Ugu horayn waxaan halkan salaam uga dirayaa shacbiga s.land meelkasta oo ay aduunayada ka
joogaan,shacbiga s/land waa shacbi ilaahay jecel yahay waa shacbi ku sifoobay wanaaga & samaha
toosan,arintaasina waa ta ay ku gaadheen nabada ay hadhsanayaan maanta,nabadaas oo ah mid
shacbigu samaystay ialaahayna ku garab galay.
Hadaba waxaan maqaalkaygan ku cabirayaa argatidayda ku wajahan dawlada cusub ee s/land ee
uu hormoodka u yahay mudane axmed maxamuud siilaanyo,sidaa dartee waxa baryahan danbe
ku soo badanaya warbaahinta s/land aragtiyo badan oo cabashooyin ah,oo loogu soo gudbinayo
xukuumada s/land..
Cabshooyinkaas oo intooda badani ku salaysan yihiin hadaanu nahay reer hebel beeshayda
lama siin saamigii ay xaq u lahayd arintaas oo beelaha qaarna ku muujiyeen mudaharaadyo,
muhadaraadyadaas oo abuuri gaadhay deganaansha la aan & dhibaato
Sidaa darted waxaan qirayaa oo xaqiiqo ah oo aan indhaha laga qarsan Karin in dawlada cusubi
samaysay cadaalad xumo beelaha qarkoodna xaqsoor aanay ku samayin,hase yeeshee waxaan
wada ogsoonahay in maamulak cusub ama xukuumada cusub ee s/land ay xilka haysay mudo yar
oo kooban oo bil & maalmo ah,hadaba wax ila haboon inaan samir & dulqaad muujino dawladana
wakhti siino
Si ay u gudato waajibaadkii umadu u igmatay si aan wakhti ugaga lumin xalinta cabashooyinka qaar
ka mid ah beelaha s/lan ee iska dhex arki waayay xukuumada ama u cuntami wayday samiga ay ka
heleen,hadii taa la waayo wax dhacaysa in xukuumadu sanadka hore ku mashquulsanaato sidii ay
beelaha xal ugu heli lahayd ee ay u qancin lahayd taas oo runtii u muuqata mid aan shacbiga s/land
u wanaagsanayn iyadoo xukuumaduna u muuqan doonta mid liitada oo hawleheedii qabsan kari
wayda.
Isku soo wada xooriyoo waxaan talo ku soo jeedin lahaa in shacbiga s/land ka talianayaa oo ka
arinsadaan sidii looga wada shaqayn lahaa danta guud(national interes),iskana ilaabaan reer hebel
baan waxba la siin,waxana hubaal ah in aynaynu horumar gaadhayn intaan ku fekerayno reer hebel.
Abwaanka way nee caanka ah maxamed xaashi dhamac gaariye ayaa waxa ku jiray gabaygiisii ergo
ee uu tiriyay 1992kii UBADAASI JABAYSA KA ILAALI I WAD MOOYEE WAX KALEETO ILOW taasi o ku
tusaysa in wax kasta aan ku ilowno dalkeena ,dawladeean calankeena qaranimadeena nabadeeena
Shacbiga s/land waxa ku hareeraysan cadaw badan oo jecel ama isku dayay in ay si kasta u wiiqaan
Meelkatast dalkastana u maray wax walbana u adeegsay, hase yeeshee wali umay suura galin insha
lalhna u suura gali mayso,marka wax muhiim in laga foojignaado sidii aynaan cadowga ugu jabi
lahayn.
Hadalakayga waxan ku soo gaba gabaynayaa dawlada s/land la iskama wad dhex arki karee hal eego
danta guud qaramnimadeena s/land, s/land way jiraysaa waanay jiri doontaa.
Allaa mahad leh
Mustafa ismail