articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

MAANSO MAGACEEDA LA YIDHAAHDO (AGGAM-SAN)BY:C/RAXMAAN UBAXLE
posted by:

Maansadani waxay daba socotaa  aliflay oo ka hadlaysay arimo xasaasiya iyo mawduuc diini ah iyo taas kashiidaal qaadanaysa  ayay  waxaa ku dhex jira wanaag faris iyo xumaann kareebis waxayna kaduulaysaa  arimahan isdaba taxan waxayna kasoo horjeedaa mawqifka uu istaagay cabdi qayy s waxayna taageeraysaa aragtida axmed awgeedi iyo inta ku raacsan maansadu cidd gaara maddurayso  loomanaadeegsan karro ariomo danayssi iyo siyaasadeed  waanatan

Aggam-san(c/raxmaan maxmed ,ubaxle)


intaan albaqrabba dhameeyo

In aan alxamduba idhaahdo

Amaanta ilaahay weeye

Araarta u dhaadhaceeda

Hadaan alamtara u dhaafo

Artaytana aan bilaabo

Dabeed  aliflay abaaro

Ashraaftana aan salaamo

Iggiimoow aggamsantayda

Abwaan dheeraad gudooma

Isgaadhsiintiyo adeega

Aqoonta iftiiminteeda

Adduunyadu ahysu dhiibto

Abwaan weedhsame ha gaadho

Afmaal xasan hawna dhaafto

Ardaaga ifkoow xidhiidha

Aroorku ha soo dhawaado

Abaartuna hayna dhaafto


Afkaaga hortii odhaahda

Afeefbaa loo dhigtaaye

Haddaad ashahaadanayso

Aliyo nabi aad taqaano

Aanada aar haysku moodin

Awood iyo xoog ha sheegan

Amaanada hooy ilaali

Asxaanabay kuu galeene

Abaal sii waalidkaana

Amaamude waa ilaahay

Aroorta ha sii xisaabsan

Ajarka kaligaa ha qaadan

Dadkana arbacuun ha saarin

Adigu abtirsiimadaada

Abaabuil qabyaaladeedka
astaamaha hawba dhaafin

Amiir nimo haysku sheegin

Adoomada hayska soocin

Indhaha aad haw kulaylin

Amarka kaligaa ha bixinin

Abshiro yay kaa xumaaninin

Balaayo haday adeegto

Alluun talo saaro weeye


Afkaaga hortii odhaahda

Afeefba loo dhigtaaye

Haddaad ashahadanayso

Aliyo nabi aad taqaano

Dadkow ajalaha ha goynin

Imaanka xaqa adeeca

Agoonta xaqeeda siiya

Urursha abkiyo xigaalka

Abhiya afooyinkooda

Dariska afxumada ka dhawra

Arimihiinana u foofa

Akhiradiinana  ilaashta

Alaylka kacoo istaaga

Ubadka ababshoo wanaaja

adaab iyo akhlaaq ku beera

irmaanta tixdee astaysan

afkaartiyo waanadeedu

arooskuunbay bishaaye

ayaanleey aqal ma waydo


Afkaaga hortii odhaahda

Afeefba loo dhigtaaye

Haddaad ashahadanayso

Aliyo nabi aad taqaano

Cabdoow awliyada mootan

Aday duco kaa rabtaaye

Allaha ku abuuray caabud

Abidna shirki haw samaynin

Haddaad allabari dhigayso

Alloo kaliyuun u suubi

Addoon kale haw  niyaynin

adduunka qofkii kaquustay

aroorr horre soomma toosso

kuwii barihorre la awdday

isxaaqiyo aabbayaasha

abboorku lafaa kareebbay

xabaal ku amaanistooddu

addeeciyyo maaha khayrre

nin aasan adduun maqaato

qofnool umasoo addeego

abwaan caanaad ahaydde

aftahan waynbbaad ahayde

indhaha caad hayska saarin

aqoon li i hayska muujin


Afkaaga hortii odhaahda

Afeefba loo dhigtaaye

Haddaad ashahadanayso

Aliyo nabi aad taqaano

akhbaarta xadiis cadeeyay

aayaaddka quraanku sheegay

aamiinta cabdoow haseeggin

allana qadarkii hadiidin

adduunkanalaguma waarro

naftaadunna waa amaanno

ilaahbaa kugu abbuuray

arsaaqddeedana diyaarshay

ilaa ajall kuu mudeeyay

inaad amarkiis raacddo

isga kaligii addeecddo

cibaadduu kuu abuuray

Afkaaga hortii odhaahda


Afeefba loo dhigtaaye

Haddaad ashahadanayso

Aliyo nabi aad taqaano

asxaabta kuwii jeclaadda

atbaacddiyo duriyadooda

intii anbiyadda rumaysay

ehelu khayrkiyo akhyaarta

aswaajtiyo saalixaadka

kuwii alle uu jeclaaday

ayuunbaa awliyaaye

arkaanta shantaa ilaali

kuddayo ehelkaa wanaagsan

khuraafaadkiyo axwaasha

albaabadda haw banaynnin