articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

Waa hees cusub oo lamagacbaxday *Madax weynooow*
posted by:

Waa hees magaceeda layiraah *Madax Weynoow*

Ramadaan Kariim

Salaamullaahi Caleykum Ajmaciin

Bulsha-weynta JSL,waxay codsatay isbedel ku yimaada qaranka somaliland,waxay dooneen maamulkii madax-weyne Daahir Riyaale inuu meesha ka baxo maamul kalooy iyagu codsadeena yimaado,isbedel doonkii way ku guulaysteen ujeedadoodii,codkoodaanay ku meel mariyeen isbedelkii ducaysnaa ee ay dalbadeen,si nabadgelyo ahna way ugu hirgashay, anigana waxay igasoo codsadeen inaan hees afkooda ku hadlaysa madax-weynaha uugu diro waana tan heestiiye iga gudooma.

Heesta magaceedo waa Madax-Weynoow,midhaheedana hoos ka eeg

. (1)

Maskax dihinoo

Murti curatoo

Muslin iyo gaal

Madal loo bogay

Looga marag kacay

Oo mas’uuloo

Miidda erey-yada

Laga maaloon

Ku masuugini

Waa muraadkaan

Kuu majeertaye

Murruq iyo talo

Loo midooboo

Loo miyiriyaa

Midho dhaliye’e

Madax-Weynoow

Mahuraan wada

Mucuurtoonaa

Kuu mashxaradaye

Hadii Mawlluhu

Madaxtooyada

Manta kugu simay

Kooraska

Adna mudanoow

Maamul wacanooy

Wixi soo maray

Kaga maarmaan

Uunka maqashii

(2)

Mabd’ adagoo

Micne yeeshoo

Milge iyo sharaf

Iyo maamuus

Ku marriimani

Oo maqaamloo

Wax maroorsama

Murr haday tahay

Ka mildhaawini

Waa miciinkaan

Kaa malaystaye

Mucda qarankoo

Maanku bedqaboo

Loo maleegtaa

Muska ootta’e

Maahirkoodoow

Danyar murugadu

Mashaqaysaa

Kugu meersane

Hadaad mansabkay

Kula maageen

Ugu madax tahay

Kooraska

Adna muanoowd

Maamul wacanooy

Wixi soo maray

Kaga maarmaan

Uunka maqashii

Farriintii isbedel doonku kuma koobna labadaa beyd ee waxan ka reebay beyd sadexaad hadii loo baahdana waan soo raacin doonaa,imikase halkaa aan ku yara hakiyo,isbedel doonkuna raali hayga noqdaan hadaan beydkii sadexaad ka reebay,weliba isbedel doonku laxan ha saartaan idaacadahana ha gaystaan fasax bay u haystaane.

Madax-weynoow adiguna fariinta isbedel doonka ama qoraal ku akhriso ama hees ku dhegeyso kolba tii kuu fududaata.

Ramadaan Kariim

Waa Qalinkii Baruud

Baruud_1@hotmail.com