Natiijada masuulkasta oo ku takri fala hantida shacabkiisa .

Natiijada masuulkasta  oo ku takri fala hantida   shacabkiisa .

Masuulkasta oo umadan xil u qabtaa waxaa uu si axmaqnimo ah u xaalufiyaa inta markaa masuulka looga dhigo isaga oo meel iska dhiga dhaartii alle iyo tii islaamnimaduba faraysay ee ah amaanada iyo barri  ka noqosha dulmiga xoolaha ummada.

Ufiirso sida ay natiijadiisu ku soo gabo gabowdo iyo cawaaqibka ka dhashay.

Wuxuu xilka umada u hayey laba sanno, wuxuu ka dhistay guri fiilaa, Akawnkana waxaa ugu jira  $800,000  oo ah hantida uu umadda ka xaday .imaka xilkii waa laga qaaday suuqa ayaa lagu sii daayey galinka hore wuxuu soo toosaa ilaa 10:00AM kadibna waxaa uu tagaa meelahaa coffeega lagu cabo, jaraayidkana uu ka helaayo in muddaa markuu sidaa ku jiro ,ayaa waxaa soo riday cudur waxaa loola xararay  Hospitalada kuwa ugu waa weyn ee ugu qaalisan waa lajiifiyaa Habeenkii waxaa laga qaadaa $100 waxaa ku jira service ay u qabtaan Nurse ku ,dhakhtarku waxaa uu u diraa laabka waxaa laga qaadaa dhamaan dhiigaga oo dhan  takale ku darsoo waxaa loogu shaqaynayaa sidii masuul hore dhakhaartiirtuna waa u heegan, Hospitalkii waxaa uu jiifay muddo 20 cisho ah ,habeenkiina waxaa laga qaadayey $100 ,dawaddii iyo  baadhistiina waxay noqotay $1500 , dhakhaatiirtu waxay u sheegeen in uu ETHIOPIA tago , lacagta Hospitalkan kaga baxdayna imaka waxay dhantahay $3500 walibana intaas waxaa dheer kharash yaddii kale sida shidaalka iyo cuntada kolba looga soo qaadayo guriga ama hotelka (Restaurant).

Week kadib wuxuu qorshaheeda galayaa in uu u hawlgalo sidii uu Ethiopia u tagi lahaa ,

Xafaddii waxay ka tashanayaan cidii raaci lahayd  waxaa go’aan lagu gaadhayaa in laraaciyo  gabadh uu dhalay.

Waxay labadoodaba loo dalbayaa passportkii iyo Fisayaashii maca fiisihii waxaa loogu soo dhamaynayaa $700,

Waxay soo gaadhay inay diyaaradii raacaan mar haddii wax walba u dhan yahay ,

Masuulkani waa massuul xil soo qabtaye wali waxaa ku jira  han waynaantii ,gabadhii uu dhalay wuxuu ku yidhi Aabo waxaad noo soo jartaa  Business seat,HargeisaTO  Addisababa  sii socod iyo soo noqod ah$ 2900 aya laga qaaday.

Addisababa waxay ku dageen Hotel , sidoo kale wuxuu tagay dhakhtarada ugu fiican wadanka Ethiopia ,30 cisho ayuu ku sugnaa Addisababa kharashka isku gayn kaga baxay Hotelka iyo Hospitlka waa $8000 intii uu joogay Ethipia.

Waanu ka soo kicitimay  Addisababa ,muddo yar kadib waxaa loo qaban qaabiyey in debada loo qaado oo lagula quusto dhakhaatiirta dunida,

Waxayna talo ku soo ururtay wadamada CHINA, HINDIA iyo Malaysia, aakhirkii waxaa laysku raacay Malaysia ,kharashkii hore ee passportka ayaa hadana dib u soo noqday , waxaa hadana loo soo dalbay qaar kale oo SOMALIA AH, basaboorada iyo fiisayaasha waxaa laga qaaday haddana  laba passport midkiiba 2*300= $600 ,fisahana midkiiba 2*1100=$2200,

Ticketskiina $4000,

Waxaa uu gaadhay Malaysia waanu galay Hospitalkii ,markan waxaa lagu sameeyey qaliin si loo xaqiijiyo  ubucda cudurkiisa waxaanu qol(room) ka kiraystay Hospitalka ,dhakhtaraduna waxay talo ku siiyeen inaanu noqon ilaa inta uu ka soo raynayo dawooyinkana halkan ku qaato maadaama qaliin culus lagu sameeyey.45 cisho ayey ku qaadatay inuu ku jiro Hospitalka ,waxaana bukaankii lagu soo dalacay  lacag dhan $ 47000.

Hadda waxaa uu ku soo laabtay magaaladdii Hargeisa  waana bukaan socod aan soo rayn lahayn,lacagtii yarayd  ee Banka ugu jirtay xaafaddiina way biishanaysaa oo mahaystaan resource aan intan ahayn, waxayna u isticmaalayaan sidii maalintii uu aabahood xilka uu hayey, imaka wuxuu bukay muddo sanad iyo badh,xilka waxaa uu ka soo sokeeyey saddex sanno.

Xaaladiisuna ka soo rayn way yeelan wayday kharashna kuma yara ,hadda waxaa uu diyaar u yahay dhakhtarka weyn ee Hargeisa in lajiifiyo waayo kharash intaa kabadan tag uma hayo,

Isla markaana hadda wuu ku qanacsan yahay ,Akawnkiisuna(account) lacagsidaa u buurani kuma jirto hadda waayo carrurtiisu waxbay wada barataa oo qaarkood jamacadaha ayey ku jiraan kharashaad badana bishii way ku soo dalacaan ,walibana jamacado qaaliya oo uu markii xilka hayey uu geeyey ayey dhigtaan  kuwa schoolda dhigtana hadalkoodabadaa .

Aakhirka wuxuu ku idlaysanayaa noloshiisa dhakhtarka, adduuna waxba kama hayo ,aakhirina way u danbaysaa ,lacagtii uu umadda ka xadayna kumuu raaxaysane wuu ku saxariiray.

Waxaanu u haystay in uu nolol fiican galidoono mar haddii uu hayo lacagta xadigan leeg

Mustaqbal fiicana wuu filaayey iyo nolol uu mahadiyo.

 

 

 

MOHAMOUD Caynaan.

Tell 00881742097086

Dhaka

Mohamoud503@gmail.com

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso