Aduunyada waaya-heeda ninkii ogi ma adya-doodee, bani’aadamku ma xejiyo ladnaanta markay tuunbadu ugu jirto kalshin malab ah, waxana ay la gashaa in uu ka qaado kibir iyo daansha-daanshood, dabeed wuxu istaawiyaa nimaan cidi loodin karin, awood iyo xoog aanu hubin ilaa inta ay la gaadhay-sano buu cudud-diisa markuu arko isla baxaa oo aan maaro loo helin isaga oo doobta siddii awr baarqub ah canka xumbada ka tuuraaya, ganaf-kana sare u taagaaya oo aan cirka mooyee dhulka wax cago ku hayaba aan ujeedin, oo raba in uu wixii ishiisu qabato-ba uu ku dul socdo oo aan cidna aan wax u ogayn, waxa kale oo ku daba lumay qaar ku tiirsan kaa halaysan oo garab ka dhigta kaas ay bidayaan in uu muruq sheegtay, iskuna haleeya in waxa ay doona-yaanba ku talaab-sadaan ilayn waxay is lee-yihiin nin balaayo ka dhacday baad dhabarka saarteene, kuwa noocaas ahi kuma xisaab-tamaan kana aad ku daaqaysaa marka ayaamuhu camaliyey-nayaa ee booli-xooftada u shaqaynaysaa ay ka dhamaato xagee baa geli, ma samada-daad u bixi mise dhulka baad hoos u quusi, yaa ku badbaadin doona wakhtiga ay caleen-tiisu cadaato amar ku taaglay-naaya xukunka uu markaas kufsaday, waxay ku wareeraan oo dhan walba jeeniga ugu dhuftaan kuwa ay quudhsa-nayaan ee quwaddii umada lagu cadaadi-naayo calaa-shaan aniga baa wakhtigu ii hogaansan yahay adna wuu kaa jeedaa, oo ilama sinid, sidaan jecelahay-na waan kaa yeeli karaa isku ilaawa gardara-daas garabka og,isaga oo wax kasta ka dhigtay xalaal aan la is hortaagi karin, mudo wuxuu ku jiro dabaashaas iyo qoobab ka ciyaar-kaas, bay mar qudha la degtaa doontu oo kuwii ay seeftu dhulka ka taalay markii xidigaha la maraayey, uu nabsi sare u soo qaadaa, ka dibna waxa meesha ka bul yidhaaha gafanahii macasha aanu lahayn ku raabsi bartay oo ay ayaamuhu soo seeteeyaan aniga oo ku dheeraaday sife aan la xadidi karayn bal aan ku cantuug-siiyo wax yar oo aad ku luqlu-qato ee iga hoo akhristoow. Mid-ka-mid ah nooca weheshada kuwii xooga ku faani jiray eese aanu isagu waxba lahayn baa waxa u tusaale ah ninka sheegta abwaanimo waayo arag ah ee loo yaqaano maxamed cabdilaahi
sangub, oo lagu waraystay caleemo saarkii ugaas-kii ciisaha isga oo ka yimi jabuuti, halkaas oo uu mudo dhawr sano ah ku dhumanaayey, markii halkii uu istaago-ba uu ku joogsaday raran ah digo huursan ee ay cagahu qaban waayeen ciida uu ilaah dunida korkeeda ku balaadhiyey, ee uu dhulku diiday in uu daqiiqad qudha ku nasto, ilayn wuxu ku jiraa maalmihii uu nbaqsigu dabada u soo jeedin jiray denbiila-yaasa soo galay dhagar hore’e, hadaba sanugub hadaan idiin dhaqaajiyo xajiimihii uu dhigay markii uu durbaanka u siday wiilkii uu abtiga u ahaa ee
af-la-haarkii ina bare, wuxu ahaa ninkii inagu dhego hadli jiray mar kastaba ee aad moodaysay in loo shaqaa-laysiiyey in uu umada reer somaliland si gaar ah u ximiyo uu uu ku diro inta kale ee ay markaas ka dhexaysay calankii uu aboorku cunay ilaa imikana la la yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay, waxa ka mid ahaa suugaanta uu waxa kaga sheegaayo umada isaaqa heeso aad u fara badan hadaanse in yar taabtaabto wax ka mid ahaa-
(1) Sama diidoow dabin baa kuu dhigan ( isaga oo leh isaaq wuxu diiday wanaaggii ee ha lala dagaalamo)(2)
Dad-kaagaa dhinac ka raac ( oo ah waxba kaama maqnee umada la mid noqo),(3)
Dad bay meeli bugtaa ( oo ah cuqdad baad qabtaan aan la idinka saari karin),(4) Wakhtiggii ay deelaydu socotay wuxu ka mid ahaa erayaddii uu kaga qayb galay
” balse laba daryaaloow, hadaba doc iska xooroow, shanta doon ha joogtee laba-duun ha kala dilin “ isaga oo macalin gaariye ka jawaabaaya ereya-diisii ahaa
” haddii uunku kala dido taloow yey u daran tahay ) “.(5) Ha is raacdo diidaye, ha is raabsatee daa ( oo ahayd markii soo gashay S.N.M-TU 88-KII).(6) Waxa ka mid ahaa riwaayaddii xoriyo weedhii ee alle ha u naxariistee uu maxamed cumar huryo lahaa “
haddii hablo la keenaayo, kuwiinana keen, ma kuwa-yaga baa malgacado iyo faraajiin ah ( oo cadyn u ahayd waan idinka saraynaa oo sidaan rabno baan idinka yeeli karnaa)”.(7) Shirkii lacagta loogu ururi-naayey ina cali samatar-ka ay imika dacaw-diisu socoto wuxu ahaa kii inta uu kacay isla sare taagay
” isaaq waa yac” ee sii waday hadalk ee hadana yidhi
” xaq by ahayd in la rusheeyo hargaysa iyo burco iyo dadka qaxayaa waayo kuwa qaxayaa waxay yihiin kuwa nala dagaala-maaya ee maato maaha.”(8) Wuxu yahay ka loo tirinaayo inuu dilay
” fanaankii waynaa ee Axmed gacayte”. (9) Wuxu ahaa kii maalintii ay S.N.M-TU soo gashay hargaysa
lebistay derejo kabtan ah ( dhame buuxa) ee ciidankii dawlada qayb dhan gaxaystay lana dagaala-maayey shicibka, waxana la xaqiijiyey in uu guryo badan dad kala so baxay sida ay sheegayaan xogagaalkii joogay hargasi.(10) Saw maaha markii ay waxaasi dhacayeen ee uu haystay raadiyaha hargaysa ninkii ku dhirbaaxi jiray fanaaniinta khasab kaga soo qayb gal riwaayada aan sameeyo.(11) Wuxu ahaa ninka loo isticmaalo in uu wax ka soo saaro suugaanta ay tiriyaan abwaaniinta reer somaliland sida gabayada, heesaha, riwaaydaha, silsila-daha taxanaha ah siddii deelayddii, siinlayddii ee ku sheegi jiray wixii loo yaqaanay
anti oo micna-heedu yahay amuuro k soo hor jeeda maamulkii jiray, waxanu isku deyi jiray in uu si kale u fasilo, si loo yidhaaho wuxu ku kacsan yahay abwaanku himilada dawlada oo dadka buu ka hor keenayaa.(12) Waxa aan iyana la soo koobi karin aflagaa-dooyinka uu u gaysan jiray abwaanada isaaqa oo uu odhan jiray waxba ma garana-yaan ee waa qabyaalad waxa loo daba yaacayaa. Nin gafaa abaalkii tahay guul daraan-tuye, maxaa ka dambeeyey dardartii uu ku tiri-naayey wax-yaabaha kor ku xusan iyo malaayiin kale oo aan la soo koobi karin, nasiib daro waxa raadkiisa guray oo qoofal labada qoob kaga soo jebiyey bahal la yidhaaho nabsi aan weliggii-ba hadhin laakiin soo habeen dhaxayey intii ay waxaasi socdeen oo imika gondaha dhigay, kuna kelifay inuu uu baala daymoodo siddii tuke raq ku dul taagan oo ka baqaya bahalo waaweyn iyo haada ka madax taagan sida geel toosiyaha, gorgorka, ilaah baa xaq qaada’e markii ay timi tii uu sii sheegay cali dhuux ( gabayaddii colaaddii guba) eeuu lahaa
” hadba dunida uul baw kacoo diin la soo shira’e, saw sida darwiishkii isaq duub-cad uma qaadan” sangub markii uu hubsaday in aanay u oolin hargaysa wax uu ku sii nagaadaa waa kii goor aan habeen iyo maalin midna aan ahayn heeryaddii ka urursaday ee ay talo ku ciirtay, isaga oo aan la ogayn meel uu ka baxay iyo gees uu u kacay-toona, lama maleeyo ayaamaha sid ay isu bedelaan axwaashoodu ee
goblan talo aduun-yooy nina tii ma gaadho’e, gol daloolo hoosiyo gog-god lagama waayee, waxay biyo dhigiisii noqtay in uu ugu jawaabo weriyihii waydiiyey maxaad
hargaysa u iman wayday? uu yidhaaho waxan u iman waayey waxay tahay in awoow-yaashayggii dhalay aabayaashayo ay ka cadhoodaan waxa aan ka qabo gooni isu taaga somalilnad, iyo denbiyo la ii tirinaayo oo aanan qabin buu afka la kala qaaday isaga oo aad moodo bisad libaax qabtay, waayo si weyn buu u
salba-bakhay, isaga oo ay ka dhan tahay-na wuxu yidhi way ii qorshaysan tahay in aan tago
hargaysa laakiin wakhti maan u qaban, waase hadal maaran waa ah ee ma ku dhacaa in uu cagaha soo dhigo mar kale? ma wuxu rajo ka qabaa in ay soo noqoto maamul uu siddii hore oo kale ugu lago fidsadaa hadana mar dambe? ma dadka meesha jooguu u haystaa xoolo aan dareen lahayn? ma isagaa waalan oo ah kii la yidhi dhaw-dhawdu caduur umay dhicin oo dhabtii bay hibo mooday dheel-dheel? mise wuxu filayaa in la ilaaway? ma saama-xaad baa laguu fidin buu is lee-yahay? bal akhristoow adigaan kuu dhaafay su’aala-haas ee is waydii, aniga oo weliba jecel in waxa ay kula tahay aad ka garnaqdo, umada denbiga laga galayna waxad kula talin lahayd in ay ka yeelaan aad isku daydid, haddii aad odhan lahayd
sanka jebiya oo ha laga so matijiyo
c
am
baa-burkii
uu booli ahaan ku liqay,iyo in kale, waana aan kaa sugayaa fekre-daada sida aad u cabirto kolba, sidaas iyo nebed-gelyo iyo nooli-kulantee, is maqal xiisa leh oo danbe baynu ku kulmi haddii aalle yidhaaho. * N.B. Falaadhi gilgi-lasho kaaga-ma go’do.abdi-shotaly,
oodweynenews.com.