Jiirkiina Hadalyoo Yidhi: “Aar Farmaajo ii geeya”!

Jiirkiina Hadalyoo Yidhi: “Aar Farmaajo ii geeya”!

“Hal xaaraan ahii nirig xalaal ah ma dhasho. Farmaajo miyaanu ahayn carruurtii qabyaladda sadbursiga ku helshay? Qof dhaqan gurracan ku soo barbaaray miyaad hufnaan laga sugi karaa?

Maxamed Cabdilahi Farmajo ayay maangaabku ka dhigayaan halyey xallin kara dhibatada murugtay ee Somalia.

 

Dadkaasu waxa ay ilduufsan yihiin xikmaddii Somaliyeed ee tidhi, “Hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho”! Farmaajo waa hadhaagii dawladdii daaquudkii Af-weyne Barre. Halka uu joogo kuma hellin karti  iyo garaadtoona ee wuxuu ku helay sadbursiimo adeerkii ugu deeqay.

 

Intaa waxa dheer in dembiyo uu galay kolkii dhallinyardii ay isku haybta ahaayeen tiitii dhabanyeen ee waxay doonaan fali jireen.

Farmaajo waxa la cadeynayaa in uu kufsi u gaystay gabadh Somaliyeed sideetamaadkii qarnigii aynu ka soo gudubnay. Faraxumeynta dumarku waxa ay aheyd caado ay ku caan baxeen madaxdii dalka waagaa xukumi jirtay. Dambigaa uu falay cid loo raacay may jirrin laba Calina ismay waydiin, waayo wuxu hadhsanayey oo hagoog u ahaa xukunkii wadanka ka tallinayey.

Insha Alla dhowaan waxan hubaa in hablihii uu faraxumeeyey ay soo dhiirran doonaan oo maxkamado ay la tiigsan doonaan.

Waxa kale oo jirta in buug uu qoray aflagaado iyo cay aanay gayin dusha ka saaray qabaa’il Somaliyeed oo uu ku eedeeyey in ay ahaayeen gumeysi kalkaaliyayaal dhib badan geystay waqtigii xornimo u dirirka.

 

Hadaba waxanu leenahay dadka la mirqaansan Farmaajo: Siddi-siddidiina mooyaani dhul dhaciina hubsada,

 

https://youtu.be/EspsoakGuz0

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso