Doorashada Somaliland 2017 iyo saameynta Abaaraha

Doorashada Somaliland waxay ku began tahay inay qabsoomto 28th March 2017. Waa sidu qorshaha dawladu dhigayo maxkamaduna sharciyeysay.
Hadaba waxa jira abaar baahasan oo dalka ku habsatay dad iyo duunyaba dhibaato ba’ani ka soo gaadheen ha u sii badnaadaan  gobollada bariga Somaliland.
Xukuumaddu door laxaad leh ayey ka qaadatay gurmadka abaarta oo ay weli waddo, isla markaana ay haatan u qorshaysanyihiin tallaabooyin muhiim ah oo dadka tabaalaysan loogu gurmanyo,  haddii ay tahay Ceelal la qodo, kuwa dib loo hagaajiyo, haddii tahay gurmad Raashin, dharka dhaxanta iyo dadaal badan baa la galay, laakiin mar walba baahidaa ka weyn, Dawladu waa iney fulisaa wixii awoodeeda iyadoo la kaashaneysa haayada caalamka samafalka, dawladaha kale iyo shicibkeedaba
Salaasa 10th  bisha January 2017 waxaa kulan wada tashi iskugu yimi gudoomiyaasha saddexda xisbi qaran (Kulmiy Muse Bixi, Wadani Cabdiraxman Ciro iyo Faysal Ali Waraabe.

Hadaba waxa muuqata in la isku maandhaafsan yahay xisbiga Wadani iyo Xisbiga UCID ay doonaney in doorashada dib loo dhigo oo dawlada loo sameeyo muddo kordhin iyo xisbiga kulmiye oo raba in doorashadu xilligeedii ku qabsoonto.
Abaarah ka sakow xisbiga UCID Faysal Ali Waraabe, Mushraxa ka yahay ma dhisna waanan burbrey waxaanu rajeynayaa haddii muddo kordhin la sameeyo in dani ugu jirto helana muddo uu dib xisbiga ugu soo dhiso. Xisbiga wadani waxaa la sheegayaa asaguna inuu si gaara u daneeynaya muddo kordhinta oo wax yaabo badani qabyo ka yihiin una arka deeganada abaaruhu ka jiraan in dadkii wadani taageeryey ka guureen.

Su’aasha meesha ku jirta waxa weeye haddii doorashada dib loo dhigo abaarta wax ma ka taraysa?. Jawaabtu waa maya.
Qodabka kowaad waa in dawlada Somaliland xil ka saran yahay in si mugleh oo loo kala hadhin luugu gurmado abaaraha loona caawiyo dadka iyo xoolaha abaartu hayso.
Qodobka labaad dawlada waajibka saariney waa iney doorashada xilligii loo cayimey ku qabto fullineysa. Gacana waa in lagu codeeya gacana waa in dadka lagu taakuleyo.
Hadaba doorashooyinka dadka is diiwangeliya ee xaqa u leh in codeeyeen, ma dhacdo inta badan in boqolkii boqol codeeyaan dadka is diiwan geliyey duruufo badan awgeed sidaas darteed dadka codeeyey haddii ay ka badnaadan 50% doorashadaas waa sax waan la aqbalayaa.
Hab dhaqan kordhsiimaha waan in meesha laga saara. Madaxweynaha Siilaanyo aad ayaan ugu raacsaney hadduu yidhaa doorasha xilligeedii ha ka dhacdo.

Allah Mahad Leh

Kosar Aideed Abdi
Manchester UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso