articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

Yaa Caawinaya!!!!!!!
posted by:


Walaayayaal, Shacbiga Somaliland iyo walaalahayaga muslimiinta ahowba waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa dhibaato caafimaad iyo mid daneed oo haysata Gabadh 4 jira oo magaceeda la yidhaahdo Shakiira C/salaam C/qaadir iyo qoyskoodaba. Gabadhaasi waxa haleelay xanuun curyaamiyey Lugaheeda iyo Gacmaheedaba, ma kici karto, waxna ma cuni karto, dhabarkeeduna intiisa badani ma shaqaynayo, Dhakhaatiirta wadankuna waxay ku talisay inaan wadanka gudahiisa waxba lagaga qaban karin.

Waxa u dheer gabadhan Shakiira mushkiladan caafimaad in hooyadeed Maryan Aadan Geele oo iyadu gacanta ku haysaa ay tahay qof  laxaadka indhaha la’a, oo aan waxba  u qaban karin, waxaa taasi u sii dheer iyada oo gabadhan aabahed aanu la joogin, islamarkaana qoyska ay gabadhani ka soo jeedaa maaha qoys dhaqaale ahaan awoodi kara caafimaadkooda iyo danahoodaba.

Gabadhani waxay ku nooshahay Magaalada Burco, gaar ahaana xaafada Faarax Oomaar, agagaarka saldhiga Booliiska. Sidaas daraadeed waxaa laga codsanayaa  cidii hor ilaahay u kaalmaynaysa ama jecel khayrka inay gacan ka gaystaan sidii loo gargaari lahaa Shakiira iyo Hooyadeed. Waxaanad kala xidhiidhi kartaa Telefoonkooda oo ah( 0025224347637), hadii ay kuu suuragali waydo inaad toos ula xidhiidho, waxaa balan qaadaya inuu fariintaada gaadhsiiyo, Weriye Yuusuf Ibraahin Warsame  ( Yuusuf Ilkacase)oo isagu soo tabiyey macluumaadka qoyskan, aadna kala xidhiidhi karto :

(0025224436821), Email: xagaa67@hotmail.com

Alle SWT waxa uu yidhi isu naxariista isuna Gargaaran markaas ayaan idiin naxariisane Walaalka Muslimka ahow U gargaar Gabadhan yar iyo Hooyadeedan u bahaan gargaarka iyo gacan Qabashad..

Waxaynu ku jirnaa Bishii bilaha ugu khayrka badnayd ee Ramdaan Walaal Adiga oo ka faa’idaysanaya Bisha Barkaysan ee Ramadaan u gargaar Ilmahan Yar ee dhibaataysan Allena ha inoo gargaaree.

Walaayayaal, Shacbiga Somaliland iyo walaalahayaga muslimiinta ahowba waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa dhibaato caafimaad iyo mid daneed oo haysata Gabadh 4 jira oo magaceeda la yidhaahdo Shakiira C/salaam C/qaadir iyo qoyskoodaba