articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

OGAYSIIS: DHAMMAAN JAALIYADDA SOMALIYEED EE SHEFFIELD.
posted by:

Salaan kadib,gudiga taakulaynta cisbitaalka Burco ee Maandhaye ee xanuunada maanka/dhimirka waxay ku faraxsanyihiin inay kulan balaadhan u qabanayaan gabi ahaanba qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Sheffield iyo hareeraheeda.

Kulanku wuxu insha Allah ku muddaysanyahay Axada bishan 14ka FEBURARY SAACADDA 1.30 -4 galabnimo; madashuna waa Sorby House, 42 Spital Hill, Sheffield, S4 7LG. Ujeedada ugu mudan ee shirkani waa in la gudbiyo dhammman wixii dhaqaale magaalada sheffeild ay ugu deeqady Cusbitaalka Burco ee Maandhaye oo dhawaan la furay aadna loogu reeyay baahida loo qabay awgeed. Waxay guddiga qabanqaabadu ku faraxsantahay dadwaynahana xasuusinaysaa in fikradii koobaad iyo maalkii mashruuca Cusbitaalka Maandhaye lagu hir galiyayba ay Sheffield ka bilaabatay, ilaa imikana qayb libaax kaga jirto jaaliyada Reer-Sheffield hawlaha dhakhtarkan. Fadlan ku dadaal inaad ka soo qayb gashid kulankan; asxaabta, ehelka iyo jaarkana gaadhsiisid si aad aakhiro iyo aduunyoba qayb ugu lahaato xaqiijinta guushan! “Waari mayside war ha kaa hadho!”

GACMO WADDA JIR BAY WAX KU GOOYAAN

Wixii macluumaad dheerad ah kala xidhiidh:

Cabdiraxman Cawil Qayir: 07886351965.

E-mail: a.mohamoud@firthpark.sheffield.sch.uk

Maxamed Haaruun: 07950684360

E-mail: mbiixi@gmail.com