articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

BARNAA-MIJKA XIKMADA SUUGAANTA ( jecli-yaa dad-kayga)!
posted by:

Maanta waxan halkan ku qorayaa intii afrayda ahayd ee aan aan mar-mar ka qac siin jiray, kolay gaadhi-maayo rag aan oga-haye, ee bal aan iska daba gur-guurto siddii diin is leh baabuur daba orod waxan tiriyey isniintii shalay oo au bishu 06/09/2010, waxana la yidhaahaa jecliyaa dad-kayga waana tan ee iga qabo:-

Umad yahay dar-baa jira,
Isha waxa u muuq-diyo,
Qalbi wuxu ogsoon yahay,
Halkay adinka dhiga-yaan,
Ara-gooda dhaaya-hu,
Iska soo hor jeedoo,
Ay kala abraa-raan,
Isu bogay aqoon li’i,
Ula-jeeda-dood tahay,
Inay adhaxda jebi-yaan,
Garashda if-tiinka ah,
Indha-huu ka sii rido,

Umad wada walaal-iyo,
Il-maadeer is jeceloo,
Ab-ab-kood is dhalayoo,
Weli eedo kala gelin,
Ku dhex tuura ibtiloo,
Isku dire aboodiya,
Ilamaa ayaantii,
Unu-giisa aadmiga,
Ugxan laga abuuree,
Eebbe-heen u uumee,
Laga dhigay ar-waax nool,

Aduun-yadan dul joog-nana,
U ad-keeyey dhidib-kee,
Inba edeg u xeeree,
Awood weyn u yeelee,
Ku adeegta nagu yidhi,
Dabadeed ir-saaq-iyo,
Anfac aan dhmaan-iyo,
Ubad ay dhalaan-oo,
inti-faaca aakhiro,
Ku asturay ilaahay,
Ku il-haanshay diintee,

U soo diray rasuul-kee,
Kitaab-kaas akhriya yidhi,
Eeyada u fiir-sada,
Ajar baad ka helay-saan,
Aad u aaya-tiin wacan,
Waxan nahay adoon-tii,
Amar eebbe diidee,
Ku ad-kays-tay xumahee,
duuf-saday ib-lays-kuye,
Ka abaal ka dar-yee,
Iin kuwa lahaa-baa,
Hadeer weli arimi-yee,

Allasha-yoow siddii roon,
Aamiinta ila dhaha,
Al-xamdu-lila ila badi
Ruuxii islaam-kiyo,
Abtir-siin furqaan iyo,
Ku aroora suna-hoow.

Waxan akhris-toow aan maanta ku jooji-nayaa halkaas afaray-ddii aan soo derderi jiray mudo marka la ga joogo tii hore aan ee aan is idhaaho way ku haboon tahay, sidaas awgeed ramadaan kariim hadaad tihiin umada reer somaliland meel aad joog-taanba.

* N.B Nin-ba tima xamar,
Abdi-shotaly,
oodweynenews.com