articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

QADAR DHACAY IYO QOOMAMO WEEYE! W.Q Cabdi Shotaly
posted by:

Nin baa xaaskii-sii oo ilma yar oo ay dhashay arkay iyada oo la ciyaa-raysa, markaasuu u qaadan waayey, halkii buu ku furay oo yidhi tan wax baa u dhiman ilmaha bisha jiray la qoslaysa, dabeed inta ay u dhigtay bay ka dhaqaaday oo tidhi hayso, halkii buu isaggii dhabta ku qabatay cabaar markuu hayey buu ilmihii ooyey, markaa-suu ka bilaabay halkii hooyaddii uu ku furay oo la ciyaary isaga oo u qos-laaya ilmihii, ka dib-na wuxu qooma-meeyey aqoon la’aantii uu ku furay hooyaddii isaga oo reebay odhaah weyn oo ah ” kan nin arkaaba qosol”, waxan imika uga socda tan nin maqalay-ba amakaag,waxa dhab ah sheekaddii reer xamar-ka ee ay ku sheegi jireen cimri-gaaga oo dheeraaday geel dhalaana waa ku tusaa, maalin-ta aad aduunkan sii joogto-ba lama arag, lama maqal iyo wacdaro aanad u fadhiyin oo hor leh baad wejiga ku dhufa-naysaa aad maraada inta aad kor u xaydato siddii ruux waalan aad u socoto, maanta waxanu haynaa nin laba dal mid-na wasiir ka ah, mid-na ka xamaasha, waa wasiirka arimaha debeda ee JSL, maxamed cabdilaahi cumar ( Dr xamaal), miyaa-nad fejiciso qaadayn, oo niyad jab kugu dhacayn marka aad la kulanto arimaha caynkan ah, waa cajaa’ib iyo u qaadan waa aan meesha qaban,

Ninkii kamarad walba isu dhigi jiray ee 10 downing street ( waa xafiiska ingiriiska laga xukumo’e) hor fadhiyi jiray ee ricilaha gaagaab-naa, ma waxa ay arintiisu noqotay meeshaas amr oo muuqaas la waa, iyo sheeko caruu-reeddii la odhan jiray googaa-cadalee, xagee buu ka dhacay, meeday firfir-cooniddii iyo iyo dhaliishii uu odhan jiary aduunku wuxu yidhi inta ay joogto dawladdii riyaale la ictiraafi maayo, ma isaggii baa noqday hoosaa-siyaha koowaad, wuxu yidhi meecaad miigane ilaah janada haka waraabiyo’e, mar ay shara xamed oo ku metelaayey riweaayad in uu aabo u yahay, ay raacday alle ha u naxxriisto’e maxamed yuusuf oo mete-laayey xamaal, ” xabaal lagu rid-yeey, ma xamaalku inan-kuu dhalaad xulatay oo raacday” ujeediyo haatan ma wuxu u dhaliili jiray cabdilaahi maxamed ducaale ( wasiirkii hore arimaha debeda) ee la ogaa halka uu gaadh-siiyey siyaasada arimaha debeda ee somaliland, sumacada aynu lee-nahay-na ah kii abuuray, ninkii burush daamurka ah la daba socday in uu la dhuumaa-laysto in uu ka xamaasho dalka ingiriiska, aswkii odhan jiary waayo’aragnimo uma laha wax-bana kama yaqaano cabdilaahi( wasiirkii hore), meeday maskax dii ma laba shqo ku hel bay ahayd , xagee bay ku halaw-day shaqadii umada loogu xil saaray, ma i-arkaay, i-maqlaay bay ku ekayd?, mise way ka qara weynaatay oo wuu ka soo tahriibay? oo dhuumasho buu ku soo galay ingiriiska halkii laga filaayey in uu shaqo ka soo qabto?, alay-lehe waa qadar dhacay iyo qoomo qarsoon,

Imika saw kama war hayo in ay dawladdii inoogu dhawyd dunida ( itoobiya), uu xidhiidh-keenu wa-xoogaa dhiti-naayo, ma wuxu ka door-biday Dr xamaal in uu dhabarka u jeediyo, oo shilimo uu kordh-sado wasiir-ku-sheegii dhamaa, saw maaha kii in uu xalilo ahaa, ilayn fadhi uma soo geline, nin durbaan qaatay ilaaq dalbay baa la yidhiye, xaal-kiisu ma wuxu ku dambeeyey far-yaro bidix baan ka baxayaa siddii dadkii jinka laga shidi jiray, wixii uu la qaylin jiray iyo bac-bacddii uu lahaa uu ka dhuraayey shirkii magaaldan manchester ka dhacay ee kulmiye ( waa meesha aan anigu ku noola)haye), ma xay noqtay in uu isku qariyo luuq-luuq-yada caasimaad ingiriiska,, yaan ku raagine Dr xamaal waa in uu si deg-deg ah isu casilo ama uu maalmo guda-hood ku baxaa, haddii uu sidaas yeeli waayo waa in madax-weynuhu eryaa waayo kani wax-ba sooma wado, maalin labaa-diiba bilaabay in uu soo u soo dhoofo danihiisa gaarka ah.

* N.B Dhuumasho dhabarku muuq-daa dhuumasho maaha( ee ha ka dabaasho Dr xamaal).
Abdi-shotaly,
Oodweynenews.com!