articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

MADAXWEYNAHA HALAGA DAAYO FARA GALINTA.By:Sharma’arke Maxamed
posted by:

Asalaamu calaykum dhamaan muslimiinta af-somaliga ku hadasha gaar ahaan reer Somaliland, Waxaan beryahan aan ku arkaa dad iyo web-sideyo badan aan is idhi mucaaradada ayeynan weli fahamsanayn, Dawladan qalinka dacaayada loogu qaatay weli laba bilood ma jirsan, Waxaan leeyahay weli may gaarin wakhtigii la mucaaridi lahaa oo wax loo sheegi lahaa ama la dhaliili lahaa, Madaxweynaha xaq buuxa 100% ayuu u leeyahay cidii uu u arko inay la shaqayn karto inuu u igmado shaqadaa haday doonaan haba noqdaan ehelkiisa, qaraabadiisa, Xidiidkiisa & tolkiisa mid soke iyo mid guudba, Lakiin waxaa mihiim ah inuu Muwaadin yahay qofkaa uu doortay, Hadii qaladaad yar-yar ka dhacaan oo uu ka dhego adaygo inuu saxo, Waxaan u malaynayaa in aanu khibrad u yeelanay maamul- bedelka, Waxaanu la sugaynaa wixii aanu ka yeeli lahayn uun hadii Ilaah idmo markuu dhamaysto shantaa sanadood, Laakiin waa in laga daayaa Dawladiisa iyo cidii uu wax u dhiibanayo qaylada iyo in la qabyaaladeeyo, Waadna la socotaan in ninwalba oo xil loo dhiibaaba qabiil uun ka dhashay ee qofna cirka ka soo dhicin.
Haduu uu ku kaco (Siilanyo) wax lidi ku ah hawshii loo igamaday ee ah Ilaalinta iyo u daacadnimada Jamhuuriyada Somaliland ayuun baa xaq loogu leeyahay in la eedeeyo oo ilaa heer maxkamad la saaro, Laakiin inta uu dhulka noo fiiqayo ha laga daayo xagashada, Durbaba waxaan maanta ku arkayey laba web-side oo ku caynaya nadaafadaa uu ku dhaqaaqay ilaa ayba ku sheegeen waa sidii Gaani, Inkasta oo labadan web ay hore u jiri jireen hadana wuxuu shaydaankii ilowsiiyey inuu uga horeeyey Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin oo hada ka hor iclaamiyey nadaafadan oo kale kuna dhaqaaqay, Waxaan idin weydiin lahaa marka ay Siilaanyo ku dhaliilayaan dhulkuu xaadhaa oo nadiifiyaa, Maxay tahay ula jeedadooda? Saw maaha waxay ka xun yihiin kartidiisa iyo daacadnimadiisa iyo horemarka uu gaadhsiin karo jamhuuriyadan curdinka ah, Cadawgeena ma’aha kan qoriga sita ee waxaa ka xun kaa kan qalinka sita ee ha layska ilaaliyo. Dhinacna halooga soo wada jeesto Somaliland, Danta guudna halaga hormariyo tan gaar ahaaneed, Lana socda waxaan taageeraa UCID, Lakiin maadaama si xaraga leh u heleen Kulmiye waxaan leeyahay Ilaahay haydinku gacan qabto amaanadan aad tunka u ridateen.

Sharma’arke Maxamed Cumar Qoti
sheeq@hotmail.com