynaayo iyo halka ugu baahi badan, ururku wuxu geeyey tulooyinkii ay ku soo barakaceen ama roobkii dayrtu ka da’ay ee dadka badani kusoo hayaamen Laba boqol oo qoys(200); wuxu biyo iyo raashin geeyey tulooyin ku yaala Degmada Saba-Wanaag sida Wacays oodane iyo Baliga Ismaacil yoonis waxay u direen Afartaan Qoys(40); biyaha waxay u direen Baliga Maxamed Daud iyo meelo kale.

 

  1. Ururka Gaaroodi

Ururka Gaaroodi wuxu raashin iyo biyo gaadhsiiyey, deegano badan oo deeganka ka mid ah, waxa kale oo u xooga saaray inu wax gaadhsiiyo dugsiyada jiifka leh, sida Bali-Mataan iyo Salaxley, wuxu wax gaadhsiiyey barakacayaasha Degmada Bail-Mataan ee xoolihi ka dhamaaday; wuxu biyo u diray deegaano ka tirsan deeganada Salaxley, Bali-Mataan iyo Saba-Wanaag. Ka urur ahaan wuu isku tashaday, isagaan is maamulay tashi badana lamu yeelan Guddida Guud.

 

  1. Haween Weynaha Daud Ismail

Haween Weynaha Beeshu waxay dhex galeen reeraha degan gudaha magaalad Hargeysa iyo Reer Qatar waxay soo direen lacag, lacagtaas iyo raashinkii la ururiyey labadaas waxa loo qaybiyey Degmada Salaxley iyo Bali-Mataan; waxay Guddida Guud u soo jeedisay in bisha danbe wixi la ururiyo loo qaybiyo Degmada Saba-Wanaag tulooyinka reerku ka dego.

 

  1. Ururka Hablaha Gaarood

Hablaha Gaaroodi waxay soo ururiyeen lacag degdeg ah, taas oo loogu tala galay  Abaarah ka jira deegan, iyaga oo hore u dhisay Cusbitaalka Salaxley;  lacagtaas waxaanu qorshaynay in boqol iyo konton qoys lana gaadhsinaayo labada qaybood Maygaagaha, Xabaale Galbeed iyo Reer Misajidka. Lacagta ay ugu tala galen biyaha waxay ku wareejin doonan Guddida Guud.

 

  1. Ururada Ardaayada

Ururada Ardaayadu waxay wataan hawshoodi kolba sidi wax loo gaadhsiin laha arda walba dhexdiisa iyo dadkooda ay abaaruhu saameyeen, waxay qaybiyeen raashin iyo biyo ay ku salaynayaan deeganka ay degan yihiin. Ardaayda qarkood waxay u qaybiyeen sida loo kala itaal daran yihiin, ama u kala fog yihiin ilaa xadka sare ama aan haysan cid wax ku soo tarta ha joogen dibad ama Gudaha dalk.

 

 

Links

Halkan Guji ToggaHerer Q1aad

Halkan Guhi ToggaHerer Q2aad

Halkan Guji Dhanbaal

Halkan Guji Oodweyne

 

WaBillaahiTiwfiiq

 

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso