
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Ramadaan Kariim, salaan qaaliya iga gudoon, waxaan halkan kuugu soo dirayaa Hees Cusub oo la magac baxday “siyaasadu maaha dhiig” taas oo ka hadlaysay collaada umulo dooxa iyo aqoon la dirirka ah ee ka alloosan gobolada koonfureed ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Heestan oo ay qaadayaan saddex fanaan oo u dhashay Somaliland iyo laba fanaan oo u dhashay Jabuuti ayaa waxaan ka illaaliyey in ay qaybka noqdaan fanaaniinta koonfurtu si ay u yeelato saamayn ka duwan kuwii hore, waxaan kale oo halkan idiinku soo lifaaqayaa ereyadii heesta oo qoraal ah iyo codkii oo wada socda, waxaa sameeyey ereyada aniga oo ah Cali Axmed Rabi Seenyo, laxanka waxaa saaray Maxamed Axmed Qoomaal, waxaa qaadaya Fanaaniinta kala ah: Nimco Yaasiin, Cabdirahmaan Xadanteeye, Ikraan Caraale, Cabdi Qaboojiye iyo Kaltuun Xasan Bacado.

Nimco Yassin
Ma aha seef laba afliyo
Sir iyo bood lagu tartamo
Dadkoo la sukuumo iyo
Siyaasadu maaha dhiig
Ma aha saxariirka iyo
Silica hooyada la baday
Sallaan kursi lagu helee
Ninkii sugayow la’ waa

Dhextaal
Suugaanta dardaaranka ah
Runtii waxan uga socdaa
Sandulle layguma xukumo
Seetiyo dabar kama cabsado
Soomaalina taa ma geyo.
Cabdirahmaan Xadanteeye
Ma aha sallow iyo collaad
Dharaar walba dhiig sunsuma
Seeskii noloshoo la tiro
Waxay sugayeen shacbigu
Ma aha dulmi samada kora
Siic iyo aafiyo tacluus
Dadweynaha soogan iyo
Dalkaba in la siisto shillin

Dhextaal
Suugaanta dardaaranka ah
Runtii waxan uga socdaa
Sandulle layguma xukumo
Seetiyo dabar kama cabsado
Soomaalina taa ma geyo.
Ma aha niyad saafiyee
Miyaa wada suuxsantiin
Dagaalka maxaydin sudhay
Nabada mow saro kacdaan
Ma aha inaad suudashoo
Khayrkaa sanka kaa tolee
Siddaa u dhantiin hinqada
Sadqeeya kuwaydin dhibay

Dhextaal
Suugaanta dardaaranka ah
Runtii waxan uga socdaa
Sandulle layguma xukumo
Seetiyo dabar kama cabsado
Soomaalina taa ma geyo.
Ma aha sabbarada guryaha
Dukaamada suuqa iyo
Saylada miinada la dhigay
Siddii muslin yeeli jirey
Ma aha belo saadiyoo
Wedkaaga u sacabtumee
Ninkii samo doonayow
Hadeer sulufaha ka joog

Dhextaal
Suugaanta dardaaranka ah
Runtii waxan uga socdaa
Sandulle layguma xukumo
Seetiyo dabar kama cabsado
Soomaalina taa ma geyo.
Ma aha saymiyo xumaan
Dharaar walba mayd la sido
Sokeeyaa is dooxayow
Islaamnimo maaha siddan
Ma aha sidduu Saatir yidhi
Sunnihii Nebigee mudnaa
Ibalys baa idiin sanqaday
Shaydaan baa u siddaan qoryaha
Ali Seenyo
Intaad ifka joogto u hiili aqoonta