articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

Ciidamada Dowladda ayaa La Sheegayaa in Ay Soo Baneeyeen Dhawr Aag oo ay Hore u deganaayeen.
posted by:

Iyadoo dagaalo xoogan ay ka sii socdaan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa Ciidamada Dowladda oo ku sugnaa aagag dhowr ah waxay soo baneeyeen dhufeysyadooda, iyagoo gadoodsan.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Ciidamada ka soo baxeen aagaga Waqooyi, gaar ahaan
dhinaca C/casiis oo Shabaabku sheegteen inay qabsadeen meelo dhowr ah.

Sidoo kale Ciidamada ayaa ka soo baxay dhinaca Taleex degmada Hodan, halkaasoo haatan dagaalo iyo
duqeymo ka socdaan.

Ciidamada ayaa la sheegaya inay ka soo baxeen Carwadii hore, halkaasoo ku soo dhowaadeen Xoogaga
Alshabaab. Sababaha Ciidamada uga soo baxeen goobahaas ayaa la tilmaamay inay ka dambeysay gadood dhinaca
mushaaraadka ah, kadib markii shalay ay xirteen wadooyin ka mid ah magaalada.

Aagaga ay ciidamada soo faarujiyaan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar la hadal hayo ay sheegayeen
in xilka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Ciidamada Milateriga Gen. Kaahiye.

Axmed Kulan

Moqdisho