Xadhigga Maxamed Baashe Xaaji Xasan: Dhimbiil Hurinaysa Halganka Aragti-dhiibashada!

Maxamed Baashe Xaaji Xasan waa foolaadka bahweynta suugaanta, sooyaalka, saxaafadda iyo qalinleyda Somaliland. Tan iyo 1982kii oo uu ahaa arday, waxa uu ka shaqaynayay badbaadada, barwaaqada iyo madax-bannaanida ummadda Somaliland. Waxa uu ka mid yahay barbaartii duurka u gashay dib-u-xoreynta dalkeenna. Waa il burqada aqoon iyo dugsi laga barto cilmi aan laga helin kuwa cadaadiskiisa u biyaystay. Waa uu ka waxtar badan yahay kuwo badan oo aannaan ka haynnin wax aan ahayn oohin, af-legaaddo, guul-wadayn iyo sacab wixii gurracan loo garaaco.

Muddo badan, gaar ahaan xilligii KULMIYE mucaaridka ahaa waxa aan ogaa isaga oo qoraallo ku taageera xisbigii uu Murashaxa ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo, ee markaas gurmadka iyo garabka u baahnaa. Walaw uu sannadkii 2015ka si cad u sheegay in uu ku biiray Xisbiga KULMIYE gaar ahaanna uu la saftay Murashax Muuse Biixi Cabdi, waa aqoonyahan xor ah oo ka fiirsada wixii uu xukuumadda iyo xisbigeeda ku barbarjoogsanayo. Illaa gu’gii 2016ka waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee StarTV oo fadhigiisa guud uu yahay magaalada Hargeysa. Ka-shaqayntiisa cusub ee warbaahintu waxa ay sabab u noqotay in uu dhexdhexaad ka noqdo hirdanka siyaasadda.

Waayadan dambe ama bilahan waxa uu ahaa hormoodka calanka u sida faaqidaadda, naqdiga iyo lafa-gurka in saldhig milatari uu Imaaraadku ku yeesho Berbera, taasna waxa uu ka soo saaray qormooyin tifaf-tiran, tayaysan, taabbaqaad ah oo toolmoon, isla markaana aan wax turxaan ah lahayn.

Habeennimadii xalay ee xabsiga loo taxaabayna waxa uu ka mid ahaa mudankii ka qayb-galay xus maalinta barbaarta Somaliland ee 20ka Feberweri loo qabtay Maansoor Hotel ee magaalada Hargeysa. Halkaasi waxa ay ka baahiyeen hal-ku-dheg dulucdiisu ahayd “Fadlan na qanciya”. Aragtiyaha lagu qoonsaday waxa aan filayaa in ay ka mid tahay baaq uu soo jeediyay oo ahaa in bannaan-baxyo nabadgelyo ah ay shacabka Somaliland ka samee

Dalka waa la wada leeyahay, cidda loo doortayna lagama yeelayo in ay dalaw ka riddo. Abwaan Gaarriye waxa uu yidhi
Nin ku yidhi i daw-mari
Duudisiguu tirsanyoo
Laga daayo mooyee
Wixii kaleba doog iyo
Dacar bay qudhqudhiyaan

Xukuumadda waxa looga fadhiyay in ay qabato fagaare-hadal ama doodo ay ummada uga dhaadhiciso waxtarka uu saldhiggani leeyahay. Laakiin haddii maalinna labada gole la afduubo, marna ay safiir-ku-sheeg iyo wasiirro diyaarad raacaan oo ay kulammo soo galaan, waxa badanaya tuhunka iyo ku-qanac-la’aanta xaajada la aloosayo.

Waxa la-yaab ah in Wasiirka Warfaadinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid “Caddaani” uu si cad u yidhaahdo “Arrinta saldhiggu waa mid amni. Cidii ka hadashadana waa lala xisaabtamayaa ama tallaabo ayaa laga qaadayaa”. Markaa cabudhin iyo car juuq dheh ayaa aayaha ummadda lagu hagayaa? Ma tacaddi iyo duudsi ayaa lagu meel-marinayaa arrin u baahan wada-hadal, wada-tashi, laab-xaadhid iyo ka dhaadhicin.

Waxa ayaan-darro ah in waxqabadka ugu weyn ee ciidanka boolisku uu noqdo “Hebel ayaanu xidhnay”. Iyaga oo aan hannaan sharci marin, iyaga oo indhaha iyo dhegahaba furaystay, iyaga oo aan daliil cuskannin ayay talo ku gooyeen “gudaha dhiga”. Korodhka cagajugleyntu waxa uu wed u yahay madax-bannaanidii aragti-dhiibashada, xorriyada hadalka iyo dammaanadda uu distoorku siiyay muwaaddiniintiisa.

Caqli fayoobi ma yeeli karo in maalinba lagu xadgudbo indheergaradkii ummadda ee la tixgelin lahaa toosintooda iyo tilmaantooda sugan. Xadhigga Maxamed Baashe Xaaji Xasan waxa uu hurinayaa dhimbiilo hor leh iyo in ay dad badan oo qunyar ah si xagjir ah u cabbiraan amuuraha maankooda ka dhex guuxaya.

Markii aan daawaday hadalka Af-hayeenka booliska iyo Wasiirka Warfaafinta waxa uu nuxurkoodu ahaa in Maxamed Baashe uu sameeyay falal dadka lagu kicinayo iyo in uu daabacay qoraallo. Waxa aad mooddaa in loo cuskanayo labadii qodob ee la ii adeegsaday, kuwaas oo xeerka ciqaabta guud kala ah:
321: Kicin, nabadgelyo darro iyo
328: Daabacaadda warar la buunbuuniyay.. Qodobka hore wax dammaanad ah ma laha, qof kasta oo ka hadla meel xaqul-qalin ku jirana waxa loo cuskanayaa in uu xasilloonida waxyeello u geystay. Dhawaaqii masuuliyiinta dawladdu waxa uu muujinayaa in Maxamed Baashe Xaaji Xasan loo qoondeeyay in god madow lagu rido, isla markaana lala helay dabin iyo xadhko muddo lala raadinayay. Mar kaste waxa guulaysan doona xaqa, dulmiguna waa uu jabayaa idanka Alle.

Mar kale waxa aanu leennahay aynu ka fiirsanno saldhigga Imaaraadka Carabta laga siinayo Magaalada Berbra, yaynaan ummaddeenna u soo jiidin cadaawad iyo collayntan aynnaan u caal haynnin. Ma aha in aynu godob iyo gantaallo soo waaridno, waa in aynu dhex u ahaanno loollanka ka socda Carabta. Haddii aynnaan kaalin odayayn iyo nabadgelyo ah ku tallaabsan karin, aynu si dhexdhexaad ah u dhuganno hirdanka dhiig-qubashada horseedaya.

Xukuumadda waxa aan ka tacsiyadaynayaa gabboodfalka iyo jujuubka ay dhaqanka ka dhigatay, oo ah fal god madaw ku ridaya naruuradii aynu qabnay iyo tisqaadkii xorriyadda ummaddeenna.

Ugu dambayntii waxa aan xukuumadda Somaliland u soo jeedinayaa in ay xorriyaddiisa u soo celiso halyey Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo aan geyin xadhigga iyo xajiinta lagula kufay.

Siciid Maxamuud Gahayr
Hargeysa

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso