articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

URURKA ARDEYDA JSL EE DALKA YEMEN OO HAMBALYO UDIRAAYA HAWEEN WEYNAHA SOMALILAND
posted by: Togaherer Team

Ururka ardeyda JSL ee dalka yemen oo hambalyo udiraaya haween weynaha somaliland

sida aynu wada ogsoonahay waxaynu u naqaanaa 08-maarso maalinta haweenka aduunka oo lagu xurmeeyo doorka haweenka

hadaba ururka ardeyda somaliland ee dalka yemen waxa uu hambalyo iyo bogaadin u Dirayaa  guud ahaan haweenka aduunka gaar ahaana haweenka jamhuuriyadda somaliland dal iyo dibadba

waxaynuna wada ognahay inay haweenku lafdhabar u yihiin guud ahaan bulshooyinka caalamka maanta

haweenka somaliland waxay mudan yihiin xurmo iyo qadarin waxayna mar walba u taagan yihiin udub dhexaadka bulsho kasta

waxa kaloo ururku u soo jeedinayaa haweenka somaliland inay ku dhaqmaan oo ku adkaadaan dhaqankeena iyo diinta islaamka oo ay iska ilaaliyaan wax walba oo wax u dhimaaya ku dhaqanka diinteena

waxa kale oo looga baahan yahay inaanay sii daynin raadkii hooyooyinkeenii hore

Guntii iyo gaba gabadii waxaanu idin leenahay noqda kuwii sanadka sanadkiisa ku gaadha bash bash iyo barwaaqo

xasan x.aadan axmed
Xoghayaha Ururka Ardyda JSL eedalka Yemen
xasanxyz@hotmail.com


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo