Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi ayaa Fariin Adag u diray Madaxweynaha Somaliya sidoo kale waxa uu sheegay qodobo uu farmaajo kagaga duwan yahay madaxweynayaashii somaliya ee ka horeeyay

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynenimo ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa farriin adag oo digniin ah u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo uu uga digay inuu soo farogaliyo arrimaha Somaliland.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu shaaca ka qaaday in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu qayb weyn ku lahaa qorshihii dawladdii Soomaaliya isku dayday inay qariso xasuuqii Siyaad Barre u gaystay shacabka Somaliland waqtigii uu socday dagaalkii burburiyey nidaamkii Xamar ee sababay in xooggagii SNM dib uga xorreeyaan Somaliland.

“Shalay waxa Muqdisho ka socotay xaflad caleemo saar ah, waxana la caleemo saaray ninka la yidhaahdo Maxamed Cabdilaahi Farmaamo, inagu Somaliland ahaan madaxweynahaas maanta duco iyo habaar midna u diri mayno, waayo nagama u mutaysan, ninkaa loo dabbaal degayaan waxa jira waxyaabo uu kaga duwan yihiin kuwii ka horeeyey ee Cabdiqaasim, Cabdilaahi Yusuf, Sheekh Shariif iyo Xasan-kii imika ka degay,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey xaflad xisbiga KULMIYE u sameeyey taageerayaal cusub oo ku soo biiray oo ka dhacday Hargeysa shalay.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya dooratay ka mid ahaa xubnihii caalamka farriimaha qaldan siinayey ee bustaha saarayey xasuuqii uu Rajiimkii Siyaad Barre ku hayey shacabka reer Somaliland, isla markaana ku faraxsanaa, waxaannu yidhi, “Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuu ka duwanyahay Madaxweyneyaashii isaga ka horreeyey; waa marka koowaade waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii aadka ugu jibbaysnayd Taliskii Siyaad Barre ee u soo shaqaysay ee markii dalkan Somaliland la duminayey dibloomaasiyiintii New York joogtay habayaraado darajadiisu ee lahaa waxna lama layn, waxna kuma dhiman, iyada oo ay Somalilad ku dhinteen 50,000 (Konton qof) oo 20,000 (labaatan kun) oo ka mid ah aynu ku aasnay Hargeysa, waxaanu ahaa raggii ku garramayey ee lahaa in la duqeeyo xaq baa loogu leeyahay, waa marka labaade waa muwaadin Maraykan ah, madaxweynihiisa uu daacadda u yahay ee Donald Trump toddoba dal oo wixii Afka Soomaaliga ku hadlaa ka mid yahay ayuu ka mamnuucay inay dalkiisa soo galaan, waana qodob horyaalla oo isaga iyo madaxweynihiisa uu daacadda u yahay iyo waxay Muslimka la diiday u hayaana waa su’aal isaga u taalla.”

Waxa kaloo uu Guddoomiyaha KULMIYE sharraxay sida ay ku midho dhali karaan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu Madaxweynaha cusubi sheegay inuu sii wadi doono, isaga oo sheegay inaan guul la gaadhaynin ilaa iyo inta ay Soomaaliya oggolaanayso gooni-isu-taagga Somaliland, “Marka saddexaad wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya hal mid ah uun bay wax ku wada noqonayaan, haddii ay dad shir isugu imanayaana waa inay jirtaa wax ay isku ogolyihiin iyo wax aanay isku oggolaynba, laakiin haddii la isugu yimaaddo shirar aan waxna la isugu oggolayn, waxna la isugu diidanayn Somaliland ka qaybgelimayso, kuwo horena waanu tagnay oo aannu aragnay, isumana dhawin oo isku hadal ma nihin, meelna kama wada duulayno wax aanaan u quudhina way noo quudhaan oo ay ka mid tahay Somaliland maaha qaran jira’e Soomaaliya ayaad ka mid tihiine nala hadla,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay inay Somaliland tahay qaran aanay dawladnimadeeda cid kale u daba fadhiisanaynin, waxaannu Soomaaliya ugu baaqay in haddii ay qarannimada Somaliland oggolyihiin wadahadallada la sii wado, haddii kalena aan waqti la iska luminin, waxaannu yidhi, “Shalay uun bay lahaayeen walaalahayaga Waqooyiga waanu wadahadlaynaa, waar ma nihin Waqooyiye qaran baanu nahay oo dhiig baanu ku soo xorraysanay, ninna ugama haybadaysannayno’e ama adeerkaa Trump u yeedho ama cid kale doono haddaad qaran Somaliland la yidhaahdo la hadlayso oo aad oggoshahay isku keen keen, haddii kalena yeynaan isku habsaamin.”

Md. Muuse Biixi waxa uu xasuusiyey shacabka Somaliland in sida ay ku gaadhi karaan ictiraafkoodu tahay hadba dhaqanka laga arko dadweynaha, “Ictiraafku wuxuu ku imanayaa hadba isha lagaa arko, waxaanan maqlayey warar sheegaya in Farmaajo iyo dawladdiisu ay ururinayaan dhallinyaro Somaliland ah oo safaaradda Turkiga ku shirisay oo shaqo iyo waxaas ugu ballanqaaday, ninkii halkaas tagow calooshii-u-shaqayste uun baad tahay, miyeynu ka heshiinay wixii ina dhexmaray, diyaaradii Hargeysa lagu rusheeyey iyo umulihii la leynayey miyaa laga heshiiyey calool-jilicsanaa goormaa laga heshiinayaa,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso