articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

Kulmiye Waa Jabhad Joogta 1990kii. W/Q: Ismaaciil Cali.
posted by:

Guul , farxad  iyo hambalyo
Dhammaan ummadda Somaliland  iyo saaxiibadeedba  guul iyo farxad  bay u tahay sida fiican ee ay u qabsoontay doorashada madaxtoyada  ee 26 June 2010. Anigana farxad gaar ah bay ii tahay in aan goob joog  ahaa, waxa ay i xusuusisay 26 June 1960kii aniga oo aad u jeclaa in aan codeyo, laakin la ii diiday dada darteed, tan aanan haysan kaadhka codaynta, laakinse aan farxadda la qaybsanayey  dadkayga.  Hambalyo iyo bogaadin gaar ah waxa  aan u diraya ay ummadda ka mutastay dawladdii soo haysay hogaanka dalka ee gaadhsiisay  horumarka  aynu u hanweynahay  bulshada caalamkuna inagu amaanto.  Aan  magacaabo madaxweyne Dahir Riyale Kahin iyo madaxweyne ku-xigeen Ahmed Yusuf Yasin iyo madaxda kale.
Balse Xisbiga Kulmiye ma ogyahay in uu helay doorashadii  oo qaaday masuuliyad qaran.
Maya ee Kulmiye waa jabhad 1991kii joogta.
Su’aashan iyo su’aalo kaleba waxa  iswaydiinaya bulshada Somaliland marka la arkay dhaqanka  siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye. In badan oo ka mid ah dadweynaha  waxay ku jawaabayan Kulmiye waa  jabhad  1991kii joogta. Haddii aynu inyar  dib u eegno taariikhda siyaasadeed ee Kulmiye ila markii la furay xisbsyada cudkiisa iyo falkiisuba waa jabhadayn ee ma ah xisbi u habaysan in uu hanto dawlad, dal iyo dadweyne. Taas waxa daliil u ah hadalada ka soo yeedhay iyo ficilada ay ku kici jeeren  ee dhammaan qaranka ku ahaa waxyeelo  iyo dib u dhac.  Kuwaas  oo ay ka mid ahaayen oo  radio  laga furo dalka debediisa oo laga soo caayo dalka iyo dawladda iyo in la abuuro xamasad iska horkeenta dadka iyo dawladda. Curyaaminta dhaqaalaha  dalka oo  aynu marar badan ka maqalay madaxda Kulmiye iyaga oo ku guubaabinaya shacabiga  in aanay bixin cashuur iyo ganacsiga xoolaha nool oo ah laf dhabarta bulshadeena oo lagu tilmaamo in dad gaar ah loo xidhay. Xidhidhka  wanaagsan ee ka dhexeeya  Somaliland iyo dawladaha  deriska ah ay ka mid yihiin Ethiopia iyo Djibouti oo in badan  la isku deyey in la burburiyo  iyada oo bulshada loo tusaayo in aan xidhidhka dawlahaas  dani ugu jirin Somaliland. Waxa kale oo ka mid ahaa waxyeelada  uu Xisbiga Kulmiye u gaystay qaranka  iyaga oo  markasta la safna  saaxiibna la ahaa cawga Somaliland dawlado, qof keli ah iyo kooxba. Haddii aan inyar ka iftimiyo, madaxdii Kulmiye waxay in badani joogaan Somalia dagaalna waxay kula jiraan Somaliland. Waxa kale oo  iyaduna jirtay arrintii dawladda Maraykanka  doonaysay  in ay shir u qabato dhammaan somalida ee ay dawladeeno diiday iyada oo hore 15 shir oo loo qabtay Somalia ay  qadacday  dawladda Somaliland. Arrintaas oo loo arkayey in ay  tahay dhabar jeebin loogu talagalay  Somaliland madaxbanaanideeda,  Xisbiga Kulmiye wuxu  arrintaas ku dhaliilay dawladda  iyo Xisbiga Udub oo wuxu la saftay somalida kale iyo dawladda Maraykanka, taas oo saamayn weyn yeelan lahayd aqoonsiga ay Somaliland ugu jirto halganga.
Guusha doorashada  waa guul u soo hoyatay ummadda Somaliland  Xisbiga Kulmiye ku guulastay. Waxase doorka ugu qiima badan qaatay dawladda Dahir Riyale Kahin iyada oo ku tiraabtay hadal wax ku ool ah oo soo afjaray khilaafad la abuurayey  oo la doonayey in lagu wax yeeleyo  qaranka Somaliland. Sida darteed,  bulshadu  hambalyo iyo bogaadin bay  ku sangootiday dawladdii xilka haysay tan la doortayna  duco  ayaa lagu soo dhaweyey. Duco talo xumo ayaa biisay.

Hadaba, bal aan eegno  waxa ay dadku  ugu tilmaamen Xisbiga  Kulmiye  jabhad  1991kii joogta.
1991kii halgan dheer oo xanuun badan kadib, ayaa shicibka Somaliland oo uu hogaaminayey Dhaqdhaqaaqii  SNM ku guulaystay in uu   taliskii Mohamd Siyad Barre ka saaro dalka. Waxay ahayd guul  qaali ah oo qiime badan inagu joogta. Guushaa markii lagu dhigay gacanta ee lagu dhawaaqay gooni istaaga Somaliland,  waxa  ka dhacay dalka isku dhacyo beelaysan oo kooxaysan. Isku dhacyada  oo ay keentay qorshe la’aan lagu soo galay dalka ee  aan  loogu talo gelin dalka hab maamul. Dhawr sanadood baa lagu jiray jaah wareer ila ay ummaddu isu timi oo ka wada tashatay  aayeheda , Ilaahayna talada garan siiyey oo aynu maanta talada medheheedii guranayno. Dawladda kulmiye waxa ay la wareegtay  hogaanka  dalka waxa ay ku fadhiisatay kursi sharci iyo kala dambayn leh ducona waa lagu soo dhaweyey, laakin ducadii talo ku may darin. Weli waxa ay u dhaqmaan  sida jabhad  xoriyad u dirir ah. Tusaale; Gudiyadii uu magacaabay Madaxeweynuhu waxa ka mid ahayd gudidii  diwaan gelisa hantida qaranka, kadib inaga oo labaatan sanadood dawlad ahayn oo ay waxa kasta leeyihiin diwaan iyo number, arrintaasi waxay ahayd ceebayn iyo sumcad dil lola jeedo dawladdii xilka ka degtay. Gudidaa waxa loo baahna in la magacaabo 1991kii markii lagu dhawaaqay gooni isutaaga Somaliland ee uu dalku ka fayooba  bili liqaysi ee wershadihii dalka  shaqaynayen, mudo yar dabadeedna loo diirtay sida ayaxu u diirto kaynta. Debed loogama  iman wiil yar oo qori AK ah sitana wax u qaado way ka cuslaayen  ‘Centrifugal   45 tonn ahaa ee wershadda  sibidhka  ee  Berbera iyo qalab kale oo badan’  waxase ka hawlgalay masuulin waaweyn oo la yaqaan baabuuro is-jido ahna ku raray. Dawladda kulmiye waxay caado ka dhigatay in ay  ku lumiso waqtiga  ugu badan ceebaynta iyo xagxagashada dawladdii hore halka laga sugaayey qorshe dawladeed iyo adeeg bulsho.
Arrimaha  masuuliyad daradu  ka muuqato  ee bulshadu aad u hadal hayso maalmahan; waa  wasiirka maaliyada ee  dawladdu cusub oo  diiday in uu la wareegto daynta  uu banka  Somaliland ku leeyahay dawladda  iyada oo dawladda  maanta doonayso amaah, madaxweynuhuna  kama hadlin,  taasi waa madaxna waan noqonaya masuuliyadna  qaadimaayo. Dawlada kasta waa xil saaran in ay la wareegto rikoodhka dawladda ka horaysay. Waxa ugu yaab badan madaxtoyada  ay misaskeeda saaran jireen  qalinka, buuga sharciga iyo kitaabka oo maanta  qalinkii noqday toori, buuggii sharicga iyo kitaabkiina la tuuray oo meeshoodi  alaab  kale  la dhigay.  Arrintaa qalabka cusub ee casriga ah oo loo magacaabay  masuul sare  oo aan ku jirin dastuurka  ama la odhan karo waa sharci daro waayo qalabka ayaa sharci daro ah,  Qofka hadal ka  keenana uu masuulku  qudhqudhsiya toori. Intaaba waxa ka xiisa badan shaqaalaha aan waxba galabsan ee  shaqooyinkoodii  ay  waqtiga dheer ugu adeegayen bulshda  lagaga  dareriyey  toorida taas oo aan ka fogayn eexo iyo in shaqaalaha lagu bedelo cid la garanayo. Xisbiga Kulmiye weli wuxu  hadal haya radio Horyaal oo uu doonayo in uu ka soo caytamo debedda.
Xisbiga Kulmiye aynu cod dheer ku maqashiino in uu yahay dawlad oo qaaday masuuliyad qaran  aano ahayn jabhad.
Guul iyo gobanimo Somaliland
Qalinkii: Ismail Ali Ahmed