articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

SARKAAL SARE OO KA TIRSAN XISBUL ISLAAM OO LAGU DILAY SUUQA BAKAARAHA.
posted by: Togaherer Team

Waxaa goordhaweyd lagu diley suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho sarkaal sare oo ka tirsan Xisbul Islam, ninka la diley ayaa lagu magacaabaa Barre Cali Barre, waxaana uu ahaa afhayeenkii Ururkii Raaskaanbooni ee Xassan Turki.

Barre Cali Barre ayaa ku yimid magaalada Muqdisho isaga oo gurmad ah waxaana uu uu la socdey ciidamo uu watay Xassan Turki kadib dagaalkii cuslaa ee dhexmaray dawladda federaalka iyo Xisbul Islaam iyo Alshabaab oo isku dhinac ah sanadkii la soo dhaafey.

Barre ayaa áhaa afhayeenka ciidankii Raaskanbooni, waxaana uu kamid noqdey oo uu ku biiray Xisbul Islaam, isaga oo aan qaadan fikradda Shiikh Xassan Turki ee ah in uu kamid noqdey Al-shabaab.

Barre Cali Barre ayaa hadda ka hor jeediyey haddalo badan oo ka dhan ah Xarkada al-Shabaab, waxaana uu ka badbaadey hadda ka hor isku day dil.

Dilka hogaamiye Barre Cali Barre ayaa imaanaya kadib markii todobaadkii la soo dhaafey sarkaal ka tirsan Al-shabaab lagu diley Xaafadda Sanca.

Is ugaarsiga ka bilowdey magaalada Muqdisho ee u dhexeeya al-Shbaab iyo Xisbul Islaam ayaa horseedi kara in xaalada labada kooxood ay gaarto gacan ka hadal ku dhexmara Muqdisho.

Axmed kulan

Muqdisho


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo