Silaanyo Waa Tiirka shicibka Somaliland Qore Khadar Ibrahim

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah ,waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland.

 

Sida laa wada oogyahay in madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud uu yahay hogaanka kaaliya marka laa eego hoggamiyasha hore  ka ugu waxqabadka badan abid soo mara dalkeena, khibrada weyn ku leh xaga siyaasada iyo habkiida, waa siyaasi wax qabadkiisa iyo fikirkiisa ku kasbaday shacabka Somaliland, Waana siyaasi ugu khibrada weyn dublomaasiyada, umuuraha siyaasada Somaliland naa qayb weyn kaga qaata hadaladiisu mar walba waxay  yihiina xaga horumarka iyo daryeelka iyo nabadgaliyada, wanaa siyaasi ku dhaqma dacaadnimada iyo wanaag uu qabo shacabweynaha Somaliland, hadal  wacan naa kula imaada bulshadda.

Markhaati wxa ka ah siyaasiyiinta laa shaqeeye xukuumadihi hore amaan iyo daacadnimo mooyaane wax kale lagu ma tilmaamo, waxanaa bulshadda Somaliland ay u baahanayd ka hor madaxweyne silaanyo hogaamiye aayahooda fuliya oo horumarka waddanka kor u qaada waanay heshay somaliland markay dooratay 2010 madaxweyne silaanyo, Waxaynu la wada oogyahay  in xukuumadda madaxweyne silaanyo maanta oo sii xawli ah uu socota taasna waa taageerada shacabweynaha uu qabaan silaanyo, wuxuna ku kasbaday sumacada wanaagsan ee leeyihiin siyaasiyiinta xukuumadda u doortay .

 

madaxweyne silaanyo waa nin waxqabad badan saamiyey xaga bulshadda iyo horumarintaa shuuruucda dalka ka taagan mudadii oo xilka hayay hadii noqoto xaga caafimaadka ,tacliinta, warbaahinta ,amniga, wadooyiinka ,kuna wadana siyaasad wanagsan oo diiran. 

 

Bulshada Somalilandna kasbatay xukuumadd ka shaqeya ayaahooda ninkaas oo ah hindisay horumarkan maamuleed waa Md. Silaanyo iyo golahiisa wasiriinta o ay ka mid yihiin wasiir samsam iyo maxamuud xaashi iyo wasiir cadaani iyo Dr. Sacad cali shire. 

Qof ama koox iyaga ay Guusha Xukuumaddu ku tallaabsato uga dhigantahay guuldarro oo wanaagga iyo horumarka ummaddooda u soo kordha aan indhahoodu arkayn isuna arka inay iyagu ka qadayaan mooyaane, horumarka iyo wax qabadka ay xukuumadda M/weyne Silaanyo muddadaa ay xilka haysay ku tallaabsatay ka weyn wax la qariyo oo la iska indho tiro. 

Guntii iyo geba gabadi hanashada quluubta iyo maanka dadweynaha waxa kasbaday madaxweyne silaanyo iyo xukuumaddiisa oo runti muujisay waxqabad iyo horumar balaadhan, shacabkuna in loo kordhiyo diyaar ayuu u yahay ,mustaqbalkana waa KULMIYE oo hogaaminayo Gud Muuse biixi cabdi.

 

Saadaashu waa khayr!!

Qore Khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso