Maalintii Dhagaxtuurka 20th February 1982. Maalinta Dhalinyarada Somaliland!!

Maalintii Dhagaxtuurka 20th February 1982.
Maalinta Dhalinyarada Somaliland!!.
*********************************************
Barraarugii Hargeisa, Hadhigii waxgaradka iyo Gadoodkiii Dhalinyarada
Soyaalkii UFFO iyo tixraaci Weerane Mohamed Baruud Ali.
*************************

HORDHAC:

Maalintii Dhagaxtuurka 20th February 1982, Waa maalin ka caalaamadsan, Gadoodkii dhalinyarada Hargeisa, Gadoodkaas oo salka ku hayey, Aqoon yahankii iyo waxgaradkii la xidhxidhay ee UFFO, isla maalintan ayaa Waxaa lagu Suntay “Maalintii Dhalinyarada Somaliland.

UFFO, Erey ahaan Waa dabayl xoog badan, macno ahaana, dabacan Waxay ka turjumaysay Dareenkii aqoonyahanka iyo Waxgaradki dadkii u dhashay Goboladi waqooyi, oo ka biyo diidsaana cadaallad darradii iyo waxqabadkii Dowladii Kacaanka.

Maalintii Dhagaxtuurka iyo Taariikhda UFFO; oo hada laga joogo Mudo 35 Sanno ah; ayaa Waxay tahay Taariikh Macno iyo xiise dheerada leh; Qiimo wayna uga fadhida Dhalinyarada Somaliland; Hadaba Tixraacyada aan kasoo dheegtay Qoraalkaygan Waxaa ka mida ; Buugii “Weerane” ee uu qoray Mohamed Barud Ali; Geologist and Chemist; oo ka mid ahaa; 2 Nin ee Maxakamadii Kacaanku ku xukuntay; Dilka.

Hadaba Waa tan Sheekadii “UFFO iyo Maalintii Dhagaxtuurku”.

         **************************************

GUNDHIG:

1978 Waxaa Dalkii Jamuuriyada Somaliya kusoo noqday, Mohamed Baruud, oo dalkan Uk, ka bartay Geology and Chemistry, Mohamed Wuxuu shaqo u doontay Magaalada Mugdisho, Hadaba Mar uu Magaallada Hargeisa fasax ku yimi, ayaa saxiibkii oo ka shaqayn jiray company gii Coca Colaha  Waxaa uu Mohamed ku dhiiri galiyey inuu Hargeisa usoo wareego halkaana ka shaqeeyo, Isagoo u ballan qaaday Mushaharkiisii mid ka badan, Mohamed wuu aqballay  wuxuuna ka shaqo gallay kambanigii coca cola , ee pepsiga samayn jiray. Waana halkii markii dambe lagu daabici doono, Jaraa’iidkii UFFO.

Mohamed Wuxuu kusoo biiray, Dhalinyaro badan oo dhigiisa ah, oo isugu jira, Dhaakhaatiir, Macalimiin , Engineero iyo Waxgaraad kalaba, Dhamaantood waxay ka biyo diideen, Cashuurtii xad dhaafka ahayd, ee laga Qaadi jiray Gobollada Waqooyi, iyo adeegii Dowlada oo gabi ahaanba ahaa mid Magac uyaala , dadkana waxba ugu filnayn, Dhamaan xafiisyada Dowladu Waxay ku yaaleen , Magaallada Mugdisho, Adeegyada caafimaadka iyo Waxbarashaduna Waxay ahayeen mid aad u hooseeya, Dhakhtarka wayn ee Magaalada Hargeisa Waxaa ka bakhtiyi jiray Dabka xita hadii Qallin lagu jiro.

Hadaba Dhalinyaro badan oo Reer Hargeisa, Waxay isla qateen in dadkooda caawiyaan, ayaga oo u horseedaya barnaamujyo badan oo iskaa wax u qabso ah, Hayeeshee Dolwadii kacaanku Howlaha noocann ah, Waxaa loogu yeedhi jiray, Abaabul Kacdoon dadwayne, Isku day Dumin Qarran, Kacaan diid iyo wax la mida.

Sikastaba ha ahaatee, Dhalinyaradii waxay sameeyeen, jar’iiid ay ugu tallo galleen, in baahiyaha Muhiimka ah ee dadwaynaha kaga hadlaan, Afkaartooda iyo Mowduuca laga hadlayana usii dhex Mariyaan, Jaraa’idkaa waxaa loo bixiyey, UFFO, Waxaa magaca bixiyey Mohamed Baruud, Ja’riidka waxaa qori jiray Ahmed Mohamed Yusuf “Jabane” iyo Mohamed Baruud, Waxaana lagu qori jiray xafiiskii kambanigii Coca  Cola,  Waana xafiiskii Mohamed Baruud Ali lahaa, Waana ta keentay in lagu xukumo Dil.

Mohamed Hashi Gani, ayaa helay nuqul ka mida , Jaraa’idkii UFFO, isla markii uu helay Wuxuu u geeyey, Madaxwaynihii Kacaanka Somaaliyeed, Mohamed Siyaad Bare oo ku sugnaa Mugdisho, Waxaana xammar laga soo diray, koox NSS ah, oo loogu tallo gallay inay arinka badhaan, xiddidana u saran, oo u hogaaminayey kornayl Ali Hussein Diini.

Mohamed Hashi Lixle, AHUN, ayaa dhalinyaradii soo saari jirtay Jaraa’iidkii UFFO, Wuxuu usoo diray fariin, waxaanu ku wargaliyey in ninkii Gaani ahaa ku daba jiro, Jaraa’iidkii UFFO, iyo cidii wadaba, sidaa daradeed ay iska fogeeyaan wixii nuqula ee agyaala, Hadaba 2 November 1981, waxaa la xidhay, Ahmed Mohamed yusuf, Jabane, oo nuqul ka mida jar’iidkaasi laga helay gurigiisa, 2 cisho kadib, Waxaa isna la xidhay Mohamed Baruud Ali, isku soo duuboo, Waxaa la xidhay 28 qof, Waxaa lagu eedeeyey inay yihiin, Basaasin Ethopian ah, Wallow ragaasi wax wanaagsan Qabanayeen, Hadaba Habeen kasta Waxaa la gayn jiray xafiis dambi baadhiseed oo cusub, ayada oo lagu wado, jidh dil, Garaacid iyo ciqaab nooc walba oo suuro gal ah, Ragaas oo qaarkood nool yihiin waxaa lagu samayn jiray waxaa ka mida ahaa:

in sanka laqabto oo biyo madaxa loo galiyo, in Saliid cagaha loo galiyo, in Gacmaha iyo lugaha inta laga xidho, Dhabarka Misaan laga saaro, IWM Kudarsoo ragani waa Macalimiin, Dhakhaatir, Aqoonyahan iyo Ganacsadayaal Waxaana ka mida ahaa.

1. Mohamed Baruud Ali——-Industerial Chemist
2. Ahmed Mohamed Yusuf———— Physics Teacher
3. Abdirahman Abdullahi H. Adan——–civil servant
4. Mohamed Mohamoud Omer ————Economist
5. Adan Warsame Siyaad——————Economist
6. Aden Yusuf Aboker——————–Medical dector
7. Mohamed sh Hassan Tani———- Medical dector.
8. Osman Abdi Maygag—————– Medical dector
9. Mohamed ali sulub——————-Medical dector
10. Abdullahi Ali yusuf—————-Vetenary dector
11. Husein Mohamed Dualle—-biology and chemisytry teacher
12. Mohamed Macalin osman———Biology teacher
13. Ahmed Muhumed Madar———-Biology teacher
14. Mohamed Abdi jiir——————-Biology teacher
15. Ali Egge FaraH———————–civil enginer
16. Omer Esse Awale——————civil servant
17. Ahmed Hussein Abi—————Banker
18. Bashe Abdi Yusuf——————-Bussiness man
19. Yusuf Abdullahi Kahin————-Bussiness man
20. Mohamed Ali Ibrahim————-Head of self help at Harg

Hint. 20 kan kor ku xusan , waxaa loo gudbiyey jeelkii 20 jirow, hayeeshe 8 hadhay Waxaa siidaysay Maxakamadii Kacaanka.

19 February 1982, Ayaa Maxaabiistii Waxaa loo keenay Waraaqo Eedayna, Waxaana ku yaalla Ee daymo kala duwan, Heeyeeshe Dhamaantood Waxaa lagu xukumay Qodobka 54 oo Dil ah, hayeeshee markaa aanay Macnihiisa garanahayn.

Nin koonaha ku xidhnaa oo la odhan jiray, Ali Ige Farah, ayaa daaqada Hablihii cuntada u keenayey uga sheegay, in dhamaantood lagu xukumay Qodobka 54, Sidaas ayuu warkii Magaalladii ku gallay, ayada oo markaa ehelkii, qaraabadii Maxaabiista iyo Dadwaynihii reer Hargeisaba ay Dhagtu taagnayd.

20th February 1982, Ayaa waxaa gaadhi Maxaabis sida oo Qafilani soo agmarray Dugsigii sare ee Farah Omar, Dhalinyaradii oo Dhagtu taagnayd markii horeba, ayaa Waxaa gallay waakan, Gaadhigii siday ragii xidhnaa, waana la laynayaa!!. Halkaas ayuu ka bilaabmay Dhagaxtuurkii 20th  February 1982.

Dareenkii xamaasada iyo dulmi diidku, Wuxuu keenay, in dhalinyaradii Gawaadhidii tiknikada ahayd Gudaha ugu daataan ayagoo dhagax hub u yahay, 3 cisho ayey xabadu socotay, Dhalinyaro badana Waxaa loo diray Maandheera, kacdoon iyo dhaqdhaqaaq xamaasadaysana wuxuu ka bilaabmay dhamaan Magoolinkii Waawaynaa ee Gobolladii waqooyiga,Illaahay intii maalintaa dhimatay how naxariisto, oo Janadii Fardowsa haka waraabiyo. Amiin akhristow Fataaxada u mar.

27 Bishii February 1982, nimankii xidhnaa, waxaa u yimi qareeno, Hayeeshee qareenadu Wax badan ma qaban Karrin , Laba sababood awgood:

-Dowaladii kacaanka oo cadaaladu aanay sharci ahayn, ee qofka jeclaysigiisa ahayd iyo

-Maxakamadooda oo bari ahayd, isku soo wada duuboo, Qareenada Waxaa ka mida haa. Ismail Jimcaale oo Xamar ka yimi, Husein sheikh oo xamar ka yimi, Faisal Haji jama iyo Husein Bile.

Qareenadu Waxay magacyada ka qoreen, maxaabiistii, waxaanay u sheegeen, kiiskani waa maxakamada badbaaddada, waxaanu isku dayeynaa inaad dil ka baaqsataan.

Mohamed Abdi
UK; London.

Advertisement

Ku Xayeysiiso