Gabay-gan waxa tiriyey cilmi boodhari, waa gbay jacayl ah, waxana inta badan la yidhaahaa waa kii ugu horayey markii u cadaystay in uu hayo jacayl, kolba meel baan ka soo qaban doonaa ee la soco:-
Caashaqa haween waa horaa, caadil soo rogaye,
Seyidkiicarshiga nuuray iyo, caliba soo gaadhye,
Waxa cayn-ba-cayn looga dhigay, hays cajebi-yeene,
Soomaalidaa caado xune, iguma caydeene,
Oo ima canaan-teen sidaan, cuud ka iibsadye,
Kuwii calaa-calayey baan, caqli tusaalayne,
Sida weelka caanaha haddii, laabta loo culayo,
Bal aan soo cidaadee maxaa, cunaha dhaafaaye,
Curuuqa-ha maxaa kala dhex geli, cadaha hoos-tooda,
Ma cidaamka aan jebinayaaq, cunaya dhuuxooda,
Inan caday-do mooyee waxaas , calasho ii diiday,
Caqliga yaa ka bi’in tuu ilaah, ku cir cadaa-yeeyey,
Cimri-gayga oon jirin, intii lagu ciroo-baayey,
Muga inan cadaa-daan ka biqi, canab daraa-deede,
Cuduhu ma naaxaan qof-kay, talo ku ciirtaaye,
Cashar-kay wadaa-dadu qoreen, cudurki, goyn waaye,
Cilmi-dawona doon-tayoo, weyday cilin-kiise,
Jeeraan cana-beey ku helo, caafimaad dhimaye,
Inan caad noqdaa-baa ka roon, caawa saan ahaye,
Illayn caashaq lama maydhi karo, kugu cirroo-loobay.
Ilaah ha inaga hayee waxa aan dawo-ba lahayn, oo wax lagu-la daalo-ba aanay jirin, waa sida uu sheegay boodhariye, markaas kaasina aan ku xidhno hal-kaas maanta, ma cas-casa ee akhris-toow la soco haddii alle yidhaaho barnaa-mijkan xikmada suugaanta, iyo aniga oo cabdi shootali ah oo idiin daadihiya.
* N.B Midab lagu gartiyo waxan muuq lahayn, ayuun bay mirtee, muran iyo gar baan u mutuhis cidlada isku murux-sanee.
abdi-shotaly,
Oodweynenews.com