Marka koobaad Waxaan Salaan Hawada usoo Marinayaa Umada Islaamka Meelkastoo Ay joogaanba Waxaanan Leeyahay Rabadaan kariim Waxaan kaloo Hanbalyaynayaa Hawlwadeenada shabakada hadhwanaagnews
Intaas ka dib waxaan jeclahay in aan mid iyo laba qodob si kooban uga hadlo.
Ugu horayn umad kasta oo ku nool dunidan korkeedu waxay leedahay dhaqan iyada u gaara marka laga yimaado diinta ama caqiidada ay rumaysan tahay, bulshadeenuna taas way kala siman tahay oo marka laga yimaado diinta islaamka ee ay awoow ka awoow ku dhaqmaysay waxay leedahay dhaqan iyada u gaar ah oo xidhiidh mug wayn la leh diinta islaamka waloow ay jiraanba goldoloolyin aan sidaasi u tira badnayn oo dhaqankaasi ku milan taasina waxaynu u nahay bini aadam oo waa allaah (sw) cidda kaliya ee aan lahayn iimo iyo turxaamo.
Haddaba bulshadan aynu ka dhalanay ee leh dhaqanka sidaasi u faca wayn ayaa waxay tahay mid hab odhaaheed wax isugu gudbisa (oral society) taasina waxay keentay in qarniyaal badan oo tariikh umadani ay lahayd ay gabi ahaanba lunto taas oo sababta ugu waynina tahay in fac kasta oo kaca uu qayb taariikhdaas ka mid ah iloobo.
Balse waa ilaah mahadii oo waxaa wali la hayaa taariikh badan oo muujinaysa habka dhaqan iyo dhaqaale ee ay bulshadani u noolayd taas oo inagu soo gaadhay hab suugaaneed murti, maahmaaho,iyo gabayo, balse taariikhdaas ayaa halis ugu jirta in ay lunto haddii aan wakhtigan qalinka lagu suntin, waana taas sababta ugu wayn ee anigana igu dhalisay in aan silsilad suugaaneedan qalinka u qaato si aan bari wax badan oo ka mid ahi u lumin.
Haddaba qodobka aan rabo in aan si kooban uga waramo ayaa waxa uu yahay qalinka iyo faa’idada uu bulshada u leeyahay.
Qalinku sida aan ognahay waa ka suurta galiya in jiilba jiilak kale uu si fudud ugu soo gudbiyo wax iyaga hortood dhacay oo aanay u soo joogin taasina waxay sahashaa in jiilba uu jiil ka dhaxlo taariikhdaas qalinka lagu ururiyay
Abwaanada soomaliduna in badan ayay ka hadleen qalinka iyo sida looga faa’iadysan karo.
Abwaan maxamed ibraahim warsame (hadraawi) ayaa isagoo ka hadlaaaya waxa uu leeyahay
Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saxiib kal furan weeye
Sunto fara ku hayntiisa
Sinsin iyo ku beer moofo
Iyo laanta saytuunka
Ku qotomi sugnaan waarta
Waa ay badan yihiin suugaanyahanada hore ee ka hadlay qalinka iyo faa’idooyinkiisa sidoo kale hal abuurada da’da yar ayaa iyana si taasi la mid ah waxay uga hadleen faa’idada uu qalinku u leeyahay aadamaha.
C/raxmaan maxamed cali (ubaxle) aan ka soo qaado maansadiisa dheelitiran oo ah mid ka hadlaysa qalinka iyo dhaqanka waxaanay odhanaysaa
Qalinyahaw dharaaraha
Inta uu udhaadhoco
Taariikhda dhigayaa
Bulshadayda dhaqanka leh
Dhusimada utaagoo
Murti aan dhamaanayn
Dhaxalkiyo aqoontaa
Usamee dhextaaloo
Ka ilaali dhimashada
Waxa kale oo isna ka hadlay Ibraahin Cabdi Xirsi (Xamari) isagoo gabayga (qiil beena) kaga waramaya sida uu qalinku u yahay mid lagu xalin karo wax kasta oo an dagaal iyo xoog midna lagu xalin waxaanu leeyahay
Allihii qoraalkiyo
Qalinkiyo cilmiga baray
Umadayda qaarkood
Ayuunbaa qaadiroojira
Dagaalkana qatiyo ciil
Qaxarkiisibaan nacay
Qoryihiina waan dhigay
Anoon qiilbeen Doonayn
Qasdigiyo quluubtaydiyo
Qorshahayga gaarka ah
Waxaan qaadka doonaa
Inaan qalin kusoo xidho
Sidoo kale kayse Maxamed Xuseen (galaydh) ayaa isna waxa uu maansadiisa “barbaarinta hooyo waa sad” baydad ka mid ah oo ka hadlaaya aqoonta iyo tartankeeda uu ku leeyahay.
Adduunyadan baarka fidhatay
Cirkii loo baratamaayo
Badii laga furay dukaamo
Baliidka la sheeganaayo
Cilmiga lagu baarqabbeeyo
Badowga la roorsanaayo
Aqoonta haddaanad baranin
Hankaaga haddaanad baacin
Hiyiga ku bidhaamin meel fog
Baraarugin dhaayahaagu
Buruud kuu noqon tacliintu
Akhriska boholyoow u qaadin
Qalinku kuu noqon bilaawe
Baashaada ka raacin uunka
Khayrkaa lama baratamaysid
Qalinka iyo faa’idooyinkiisu maaha kuwo aynu halkan ku soo koobi karno balse waa mid ay muhiim tahay in markasta la isu sheego, waana muhiim in dhalinyaradu ay wakhtigan wax badan oo mustaqbalka lumi kara ay qalinka u qaataan si aanay barri uga qoomamayn marka iyaga wax la waydiiyo.
Dhanka kale dhalin yarada ayaa ah markasta kuwa dhaxalka qalinka u hadhaaya waana waajib saran fac kasta oo markaas iyagu nolosha hogaaminaya in uu dhaxal uga tago cidda ka danbaynaysa.
Qodobkan ayay in badan suugaan yahanadu ka hadleen sida waajibkaasi la isugu leeyahay iyo sida la isaga danbaynaayo dhaxalka umada oo dhaqanka iyo taariikhdu ay koow ka tahay.
Abwaan xasan ganay ayaa isagoo mawduucan ka hadlaaya waxa uu yidhi
Taariikhda yaa dhiga
Dhidibkeedu waa kuma
Dhug u yeesha mansada
Hidihiina dhaabane
Murtidiina dhuuxa ah
Suugaanta dhumucda leh
Hibadiina dhaladka ah
Dhaxalkiina weeye
Dhawrta idinkaa lehe
Sidoo kale abwaan maxamed ibraaihm warsame (hadraawi) ayaa isna waxa uu gabayga dhul gariir isagoo isla qodobkan ka hadlaya uu ku leeyahay dhawr bayd oo ka mid ah
In aan dhaabadeeyaan rabaa dhawr kal dabadeede.
Dhaxalkeeda nimankii lahaa way dhabaan dhabiye
Iyagaa dharaaraba intaan dhaafay sii odhane
Abwaan xasan ganay waxa uu tuducyadan ku tilmaamayaa in cidda dhaxalka afkan iyo dhaqankanba iska lihi ay tahay da’yarta sidoo kale abwaan xasan ganay mar kale oo uu ka hadlaayay sida ay wajib u tahay in dadka aqoonta lihi ay u soo gudbiyaan carruurtooda si ay uga dhaxlaaan ama kala hadhaan aqoontooda ayaa waxa uu leeyahay
Wakhtigu wuu sunsumayaa
Midna waa la sugayaa
Soo jire ma noolee
Qarni waliba wuu socon
Safna wuu ka daba dhalan
Hadba kooda sara kaca
Waxa sahayda uga taga
Kii horee sagootiyay
Waa run oo wiil kastaa waxa uu ku naaloodaa dhaxalka aabihii uga tago iyo tacabka uu galiyo wakhtiga koriinkiisa.
Ma aha mid aan kow iyo laba ku soo koobi karno suuganta ka waramaysa wajibkaas saran qof kasta balse intaas ayaa inoogu filnaan karta hawaala waran iyo hogatusba.
Suugaanta iyo adeegsigeeda ayaa iyaduna ah mid in badan laga hadlay, waayo suugaantu waxay waayadii hore ugu jirtay umadeena halka ay maanta warbaahinta casriga ahi ugu jirto waxaana ay ahayd ta la isku gaadhsiiyo marxalad kasta oo nololeed oo markaas lagu jiro sida barwaaqo,nabad, colaad, abaar, waano iyo wacdiba.
Tusaale ahaan marka laba deegaan ay is dagaalaan waxa ugu badan ee ay isu isticmaali jireen ayaa waxay ahayd gabayada sidoo kale goobkasta oo la isku riiqdo oo la isku jabo ta lagu xaliyo laguna qaboojiya waxay ahayd suugaanta.
Balse waayadan danbe ayaa waxa soo if baxay danbi aad u culus oo laga galay suugaanta iyo suugaanyahanada taas oo ah in uu noqday gabaygii mid lagu weeraro shakhsi iyadoo mid kale la taageerayo si loogu helo anfac taasina bari ayay ka tahay dhaqanka suugaanyahanada
Ibraahin gadhle (alla haw naxariistee) waxa uu leeyahay isagoo ka hadlaaya adeegsiga kala duwan ee suugaanta
Maansooy nin kugu duul
Ninna maalin kugu dood
Ninna dhuuni kugu doon
Ninna darajo kaa dhigay
Ninna nabarka kugu damaq
Ninna dakharka kugu dhayay
Ninna doogta kugu kici
Ninna ololka kugu dami
Ninna nabada kugu didi
Ninna balada kugu dadab
Ninna dookha caashaqa
Kaa dhigay daf loo tumo
Oo ka doorkan joogiyo
Dura gabayadii jiray
Intuu heesta kugu daro
Jacayl kugu dalaandali
Marna darayo muusiyo
Dhaclihii dunta lahaa
Qurux kugu dabbaalsii
Waa sidaas oo ruuxba halka uu markaas u rabo ayaa uu suugaanta u adeegsadaa balse sida looga bartay dadka leh hibadan “hal abuurnimada” ayaa ah in ay u isticmaalaan dhanka khayrka iyo samaha.
Marka la isku soo wada xooriyo suugaanta ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay ahayd mid gabaabsi ah lana odhankaro waxay ku sigatay in ay gabi ahaanba khatar gasho sababtuna ma aha in la waayay suugaanayahan oo wali waxa nool oo ifka jooga xidighii qarniga 21aad balse waxay tahay ciddii loo soo gudbin lahaa ayaa ka jeestay.
QALINKII AXMED NUUR C/LAAHI XUSEEN