Gudaha Ka Eeg :Xoghayaha Abaabulka Iyo Wacyi Galinta Garabka Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye Oo Xisbiga Iyo Xukuumada Si Kulul Ugu Canaantay Xadhiga Maxamed Baashe .

Xog-hayuhuu qoraal uu soo gaadhsiiyay xafiiska War-qabadka ayaa u dhignaa Sidan .

 

Xukuumada ka dhalatay xisbiga Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo hogaaminaya waxay ku soo hana qaaday midaynta iyo isku haynta afkaaraha kala duwan iyo hufnaanta aragtida, dhaxalka ugu weyn ee Madaxweyne Siilaanyo uu rabo in uu bulshadiisa uga tago oo ay diwaanka uu gasho ayaa ah in uu waxqabad muuqda ka tago waxqabadkaasi oo sida oo kale ah hubka uu Kulmiye ku dagaal galayo marka labaad ee doorashada uu u taagan yahay taas oo lagu ladhay qabyo tirka wixii muddo Xileedka Madaxweymaha baaqday iyo taabo gelinta aragtiyo cusub oo ku dhisan cilmi.

Dhammaan wax qabadyada muuqda ee hir galay muddada 6 da Sano ah, Mar kasta waxay la kulmayeen Mucaaridad kaga imanaysay Xisbiyada Mucaaridka ah,Balse mid kasta waxa lagaga gudbay fahanka bulshada oo laga horaysiiyay wax kasta. haddaba marka aynu milicsano arrinta saldhiga milatari ee xaaladeedu xiligan taagan tahay inta aynaan u galin sax iyo khalad ka uu yahay haddii ay xukuumadu ku doodayso waa waxqabad lagu xusuusanayo madaxweyne Siilaanyo saw uma baahna in la sharaxo oo la iib geeyo! Haddii aqoonyahanka iyo labeenta bulshada ee ku doodaysa na qanciya loogu badalo xadhig iyo hagar daamo miyaanay ahayn in wax qabadkii iyo xurmadii madaxweyne Siilaanyo ka tagayay la iibin kari waayay!

Geesta kale Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo haldoorka kale ee aan danaha gaarka lahayn doodoodu maaha miis nala soo fadhiista oo nala dooda ee waa noo sharaxa oo naga iibiya maskaxiyan iyo caqliyan masiirka dheer ee saldhiga milatari taasina waa karaamada iyo sumcada xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa.

Marka aynu haddaba milicsano Maxamed Baashe waa taageere culus oo xisbiyahan ah wuxuuna xisbiga Kulmiye si adag u hareer istaagay maalmo adag oo dagaal qadhaadh gudihiisa ka socday wuxuu ku waayay oo uu lumiyay wakhtigaas Maxamed Baashe taageerayaal iyo arday qoraaladiisa farshaxanimada leh darsi jiray,waxa uu ku mutay cay iyo af lagaado kaga imanaysay intii ma hurtadiisa ahayd, maanta wuxuu istaagay mawqif saliim ah oo ah waar bulshada halaga iibiyo oo ha loo sharaxo waxa xukuumadu gacanta ku hayso taas oo noqonaysa hadii aynu maanta sharixi kari waynay beritoole marka xisbiga Kulmiye ololaha galayo ma sharixi karno wixii uu qabtay iyo waxa u qorshaysan toone.

Arrintaas iyo dooda Maxamed na waa mid sax ah waxaana Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadaba la gudboon in ay garwaaqsadaan oo ay hoos u eegaan xisbiyahanka.

Haddii kale waxa ay noqonaysaa in cid aan xisbiga iyo xukuumada midna dan u ahayn,karaamada iyo xushmada madaxweynahana aan eegayni ay gacan dhexe hawlaha ku yeeshaan.

..

Liibaan Ismaaciil Buraale

Xogyaha Abaabulka Iyo Wacyi Galinta Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga Kulmiye

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso