Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Waxad dhamaan iga gudduuntaan salaantaa Islaamka ee qaaliga ah,waxan Alle ka baryayaa in uu innaga wada aqbalo camallada wanaagsan ee bisha Ramadaan oo ina siiyo ajar iyo raxmaddiisa Aamiin.
Sifooyinka Muuminka
Bisha Ramadaan ee barakaysani waa bil uu qofku ku carbiyo naftiisa oo ku tababaro sifooyinka wanaagsan,oo ka dib ka dhigto dhaqanka noloshiisa oo dhan,taas oo ah mid hawl yar sida loo qabatimaa haddii laga run sheegayo.
Sifooyinka laga rabo qofka Muuminka ah in uu ku sifoobo,waa kuwa diinteennu ina farayso,oo ay aasaas u tahay taqwada ama cabsida Eebbe,oo koobsanaysa dhamaan ku sifowga sifooyinka wanaagsan oo ay ka mid yihiin:sabirka iyo dulqaadka,furfurnaanta iyo bashaashnimada,calool xaadhanta iyo hufnaanta,deeqsinimada iyo geesinimada, runsheegga iyo daacadnimada,musuulnimada iyo xaqsoorka,iyo dhamaan sifooyinka wanaagsan ee diinteenna xaniifka ahi ina barayso:
Taqwadu waxay u tahay sifooyinka wanaagsan aasaas iyo saldhig,oo qofka Muslinka ah ee iimaankiisu buuxo Allena tala saarta,oo itaalkiisa aan waxba la hadhin ee dadaal ula yimaadda cibaadada Alle faray,waxa u suurtagasha in uu kasbasdo sifooyinka wanaagsan,ee qofka Muuminka ah laga rabo:
وَعِبَادُ الرَّحْمَنِ الَّذِينَ يَمْشُونَ عَلَى الْأَرْضِ هَوْنًا وَإِذَا خَاطَبَهُمُ الْجَاهِلُونَ قَالُوا سَلَامًا وَالَّذِينَ يَبِيتُونَ لِرَبِّهِمْ سُجَّدًا وَقِيَامًا وَالَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا اصْرِفْ عَنَّا عَذَابَ جَهَنَّمَ إِنَّ عَذَابَهَا كَانَ غَرَامًا(الفرقان)
Aayadda:Addoomada Allaha Raxmaanka ahi,waa kuwa dhulka u socda si deggan oo aan isqaadqaad ahayn,oo haddii ay la hadlaan jaahiliintu salaama oo iska dhaafa,waa kuwa waqtigooda ku qaadanaya iyagoo Alle u sujuudsan iyo iyagoo salaadda oogaya oo taagan oo odhanaya:Rabbiyow naga badbaadi cadaabka Jahannama,waxa weeye cadaab halis ah oo darane.
Muslinka iimaankiisu buuxo ee taqwada iyo cabsida Eebbe ku nooli,wuxu Alle u caabudaa sidii oo uu arkayo oo kale,waayo wuxu og yahay in Alle arkayo,oo og yahay wax kasta oo uu fulinayo,oo samaynayo:
الإحسان: “أن تعبد الله كأنك تراه، فإن لم تكن تراه فإنه يراك”
Ixsaanku waa:in aad Alle u caabuddo sidii aad arkayso oo kale,haddii aanad arkaynin Isaga ayaa ku arkaya’e.
Waxa arrinkaasi qofka Muslinka ah dhaxalsiinayaa in uu ahaado mid mar kasta diyaar ah,oo heegan ugu jira inuu kasbado ajar iyo derejo sare,oo uu xagga Alle ka helo:
Waxa dadku yidhaahdaan hebel waa fariid ama waa nin daran oo fiican,haddaba run ahaantii qofka fariidka ahi waa Muslinka dhabta ah,ee huwan kuna sifooba sifooyinka wanaagsan ee Islaamka:
وروي عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال: (الكيس من دان نفسه وعمل لما بعد الموت، والعاجز من أتبع نفسه هواها وتمنى على الله)، قال الترمذي:
Xadiiska:waxa laga weriyey Nebiga,nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee in uu yidhi:qofka raganimada lihi waa ka naftiisa ilaaliya,ee u shaqaysta waxa mowdka ka danbeeya,caajiskuna waa ka naftiisa raaciya hawadeeda,ee haddana Alle ka fila wanaag.
Xadiis kale ayaa Rasuulku salawaatullaahi wasalaamu calayhi ku sheegay,in qofka Muuminka ahi uu yahay ka fariidka ah ee maskaxda furan,ee xaqa ku dadaala:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم”المؤمن الكيس الفطن”
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: Muuminku waa ka fariidka ah ee maskaxda furan.
Qofka Muslinka ah isagoo adeegsanaya garashada Alle siiyey,ayuu ku fekeraa waxa ku xeeran ee kala geddisan,oo dareemaa awoodda Alle iyo caajaa’ibta Kownkan:
ويتفكّرون في خلق السّموات والأرض ربّنا ما خلقت هذا باطلاً سبحانك فقنا عذاب النّار(آل عمران)
Aayadda:waxay ku fekerayaan abuurta Samooyinka iyo Arlada oo odhanayaan: Rabbiyow uma aad abuurin baadilnimo,Adiga ayaa nasahane naga badbaadi Naarta.
Qofka Muslinka ahi waa ka iska ilaaliya ee ka feejigan Shaydaanka,iyo meelaha uu ka soo gelayo iyo waswaaska iyo cabsida uu ku abuuri karo oo dhan:
إنّما ذالكم الشّيطان يخوف أوليائه فلا تخافوهم وخافون إن كنتم مؤمنين(العمران).
Aayadda:kaasi waa Shaydaan bajinaya kuwa raaca ee weheshada,ha ka biqina oo Aniga iga baqa haddaad tihiin kuwo Muuminiin ah.
Qofka Muslinka ahi wuxu ku nool yahay kalsooni oo wuxu si habsami ah ugu dhaqmaa waxa Alle faray,iyadoo naftiisu ku raaxaysanayso oo raalli ka tahay:
إنّ الله يأمر بالعدل والإحسان وإيتاء ذي القربى وينهى عن الفحشاء والمنكر والبغي يعظكم لعلكم تذكرون (النحل)
Aayadda:Alle wuxu amrayaa in la sameeyo caddaalad iyo ixsaan,oo dadka ehelka ah la xidhiidhiyo,waxanu Alle reebayaa oo diidayaa in xumaha iyo munkarka iyo xadgudubka la sameeyo,Alle wuu idiin yaboohayaa oo idiin yeedhayaa,waxa la arkaa inaad waano qaadataane.
Ku dhaqmidda sida diinteennu dhigayso oo ah mid ku habboon oo daboolaysa baahida dadka dhinac kasta,ayaa qofka wanaagsani baraa naftiisa oo caado ka dhigtaa,
Waxana uu ka dheeraadaa oo ka fogaadaa waxa la reebay oo dhan,iyo waxa u horseedi kara oo dhan,waxa naftaadu diiddo ama shaki iyo dareen xun ku geliyaa ma fiicna oo waa denbi:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:”البرّ حسن الخلق والإثم ما حاك في صدرك وكرهت أن يطّلع عليه النّاس”.
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: Wanaaggu waa dabeecadda iyo akhlaaqda wanaagsan,denbiguna waa wixii dhiba laabtaada ee aad karaahiyaysato in dadku kugu arkaan.
Sifooyinka wanaagsan waxa ka mid ah,in qofku u ahaado waalidkiisa baarri,oo u debecsanaado,si uu u hanto ducadooda iyo jacaylkooda:
وَقَضَى رَبُّكَ أَلا تَعْبُدُوا إِلا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَاناً إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِنْدَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلاهُمَا فَلا تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَلا تَنْهَرْهُمَا وَقُلْ لَهُمَا قَوْلاً كَرِيماً( الإسراء)
Aayadda: Alle wuxu waajib yeelay inaan Isaga mooyee cid kale la caabudin,oo Waalidka loo sameeyo ixsaan,haddii mid waalidka ka mid ah ama labaduba uu da’ ku gaadho agtaada(yacni aad nolol ku soo gaadho),ha ku odhanin hadal xun(sida uf) hana dhibin,oo ku dheh hadal wanaagsan.
Waxa Aayad kale Alle inoogu sheegayaa in keligii la caabudo,oo aan loo shariig yeelin,sidoo kale loo sameeyo ixsaan iyo wanaag Waalidka,iyo dadka Qaraabada ah, iyo agoonta iyo masaakiinta iyo jaarka,qofka laga helo fulinta arrimahan oo dhami wuxu ku sifoobayaa sifada qofka Muuminka ah ee wanaagsan:
واعبد الله ولا تشركوا به شيئًا وبالوالدين إحسانًا وبذي القربي واليتامى والمسكين والجار ذى القربى والجار الجنب والصّاحب بالجنب وابن السّبيل وما ملكت أيمانكم إنّ الله لا يحبّ من كان مختالا فخورًا(النساء)
Aayadda:caabuda Alle,oo shayna ha ugu shirki samaynina,una sameeya ixsaan waalidka iyo dadka Qaraabada ah,iyo Agoonta iyo Masaakiinta iyo Jaarka kuu dhow, iyo Jaarka kugu xiga iyo Saaxiibkaaga kugu xiga(culimada qaarkood waxay ku fasiraan qofka aad isu dhaxdeen ee ixqabtaan),iyo qofka jidka haya ee socdaalka ah, iyo cidda ay midigtaadu hanatay,Alle ma jecla kuwa kibirka iyo faanka badan.
Qofka Muslinka ah waxa loo baahan yahay inuu ku sifoobo sabir iyo dulqaad.
Sabirku waa in uu qofku wixii dhib ah,ee la soo dersa uu u sabraa,oo Alle ka baryaa in uu khayr ugu beddelo,sidoo kale nimcada Alle siiyo waa in uu u sabraa,oo aanu ku kufriyin,oo nimcada Alle siiyey ku shukri naqaa oo ay ka muuqataa:
وأمّا بنعمة ربّك فحدث (الضّحى)
Aayadda:nicmada Allena sheeg,yacni ku shukri naq oo ha kaa muuqato.
Samirku waa sifo looga baahan yahay qof kasta oo ah Muumin ah:
يا أيّها الّذين ءامنوا استعينوا بالصّبر والصّلاة إنّ الله مع الصّابرين(البقرة)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebiga rumeeyow,kaalmaystay oo taageersada sabirka iyo salaadda,Alle wuxu la jiraa oo mocooda yahay kuwa sabra’e.
Waxa sidoo kale qofka Muslinka ah laga rabaa inuu isagu sabir la yimaaddo dadka kalena faro sabirka,oo ku taageero:
يا أيّها الّذين ءامنوا أصبروا وصابروا ورابطوا واتّقوا الله لعلّكم تفلحون(العمران)
Aayadda: kuwa Alle iyo Nebiga rumeeyow,sabra oo dadka sabriya,oo ku sugnaada xaqa oo ku adkaada goobihiinna,Allena ka baqa waxa la arkaa in aad aflaxdaan,oo guulaysataane.
Qofka Muslinka ah haddii arrin la soo gudboonaado wuxu qaataa dariiqa iyo wejiga ugu fudud ee dhibta yar,isagoo doorbida inuu cafis iyo saamaxaad bixiyo oo sabro:
ولمن صبر وغفر إنّ ذلك لمن عزم الأمور(الشورى)
Aayadda:kuwa sabra ee denbi dhaaf sameeya iyo saamaxaad,arrinkaasi waa go’aan qiimo badan.
Sifooyinka wanaagsan ee Muuminka looga baahan yahay waxa ka mid ah:dulqaadka iyo cadhada in uu loqo oo is illawsiiyo:
والكاظمين الغيظ والعافين عن النّاس والله يحبّ المحسنين(العمران)
Aayadda:kuwa cadhada laqa(illaawa/qariya) ee dadka cafiya,Alle waa jecel yahay kuwa ixsaanka iyo samafalka sameeya.
Waxa sifooyinka wanaagsan ka mid ah xishoodka iyo dhowrsoonaanta:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:” الإيمان بضع وسبعون شعبة أو بضع وستون شعبة، فأفضلها قول لا إله إلا الله، وأدناها إماطة الأذى عن الطريق والحياء شعبة من الإيمان } [رواه البخاري(
Xadiiska:wuxu yidhi Rasuulku sallallaahu calayhi wasalam,iimaanku waa dhawr iyo todobaatan qaybood ama dhawr iyo lixdan qaybood,oo uu ugu sarreeyo uguna faddilan yahay qawlka laa Illaaha illa Allaah,oo ay ugu hoosayso dariiqa oo laga leexiyo ama laga baydhiyo waxyaalaha dhibta leh,xishoodkuna waa qayb iimaanka ka mid ah.
Waxa laga rabaa Muslin kasta in uu ku daydo oo sameeyo wixii Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee samayn jirey:
لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِمَنْ كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الأخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيراً) الأحزاب)
Aayadda:xaqiiqa’e wuxu idiin ahaa Rasuulkii Illaahay ku dayasho wanaagsan,wuxu u yahay ku dayasho kii rajeyna Alle iyo Yawmul Aakhiro,ee Alle in badan xusuusan ee xusaya.
Nebigu sallallaahu calayhi wasalam,wuxu ahaa mid xishood badan,oo ay waajib tahay in aynu ku deyano,oo sifooyinkiisii ku sifowno:
قال أبو سعيد الخدري رضي الله عنه : ” كان النبي صلى الله عليه وسلم أشدّ حَياء مِن العَذْراء في خِدْرِها ” . رواه البخاري ومسلم
Xadiiska:wuxu yidhi Abu Siciid Alkhudri raalli Alle ha ka noqdee:Nebigu sallallaahu calayhi wasalam,wuxu ahaa mid ka xishood badan gashaantida aan la guursan weli.
Xishoodku waa shey ku amaanan Islaamka,oo looga baahan yahay Muslin kasta,bal u fiirso sida labadii hablood ee Nebi Muuse u waraabiyey xoolaha,ugu timi mid ka mid ahi iyadoo xishood ka muuqdo,si ay ugu wargeliso in Aabbeheed uga abaalgudayo hawshii uu u qabtay:
فجاءته إحداهما تمشي على استحياء قالت إنّ أبي يدعوك ليجزيك أجر ما سقيت لنا(القصص)
Aayadda:waxa timi middood iyadoo u soconaysa si xishood leh,oo ku tidhi: Aabbahay ayaa kuu yeedhaya,si uu kaaga abaaliyo xoolahaad noo waraabisay.
Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,wuxu ahaa mid xishood badan,oo waxa uu inoo yahay halbeeg aynu ku dayano,oo siduu u dhaqmi jirey oo kale aynu dhaqanno.
Dhawrsoonaantu waa in aad ceebta ka dheeraato,oo waxa Alle kaa xarrimay sida sinada ka fogaato oo aad ahaato qof daahir ah oo naftiisa ilaaliyey,waxan tusaale u soo qaadanaynaa dhawrsoonaanta Maryama bint Cimraan calayhaa salaam,iyo Nebi Yuusuf calayhi salaam,Maryama waxa ay ahayd haweeney dhawrsooni badan,oo u ah dumarka wanaagsan tusaale iyo ku deyasho wanaagsan:
ومريم ابنت عمران الّتي أحسنت فرجها فنفخنا فيه من روحنا وصدّقت بكلمات ربّها وكتبه وكانت من القانتين(التحريم)
Aayadda:iyo Maryama ina Cimran tii wanaajisey farjigeda ee ilaalisay,waxannu ku afuufnay ruuxdayada,waxanay rumaysay kelimaadkii Rabbigeed iyo Kutubtiisa,oo waxa ay ka mid ahayd kuwa iimaanka leh ee cabsada.
Nebi Yuusuf dhawrsoonaantiisa darteed waxa damacday oo doontay inuu si aan bannaanayn wax ugu sameeyo,oo ka sinaysto Haweenaydii uu gurigeeda joogey, laakiin gaashaanka ayuu u daruuray,oo wuxu ahaa shakhsi leh iimaan iyo taqwada Alle,kuna sugnaaday oo ku sifoobey dhawrsoonaan:
وراودته الّتى هو في بيتها عن نفسه وغلّقت الأبواب وقالت هيت لك قال معاذ الله إنّه ربّي أحسن مثواى إنّه لا يفلح الظالمون(يوسف)
Aayadda:waxa nafteeda la doontay tii uu gurigeeda joogey,oo albaabadii intay xidhxidhay ku tidhi kaalay haddaba,markaasuu yidhi:Alle ayaan ka magan galay waxaa,Rabbigaygu wuxu wanaajiyey meeshaan ku sugnaanayo,mana aflaxaan kuwa daallimiinta ahi.
Waxa jira dad danyar ah oo ah sabool masaakiin ah,laakiin dhawrsoonaan darteed aan dadku garanayn,in ay yihiin dad baahan:
للفقراء الّذين أُحصروا في سبيل الله لا يستطيعون ضرباً في الأرض يحسبهم الجاهل أغنيآء من التّعفف تعرفهم بسيماهم لا يسئلون النّاس إلحافاً وما تنفقوا من خير فإنّ الله به عليم(البقرة)
Aayadda:Fuqarada ah kuwa dariiqa Alle loo koobay,ee aan awoodaynin in ay dhulka maraan,oo uu u malaynayo jaahilku in ay aqniyo yihiin oo wax haystaan,taasina waa dhawrsoonaantooda awgeed,waxad garanaysaa calaamadahooda,oo dadka waxba ma waydiisanayaan,wixii aad khayr iyo u bixisaan sadaqo,Alle waa og yahay.
Runtu waxay ka mid tahay sifooyinka qofka Muslinka ah looga baahan yahay,waxa qiimaha runta ina baraya diinteenna,oo Alle subxaana watacaalaa qawlkiisu yahay run,innagana ay tahay in aynu run ku dhaqnno:
ومن أصدق من الله قيلا (النساء)
Aayadda:ayaa ka run badan qawlka Alle.
Runtu waa sifo wanaagsan,oo qofka ay hawl yar tahay sida uu u baro naftiisa,oo isaga ilaaliyo in uu afkiisa ka sheego wax aan run ahayn,waayo qofku hadduu fududaysto oo aanu runta ku adkaysan way ka fogaanaysaa,oo waxay dhaxalsiinaysaa been.
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ” إن الصدق يهدي الى البر والبر يهدى الى الجنه وإن الرجل ليصدق حتى يكتب عند الله صديقا. وإن الكذب ليهدي الى الفجور والفجور يهدي الى النار وإن الرجل ليكذب حتى يكتب عند الله كذابا”. البخاري
Xadiiska:Rasuulkii Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,wuxu yidhi: runtu waxay kugu hanuunisaa wanaagga,wanaagguna wuxu kugu hanuniyaa Jannada, qofku runtuu sheegaa ilaa looga qoro Alle agtiisa run badane,beentuna waxay kugu hanuunisaa faajirnimada,oo faajirnimadu waxay kugu hanuunisaa Naarta,qofku beentuu sheegaa ilaa looga qoro Alle agtiisa beenaale.
Waxa qofka Muslinka ah laga rabaa inuu ku sifoobo sifaha wanaagsan,ee Muslinku leeyahay,oo ka dheeraado sifooyinka Munaafiqiinta iyo Gaalada,oo beentu ka mid tahay:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: “علامات المنافق ثلاثة:إذا حدث كذب وإذا وعد أخلف وإذا أُوتمن خان”
Xadiiska:Rasuulkii Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: Calaamadaha Munaafaqu waa saddex:hadduu hadlo been ayuu sheegaa,oo hadduu ballan qaado wuu jebiyaa ballanta,oo haddii wax lagu aamino wuu khiyaamaa.
Qofka Muslinka ah waxa looga baahan yahay in uu ku sifoobo furfurnaan iyo bashaashnimo iyo dabeecad wanaagsan:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:”وتبسمك في وجه أخيك صدقة)راه الترمذي )
Xadiiska:Rasuulkii Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: dhoolla caddayntaada aad wejiga walaalkaa ku qaabishaa waa sadaqo.
Waxa qofka Muslinka ah laga rabaa in uu dadka u muujiyo,oo ku qaabilo weji furan, oo aan ahayn weji macbuusnimo,sidoo kale isa saamaxa iyo liqidda cadhada:
والكاظمين الغيظ والعافين عن النّاس والله يحبّ المحسنين(العمران)
Aayadda:kuwa cadhada laqa(illaawa/qariya) ee dadka cafiya,Alle waa jecel yahay kuwa ixsaanka iyo samafalka sameeya.
Waxa la rabaa oo loo baahan yahay in qofka Muslinka ahi ahaado mid calool xaadhan,oo dadka Musliinta ah wada jecel oo sifooyinka wanaagsan ku doorta,oo ku ixtiraama,laakiin aan ku ixtiraamin wax kale sida Qabiil iyo wax la mid ah:
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله : “لا تحاسدوا، ولا تناجشوا، ولا تباغضوا، ولا تدابروا، ولا يبع بعضكم على بيع بعض، وكونوا عباد الله إخوانًا، المسلم أخو المسلم، لا يظلمه ولا يخذله ولا يحقره، التقوى هاهنا، ويشير إلى صدره ثلاث مرات، بحسب امرئ مسلم من الشرّ أن يحقر أخاه المسلم، كل المسلم على المسلم حرام، دمه، وماله، وعرضه.
Xadiiska:Abu Hurayra Alle ha ka raalli noqdee,waxa laga weriyey in Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi:ha is xaasidina,oo ha isku eryina(sida ganacsiga..iwm),oo ha isu cadhoonnina,oo ha isu dhabar jeedinnina,oo yaanu iibsan badhkiinba waxa badhka kale doonayo inuu iibsado,oo ahaada Addoomada Alle ee walaalaha ah,Muslinku waa walaalka Muslinka kale,ma dulmiyo oo ma hoojiyo mana xaqiro,taqwada iyo cabsidu waa halkan(ayuu yidhi Rasuulku) isagoo tilmaamaya laabtiisa saddex jeer,waxa ugu filan qofka Muslinka ah shar,in uu xaqiro walaalkiisa Muslinka ah,Muslin kasta Muslinka kale waa ka xaaraan dhiiggiisa iyo maalkiisa iyo sharaftiisuba.
Sifooyinka Muslinku waa in uu kaashado Muslinka kale,oo taageersado isna taageero u fidiyo dadka Muslimiinta ah waxa uu awoodo si hagar la’aan ah:
وتعاونوا على البرّ والتّقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان واتّقوا الله إنّ الله شديد العقاب(المائدة)
Aayadda:isku caawiya wanaagga iyo cabsida Eebbe,oo ha isku caawinina denbiga iyo cadawtinimada,oo Alle ka baqa,Alle ciqaabkiisu waa mid daran,oo adage.
Isfaridda wanaagga iyo iska reebidda xumahu,waxa ay sifo u yihiin Muuminiinta:
وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلاَةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللّهَ وَرَسُولَهُ أُوْلَـئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللّهُ إِنَّ اللّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ(التوبة)
Aayadda:Muuminiinta Rag iyo Dumarba badhba badhka kale ayay jaal u yihiin,oo isfarayaan wanaagga oo iska reebayaan xumaha,oo Salaadda oogayaan,Sakadana bixinayaan,Alle iyo Rasulkiisana adeecayaan,kuwaas Alle ayaa u naxariisanaya,Alle waa ka Qaaliga ah,ee Xakiimka ah.
Sifooyinka Muslinka waxa ka mid ah xaqsoor iyo caddaalad samayn oo mar kasta ah:
يا أيّها الّذين ءامنوا كونوا قوامين بالقسط شهداء لله ولو على أنفسهم أو الوالدين والأقربين إن يكن غنيًا أو فقيرًا فالله أولى بهما فلا تتّبعوا الهوى أن تعدلوا(النساء)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,ahaada kuwo ku qumma oo sameeya xaqsoorka,oo Alle dartii taas uga marag kaca,haba ahaato naftiinna ama Waalidiintiinna ama dadka Qaraabada ah,qofku ama taajir wax haysta ha ahaado ama mid faqiir ah ha ahaadee u xaqsoor,Alle ayaa amarkiisu mudan yahay,ee ha ka raacina hawadiinna in aad caddaalad samaysaan.
Waxa ka reebban Muslinka dulmiga,oo lama ogola in ay iyagu is dulmiyaan ama cid kale dulmiyaan:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:”إتّقوا الظلم فإنّ الظلم ظلمات يوم القيامة”رواه مسلم.
Xadiiska: Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: ka baqa dulmiga oo ha samaynina,dulmigu waa mugdiyo maalinta Qiyaamaha’e.
Waxa ka mid ah sifaha laga rabo Muslinka in uu ku sifoobo raxmad iyo naxariis,waa sifo Alle innaga rabo,oo haddaynu ku sifowno Alle inoogu naxariisanayo:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:”من لا يرحم النّاس لا يرحمه الله”.
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: kii aan dadka u naxariisan Allena uma naxariisto.
Sifooyinka wanaagsan waxa ka mid ah in qofka Muslinka ahi noqdo mid sadaqada bixiya,oo waxa uu jecel yahay bixiya,oo dadka kalena ula jeclaada sida uu u jecel yahay:
لن تنال البر حتّى تنفقوا ممّا تحبّون وما تنفقوا من شيءٍ فإنّ الله به عليم(آل عمران)
Aayadda:heli maysaan wanaagga ilaa aad bixisaan waxa aad jeceshihiin,waxa aydin bixisaan Alle waa og yahay.
Kibirka waa la iska reebay oo qofka kibraa ma galo Jannada:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم”لا يدخل الجنّة من كان في قلبه مثقال ذرة من كبر”
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: ma galo Jannada qof in yar oo kibir ahi qalbigiisa ku jirto.
Kibir la’aanta iyo debecsanaanta aanad cidna iska weyneysiinayn waa sifo fiican:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم”“من تواضع لله رفعه ومن تكبر وضعه “
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: qofkii tawaaduc,iyo kibir la’aan u dhaqma,ee aan is weynaysiin,Alle wuu kor qaadaa, oo kii kibrana,waa hoos dhigaa,oo mid hooseeya,ayuu ka dhigaa.
Islaamku waxa uu ina baray,sida qofka sifaha wanaagsan leh loo tixgeliyo ee loo qadderiyo,laguna doorto dhaqankiisaa iyo sifihiisaa wanaagsan:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:”إذا أتاكم من ترضون دينه وأمانته فزوجوه إلا تفعلوا تكن فتنة في الأرض وفساد كبير”
Xadiiska: Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: haddii uu idiin yimaaddo mid aad ka raalli noqotaan diintiisa iyo amaanadiisa,u guuriya,haddii aydinaan sidaa yeelin,dhulka fidno iyo fasaad weyn baa ka dhacaya.
Sifaha iyo astaamaha qofka Muuminka ah lagu gartaa way badan yihiin,waxana sal iyo aasaas u ah taqwada iyo cabsida Eebbe,oo qofku mar kasta oo uu cabsi badan yahay waxa uu laasimaa oo qabatimaa sifaha iyo dhaqanka wanaagsan,ee diinteenna xaniifka ahi ina farayso.
Waxa aan Alle ka baryaynaa in uu inoo fududeeyo oo ina jeclaysiiyo sifooyinka wanaagsan,innagana dhigo kuwo leh sifooyinka Muuminka dhabta ah,kuna muta oo ku hela raalli noqodka Alle iyo Jannadiisa.Aamiin,Aamiin,Aamiin.
Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w