Dhibaatada Abaartiyo Sicir-Bararku Aafo-Leh Ololaase Kabadaran

Dhibaatada Abaartiyo Sicir-Bararku Aafo-Leh Ololaase Kabadaran

Waxa kuhabsaday wadanka iyo dhamaan geeska afrika oo dhan abaaro baahsan waxaa inoo dheer inaga sicirbarar iyo olole kaxoog badan abaarta. Waa sadex aafo oo isku mar haleelay umada reer somalialand  xili ay xoolihii dhamaaden oo maciishadii kale ee dadku ku badbaadi lahaa ay cirka isku shareertay ayay xisbiyadii alooseen ollole aan loo fadhiyin waxay hanti iyo aduun ku bixiyeen mudaynta doorashada iyo sidii laga yeeli lahaa oo qudha waa lagu darayaa iyo lagu darimaayo isagoo midba dhiniciisa ka eegaya. Taasi waxay ku tusinaysaa inaan madaxdeenu wax dan ah kalhayn mustaqbalka iyo horumarka umadda iyo xataa noloshooda.

Waxaynu nahay ummad iska nool oo aan wax  qorsha lahyn “ceelna uma qodna cidina uma maqna” dawlada iyo shacabku kamay fakarin xalinta dhibaatooyinka dhacay iyo kuwa soo soosocda toona. Aafada ugu wayn ee somalida ku dhacday waa madaxda xumo.

Maanta nolshii dadka mugidbaa kujira oo lama garanyo waxay ku danbayndoonto xoolana daa hadlkooda. Inagu shacab ahaan maxaynu yeellaa ma gacan shisheeyaa wax inoo qabanaysa misa nimankaa aynu arkaynu xisbiyadooda iyo xukuumadooda ayaynu sugnaa? Maaha inay dadku sugaan dawlada ee waa inay iyagu gacantooda wax kuqabsadaan waa inay kafekeraan sidii ay u maarayn lahaayen noloshooda  sidii ay u xoojin laheeyeen waxsoorakooda xoolah iyo beeraha iyo sidii ay usamaysan lahaayeen ka hortag. Waa inay kafekeraan sidii ay udooran lahaayeen madax wanaagsan oo  higsi iyo himilo leh oo dadka iyo dalkaba horumar gaadhsiin  kara waayo  madaxda somalidu imika waa ganacsato raadinaysa macaash badan . Ilahay AHN abawaankii waynaa Xaaji Aadan Afqalooc markuu ka hadlaayay aafadan wuxuu yidhi “Ninkastaaba meeshii lagu ogaa guray intii tiil”   waligeen waxa ina hortaagan nin xoolhii ummada ukala qaybiyay  calooshiisa iyo jeebkiisa.   Waxaynu ka dhergasanahay shaqalaanta, musuqa iyo eexda ina hadheeyay.

Waxan ku soo gabagbaynayaa meeriskan gabyga ah oo aan anigu leeyahay

“Rabbaa inaga goyn kara dhibkoo faydi galab uune

Guudkeena midha saaranoo sugaya ruux gooya

Hadaad gacmaha kala maag  is tidhi waa laguuguriye

Guul dariyo ceeb xun iyo gunimo sow maaha.

 

W Q: Sidiiq Cali Suudi

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso