articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

BAAQ——BAAQ——BAAQ—- BAAQ—- BAAQ
posted by:

Indhawaydba waxaa ku soo baxayey web-sites-ka warbaahinta qoraalo uu soo gudbiyey nin magaciisa la yidhaa Jamac Yusuf oo ku hadlaaya inuu yahay afhayeenka beeshaa Habar Yoonis, qoraaladaa oo si gaar ah wax uga sheegay Gudoomiyaha xusibiga UCID.

Haddaba anaga oo sii adkeenayna qoraalkii iyo baaqi uu hore u gudbiyey Oday Mahamuud,  hadaanu nahahay dhamaan xubnaha magacayadoodu hoos ku qoran yihiin kana tirsan beesha guud ahaan Garxajis ee degan Imaaradka isugana jira gudi iyo odayaalba magac iyo maamusna ku leh beesha.

Waxaanu halkan si cad ugu qeexayna bayaankan inaanu qofkaa la magac baxay Jamac Yuusuf ahayn afhayeenka beesha oo markii si kasta aanu u baadhnay aanu garan waynay qofka magacaa la yidhaa ee beesha ka tirsan, isla markaa fikradahaa uu ka hadlaayo aanay beesha dhaqankeeda ahayn ee wax u gaar ah ay tahay qofkaa magaciisa iyo ruuxiisaba qariyey.

Waxaanu ka raali gelinayanaa xaalna ka siinayan Md. Gudoomiye; Eng. Faysal Ali-waraabe, isaga iyo dhamaan xusbiga UCID, qoraalada deelqaafka ah ee kaga yimid qofkaa raad iyo ruuxtoona lahayn ee magac beesha adeegsaday.

Warbaahintana in badan ayaanu aragnay qoraalo beena oo ku saxeexan magac qof oo raad loo raaco lahayn, hadaba qoraalada aad qoraysaan ee magac Beeleed ama Bulsho ku hadlaaya, hadaanu qofka soo gudbiyey aanu lahayn cinwaan dhan iyo wiliba telefoon lagala xidhiidho inaydaan soo qorin hadii kale dembiga idina waad kula jirtaan

Waxaanu ka codsanaynaa dhamaan warbaahinta soo daabacay qoraaladiisa Jaamac Yuusuf, inay noo soo gudbiyaan cinwaankiisa oo dhan si aanu ula xisaabtano talaabo adagna aanu ka qaadno beenta uu qoray iyo meel ka dhacaa uu noo adeegsaday magacayaga beel ahaaneed.

Magacda.

  1. Mahmuud Mahamed Hassan Tel. +971506251882 email: msaraaxi@yahoo.com
  2. Osman Sheikh Mahmuud
  3. Abdi Nur Aden
  4. Salah Warsame
  5. Osman Ducaaleh
  6. Awil Jamac Xaad
  7. Awil A/Rahman
  8. Mahamed Jamac
  9. Farah Mahamed Abdi

Wa Bilaahi Tawfiiq.