Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabaraaatuhu
waxan idiin soo gudbinayaa salaantaa Islaamka ee qiimaha leh,waxanan Alle innooga wada baryayaa in uu bisha Ramadaan barakadeeda ina siiyo oo aynu ku guulaysanno raxmaddiisa iyo Jannadiisa Aamiin.
Xidhiidhka iyo Xuquuqda
Bisha Ramadaan waa in qofka Muslinka ahi ilaaliyaa waajibaadka iyo xuquuqda lagu leeyahay,laga bilaabo xidhaadhka iyo waajibaadka aad Allahaa la leedahay ilaa naftaada iyo ciddii kale,noolee bisha Ramadaan naftana bar caadaysigeeda.
Alle subxaana watacaalaa,wuxuu u sameeyey Uumiyaha cilaaqo iyo xidhiidh ka dhexeeya,oo midba midka kale la wadaago,haddaba Bini’aadamka oo Illaahay ka fadilay,makhluuqaadka intiisa kale,aynu soo qaadano xuquuqda iyo xidhiidhka ka dhexeeya:
Qofka iyo Illaahiisa abuuray:Qofka waxa uu la leeyahay Allihii abuuray xidhiidh, iyo cilaaqo,ahna inuu guto,oo ka soo baxo waajibaadka Alle faray, gartana waxa loo abuuray inay tahay oo keliya inuu Alle caadudo,Allena wuxuu u diyaariyey waxkasta oo daboolaya Bini’aadamka baahidiisa,si uu ugu guto waajibkaa cibaadada wejiga ugu wanaagsan,markaa waa inuu Illaahay u caabudo sidii oo uu arkayo,haddaanu isagu arkayn Alle ayaa arkaya’e:
الإحسان: “أن تعبد الله كأنك تراه، فإن لم تكن تراه فإنه يراك”
Ixsaanka:waa in aad Alle u caabuddo,sidii aad arkayso,oo kale,haddii aanad arkaynin,Isaga ayaa ku arkaya’e.
Allaahu Akbar Eebbow
Amaan badanihiiyow
Ma illaawihiyoow
Kii ku arkayow Eebbow
Isna aan la arag Eebbow
Uurkayaga waxa jira
Adigaa arkaayoo
Adigaa Aqoon u leh
Adigaa og keligaa
Adigaa og keligaa
Kuwii amarkaaga raacee
Ku adeeca naga yeel
Addoonku waa in Allihii abuuray uu adeecaa,oo caabudaa,Allena waa u abaalgudayaa Addoonka ka soo baxa waajibka la saaray:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:”حق الله على عباده أن يعبدون وحق العباد على الله أن لا يعذبهم”.
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: xaqa Alle ku leeyahay Addoomadiisa waa inay caabudaan,xaqa Addoonnaduna markaa waa in aan Alle cadaabin,mar hadday caabudeen.
Cibaadada ninkii xoojiyee camalfalkeed raacaaya
Ciiddan intuu ku sii baaqi yahay waa casiis mudane
Cimriguna markuu go’o Jannuu cidhifsanaayaaye
Cidda Eebbe qudha ka cabsataa way cuddoon tahaye
Kalsoonidu inay camiri waa caadla’aan sugane
Ciddi wax le’eg iyo cad weeyn caadil baa qoraye
Ninna Calafkii inaanu celin karayn waa caddaan sugane
Nafta ciirsataa Allaha way cadho go’aysaaye
Casumaad ninkii isu fidshee cabbaya khayraadka
Cawadii timaadaba eega camalkiisa
Cisho iyo ayaan caadilkii Janno ka dhawraaya
Ceesh xalaala inuu quuto oo caafimaad helayo
Cindigiisa wuxu ka helo ama calmasho taaggeeda
Cilmigay diintu qabto iyo sharciga cayntiisa
Caado inuu ka yeeshaa caqligu siiyaaye
Cuqdad iyo colaad iyo weji cabuusnaanta
Cilaaqoba ma ay laha oo isuma cayntaane
Ciil iyo xumaan isma arkaan wax la collaystaaye
Cabashiyo canaan midnaba iskuma ciilkaambiyo’e
Cuqdadli’ida waxawgu wacan waa cibaadada’e
Cadhali’ida waxawgu wacan waa cabsida Eebbaha’e
Codka hadalka Ciirsiga indhaha Cagaha socodkooda
Caqligiyo qalbiga iyo dhamaan wixii cindiga taabaaya
Camalkana meeleeya ee caynka u adkeeya
Caadilkood hadday magansadaan caafimaad hele’e
Cisi iyo wanaag bay ku cuni labada daaroode
Xuquuqda Qofka iyo Naftiisa
Qofka waxa naftiisu ku leedahay xuquuq gaar ah,oo ay waajib tahay,inuu ilaaliyo.
Waxay naftu waajib u leedahay,inaad u oofiso fulinta daacadda Illaahay,ama adeecista amarrada Eebbe,oo siisid carrabka xaqiisa,oo wax khayr leh mooyee,aanad wax kale ku dhawaaqin,in Maqalka iyo Dhegaha aad xaqooda siiso,oo ku dhegaysato wax Alle ka raalli yahay keliya,sidoo kale Aragga iyo isha,waa inaad ilaalisaa,oo aanad ku eegin wax aan bannaanayn,Gacanta waa in waxaad ku qabanayso,ama ku qaadaysaa,ahaadaan wax u bannaan,sidoo kale Addimadaada waa inaad xaqooda siisaa,oo aanad ku marin meel mamnuuc ah,oo denbi laga kasbanayo,Calooshaada waa inaad xaqeeda siisaa,oo aad ka ilaaliso inaad geliso wax xaaraan ah,oo aan bannaanayn,Farjiga (habdhiska tarankaaga)waa inaad ka ilaaliso denbiga,oo ku illaaliso sharciga iyo xeerka Alle u dhigay,waana inaad Alle talo saarato,oo markasta kaalmaysato,si aad arrinkaa ugu guulaysato,waxa dhacaysa maalinta Qiyaamaha,in xubnahaa jidhka ee aynu soo sheegnay hadlayaan,oo mid kasti marag furayo,oo sheegayo hawshii lagu fuliyey:
اليوم نختم على أفواههم وتكلمنا أيديهم وتشهد أرجلهم بما كانوا يكسبون(يس)
Aayadda:Maanta waannu daboolaynaa,oo xidhaynaa,dadka Afafkooda,waxannuna ka hadlisiinaynaa gacmohooda,oo lugohoodu waxay ku marag furayaan,waxa ay samaynayeen,ee ay ahaayeen kuwo kasbada.
Qofka waxa loo baahan yahay,inuu ilaaliyo xaqa naftiisu ku leedahay,oo ah in ay hesho baahideeda,u suurtagelinaysa inuu u guto waajibaadka laga rabo,ee dartii loo abuuray,sida ugu fiican ee ugu habboon,taasoo ku imanaysa,in aqoon iyo cilmi naftu hesho,oo garato waxa la faray,iyo waxa laga reebay,sidoo kale baahideeda kale,sida quudka iyo cuntada,iyo nasashada iyo raaxada,sida hurdada,iyo marka da’du gaadho waqti guur,oo guur loo hawlgalo,waxyaalahaas oo dhami,waxay suurtagelinayaan gudashada waajibaadka,oo loo guto dariiqo wanaagsan,waa inuu qofku ugu dadaalaa naftiisa inuu gaadhsiiyo derejooyin sare,oo ay ka gaadho abaalgudka,iyo Jannada loo shaqaysanayo:
وَابْتَغِ فِيمَا آتَاكَ اللَّهُ الدَّارَ الآخِرَةَ وَلا تَنسَ نَصِيبَكَ مِنَ الدُّنْيَا وَأَحْسِنْ كَمَا أَحْسَنَ اللَّهُ إِلَيْكَ وَلا تَبْغِ الْفَسَادَ فِي الأَرْضِ إِنَّ اللَّهَ لا يُحِبُّ الْمُفْسِدِينَ(القصص)
Aayadda:Ku kasbo oo ku raadso waxa Alle ku siiyo,sidaad daarta Aakhiro ugu guulaysan lahayd,(oo sadaqada bixi,dadka caawi,wixii khayr ah,ee aad qaban karto awooddaada qabo),hana illaabin nasiibkaaga Adduunyada,(nafta baahideeda sharciga ah sug,oo fuli)oo u samee wanaagga,sida Alle wanaagga kuugu sameeyey,oo Arlada ha ku samayn fasaad,Alle ma jecla kuwa mufsidiinta ah,ee wax fasaadiya’e.
Fiiro gaara ah:marka Aayaddu ku leedahay,ha illaawin nasiibkaaga Adduunka,waxa weeye in baahida nafta,xagga cuntada iyo cabbidda,nasashada sida hurdada,iyo baahiyeheeda kale,ee ku xadaysan waxa Alle u banneeyey,waa in aad nafta u samaysaa,si ay u hesho awood iyo diyaargaraw ay ku fuliso ujeeddada loo abuuray,ee ah caabudaada Eebbe,ganacsiga iyo shaqaysigu waa wax kaa caawinaya in aad cibaadada u gudato sida ugu wanaagsan,dadka kalena ku taageerto gudashadaas,oo ku caawiso.
Xuquuqda Qofka iyo Dadka kale
Dadka kale Qofku wuxu la leeyahay cilaaqo iyo xuquuq go’an,oo mid kasti leedahay waajibaad,iyo dariiq loo raaco,oo loo guto:
Waalidka
Waalidka waxa la isku yidhaahdaa;Aabbaha iyo Hooyada ugu horrayn ee ku dhalay, iyo iyaga waalidkooda iyo walaalohood iyo dadkay is xigaan ee isu dhow yihiin, dhamaan waxay kugu leeyihiin ixtiraam iyo qaderin,waxay kugu leeyihiin inaad hadalkooda maqasho,oo aad qaadato taladooda iyo inaad ka ducaysato,oo markasta u dhibirsanaato,Diinta Islaamku waxay aad innoogu boorrisey,oo innagu adkaysay Waalidka,iyo inaynu u ixsaan samayno,waxa in badan Illaahay ku lamaaniyey Waalidka farista cibaadadiisa:
وَقَضَى رَبُّكَ أَلا تَعْبُدُوا إِلا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَاناً إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِنْدَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلاهُمَا فَلا تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَلا تَنْهَرْهُمَا وَقُلْ لَهُمَا قَوْلاً كَرِيماً( الإسراء)
Aayadda:Alle wuxu waajib yeelay,in aan Isaga mooyee cid kale la caabudin,oo Waalidka loo sameeyo ixsaan,haddii mid waalidka ka mid ah,ama labadaba,uu da’ ku gaadho agtaada(yacni aad nolol ku soo gaadho),ha ku odhanin hadal xun(sida uf),hana dhibin,oo ku dheh hadal wanaagsan.
Waxaynu wada ognahay,in qofka waalidkiisa ka ducaystaa uu liibaanayo,oo Alle dariiqa u iftiiminayo,qofka kalena Soomaalidu waxay yidhaahdaan;habaar waalid buu qabaa,waana wax Alle laga magan galo,mar kasta waalidka ka farxi,oo ka ducayso, uguna dadaal si hagar la’an ah:
Aabbe iyo Hooyooy
Ehelkayga dhabaheen
Cidi iga xigaynow
Arxankooda gaarka ah
Igu ilaalinaayow
Alle iga abuureen
Ubadkood ahaayow
Idinkaa i ababshoo
Asluubta iyo edebtiyo
Akhlaaqda igu beeree
Afka iyo odhaahdiyo
Erey doorashada sare
Arrimaha ka bogashada
Idinkaa i barayoo
Astadeed i siiyee
Waxad igu abqaasheen
Waa diin irmaanoo
Waa dhaqan ifaayoo
Waa adeec hanuun loo
Waa akhlaaq wanaagsane
Ma ilduufi karayee
Iimaan weeye buuxee
Duco Eebbe ii hura
I ogaada weligiin
Goorna hay illaawina
Abidkiin wanaagiyo
Illaah kheyrkii weheshada
Ixsaan Eebbe wada hela
Adduunka iyo Aakhiro
Ehlullaahi noqda oo
Alle haydiin abaal gudo
Anna mid idin adeecoo
Edebleh aan ahaadee
Aamiinta ii dheha
Xuquuqda Walaalaha ka dhexeeya
Walaaluhu waa laba nooc:Walaal uu Waalid idin wada dhalay,iyo Walaal Alle dartii aad u walaalowdeen,waana ka labada qaalisan,Illaahayna wuu sheegay,in ay Muuminiintu walaalo yihiin:
إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ(الحجرات )
Aayadda:Muuniniintu waa Walaalo ee heshiisiiya,oo dhexgala labadiinna walaal,oo Alle ka cabsada,waxa la arkaa in Alle idiin naxariisto’e.
Walaaluhu waa in ay ka dheeraadaan wax kasta,oo dhibaya walaalka kale,oo dhexdooda uu yaalla ixtiraam iyo is tixgelin dhab ahi:
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله : “لا تحاسدوا، ولا تناجشوا، ولا تباغضوا، ولا تدابروا، ولا يبع بعضكم على بيع بعض، وكونوا عباد الله إخوانًا، المسلم أخو المسلم، لا يظلمه ولا يخذله ولا يحقره، التقوى هاهنا، ويشير إلى صدره ثلاث مرات، بحسب امرئ مسلم من الشرّ أن يحقر أخاه المسلم، كل المسلم على المسلم حرام، دمه، وماله، وعرضه.
Xadiiska:waxa laga weriyey Abu hureyra,Alle ha ka raalli noqdee,in uu yidhi: Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi:ha is xaasidina,oo ha isku eryina(sida ganacsiga iyo manfacada kale),oo ha iska cadhaysiinnina,oo ha isu dhabar jeedinnina,badhkiinna yaanu iibsan,badhka kale wuxu doonayo inuu iibsado,oo ahaada Addoomada Alle ee walaalaha ah,Muslinku waa walaalka Muslinka kale,ma dulmiyo oo ma hoojiyo mana xaqiro,cabsidu waa halkan buu yidhi Rasuulku,isagoo qalbigiisa farta ku tilmaamaya oo ku fiiqaya,saddex jeer ayuu ku dhawaaqay,cabsidu waa halkaa,waxu yidhi Rasuulku:waxa qofka Muslinka ah shar ugu filan inuu xaqiro walaalkiisa Muslinka ah oo yaso,Muslin kasta Muslinka kale waa ka xaaraan dhiiggiisa,iyo maalkiisa,iyo sharaftiisu.
Labada qof ee Muslimiiinta ah ma bannaana,in ay muddo cadho ku kala maqnaadaan:
عن أنس رضي الله عنه قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:” لا تقاطعوا ولا تدابروا ولا تباغضوا ولا تحاسدوا وكونوا عباد الله إخوانا ولا يحل لمسلم أن يهجر أخاه فوق ثلاث”
Xadiiska:waxa laga weriyey Anas,Alle ha ka raalli noqdee,in Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi:ha is goynina(xidhiidhka)
hana isu cadhoonina,hana is xaasidina,oo ahaada Addoomadii Illaahay,ee walaalaha ah,uma xalaal aha qof Muslin ah inuu cadho kaga maqnaado walaalkii,wax ka badan saddex maalmood.
Walaalka waalidku idin wada dhalay,waxa wadaagtaan dhaxalka,oo waad isdhaxli kartaan,dadka waalidka iyo ehelka ahna dhaxalkooda waad wadaagtaan,waxase qaali ah Walaal waalidku idin wada dhalay,oo aad xadhiga Allena wada haysataan,oo u gudanaysaan cibaadada Eebbe siduu idin amray,laakiin haddii walaalkaa aanu waajibka diineed,ee Alla ka rabo la iman,walaalnimadiisu waa mid aan qiimo lahayn,walaalka aad Ifka isku taageersataan cibaadada Alle,Aakhirona Jannada ku rafiiqdaan ayaa qaali ah.
Xuquuqda Riximka iyo Ehelka(Qaraabada):
Alle Isagaa korreeyee,qofka wuxu ka abuuray Aabbe iyo Hooyo,oo iyaguna sidoo kale waalid dhalay ayay ka yimiddeen:
وهو الّذى خلق من الماء بشرا فجعله نسبا وصهرا وكان ربّك قدير(الفرقان)
Aayadda:(Alle) waa kii ka abuuray Basharka biyo,oo u yeelay nasab(xagga Aabbe) iyo sihir(xagga Hooyo/reer abti),oo Rabbigaa waxa uu ahaaday mid leh awood,oo wax kasta awooda.
Waalidka iyo Qaraabada waxa qofka ka saaran waajib,ah ixtiraam iyo taageero,ka horreysa dadka kale,haddii ay baahan yihiin waxa loo baahan yahay,in uu masaakiinta iyo dadka kale iyaga ka hor mariyo,oo iyaga marka hore baahidooda daboolo,ka dib sadaqada dadka kale u gudbiyo:
واعبد الله ولا تشركوا به شيئًا وبالوالدين إحسانًا وبذي القربي واليتامى والمسكين والجار ذى القربى والجار الجنب والصّاحب بالجنب وابن السّبيل وما ملكت أيمانكم إنّ الله لا يحب من كان مختالا فخورًا(النساء)
Aayadda:Alle caabuda hana u shariig yeelina,Waalidkana ixsaan iyo wanaag u fala, iyo dadka Qaraabada kuu ah,iyo Agoonta iyo Masaakiinta iyo Jaarka ama deriska kuu dhow,iyo Saaxiibkaaga jenbigaaga ah(saaxiibka culimada qaar,waxay ku fasiraan cidda aad isu dhaxdeen,ee aad is qabtaan),iyo qofka waddada haye,ee socdaalka ah,iyo cidda ay gacantiinnu hanato,Alle ma jecla mid kasta oo kibir iyo faan badan.
Xidhiidhinta Riximka,diintu si weyn ayay inoo fartay,oo inoogu adkaysay:
عن أنس رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم من أحب أن يبسط له في رزقه ، وينسأ له في أثره ، فليصل رحمه( رواه البخاري)
Xadiiska:waxa laga weriyey Anas Alle ha ka raalli noqdee,in Rasuulka Alle, nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi:Qofkii jecel,in Alle risiqa u waasiciyo,oo u badiyo,oo ka dhigo mid waxter leh oo raad leh,ha xidhiidhiyo Riximkiisa.
Qofku waa inuu Ehelka iyo Riximka khayr ugu gargaaraa,ee aanu denbi iyo hiil eexeed ugu gargaarin.
وتعاونوا على البرّ والتّقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان واتّقوا الله إنّ الله شديد العقاب(المائدة)
Aayadda:isku caawiya wanaagga,iyo cabsida Eebbe,oo ha isku caawinnina denbiga, iyo cadawnimada,oo Alle ka baqa,Alle ciqaabkiisu,waa mid daran,oo adag.ا
Xuquuqda labada isqaba(Sayga iyo Oorida/Sawjka iyo Sawjadda)
Waxay labada qof ee isqaba,ee nolosha wadaagaa isku leeyihiin xuquuq,iyo masuuliyado badan,tusaale ninka waxa waajib ku ah,meherkii iyo masruufkii,iyo meeshee haweenaydu degi lahayd,iyo qaybta kale ee nolosha,oo ah cadaalad u samaynta haddii ay dumarku mid ka badan yihiin,dhibirsanaan iyo u debecsanaanta xagga dhaqanka iyo tixgelinta,iyo ixtiraamka,iyo ilaalinta dareenkeeda,oo mar kasta, raalli gelinteeda ku dadaalayo:
وعاشروهنّ بالمعروف (النساء )
Aayadda:ula tacaamula oo ula dhaqma dumarka,si wanaagsan.
Oorida ama Sawjadda waxa waajib ku ah,inay ninkeeda adeecdo oo maqasho,uguna dadaasho inay ka caawiso,waxa u suurtagelinaya gudashada cibaadada Eebbe,oo ay iska kaashadaan,oo Ooridu waa inay ahaataa raalliyo si ay Alle naxariistiisa u hesho.
Waxa Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,ku tilmaamay haweenayda,ama Oorida wanaagsan,in ay tahay Raaxada Adduunka qaalinimadeedu:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:”الدّنيا متّاع وخير متاعها إمرأة صالحة”
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: Adduunku waa raaxo yar,waxana ugu khayr badan raaxadeeda haweeney saalixad ah oo wanaagsan.
Dadka kale mid kasti gaar ayuu ixtiraam,iyo kuugu leeyahay tixgelin,iyo in aad ku kaalmayso waxaad ku taageeri karto oo dhan,aqoon iyo talo iyo tusaale ah,iyo mid waxtarba ah sida maal oo kale,lana jeclaato khayr iyo wanaag oo u ducayso mar kasta.
Waxa jirta in Jaarka ama Derisku,leeyahay xuquuq,aad u qiimo badan :
وعن أبي شريح الكعبي أن النبي صلى اللَّه عليه وسلم قال “من كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليقل خيراً أو ليصمت، ومن كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليكرم جاره، ومن كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليكرم ضيفه “
Xadiiska:Abu shurayx Alkacabi,waxa laga weriyey,inuu Nebigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi: kii Alle iyo Qiyaamaha rumeeyey,ha yidhaahdo khayr ama hayska aamuso,kii Alle iyo Qiyaamaha rumeeyey ha karaameeyo,oo ha ixtiraamo jaarkiisa, kii Alle iyo Qiyaamaha rumeeyey,ha karaameeyo martidiisa.
Uumiyaha kale iyo Kownka,xidhiidhka idinka dhexeeyaa waa inaad ku fekertaa,oo ku cibra qaadataa,kuna xusuusataa awoodda Alle,oo Isagaa Alle nasahane,ogaataa in Alle u abuuray Koonkan xaq iyo ujeeddo sugan:
ويتفكرون في خلق السّموات والأرض ربّنا ما خلقت هذا باطلاً سبحانك فقنا عذاب النّار(آل عمران)
Aayadda:waxay ku fekereyaan abuurta Samooyinka iyo Arlada,oo odhanayaan; Rabbiyow uma aad abuurin baadilnimo Adigaa nasahane,naga badbaadi Naarta.
Qofka Muslinka ahi waa inuu ilaaliyaa xuquuqda,iyo waajibaadka lagu leeyahay,oo u gutaa sida ugu habboon,ee uu awoodi karo,waana inuu u naxariistaa,cidduu ka awood ama xoog roon yahay dhamaantood,isagana Alle ayaa u naxariisanaya’e.
Alle hayna waafajiyo inaan la nimaadno,xuquuqda innagu waajibka ah,oo u gudano sida ugu sarraysa,Aamiin.
Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w