MAANDHOOW CALAA-CALKA IGA DAA CARABI WAA NAAGE! W/Q:ABDI SHOTALY
posted by: Togaherer Team
MAANDHOOW CALAA-CALKA IGA DAA CARABI WAA NAAGE!
Carabi inta ay isu tagtay baa waxa ay go’aan ku gaadheen in ay israa’iil u jawaabaan oo ay ku dhawaaqaan ma ictiraafi kartid somaliland, waana kuwa aad tidhaahaan iyaka baa muslim inoogu dhaw, oo dadka inta badni ay sheegtaan-ba waxan asal ahaan ka soo jeednaa hargab-kan ururay, oo wax allaale wax ay ka faa’iido lee-yihiin aanay jirin, oo waa duul dulaysan ilaa yooma-diin, waa umada rag iyo dumar malkha-badaha xidhan wax ay ku wanaagsan yihiina hore baa looga quustay, odaygii waalaa( the mad mullah) ee daroodku inoogu sheegi jiray waxa la yidhaahaa seyid maxamed cabdile baa wuxu qu’raan ka ku bartay sacuudiga, dabeetana markii ingiriiska uu jebein kari wayey ee la ogaaday in uu isaga laf-tiisu ka xun yahay isticmaarka ee laga jeestay,markii la hubsday inuu doonaayo boqortooyo daarood, ee cid caawisa uu waayey bay qabaqla-yaashii hor boodi jiray ilayn meela laga-ma waayo mid doobta ka tuuraaya’e kula taliyeen carab baa inoogu dhaw muslim ahaan iyo dhaqan ahaan-ba’e aan taageero waydiisano, dabeed wuu la yabay inamaka ku leh aan gacan hoos dhigano kuwuu ogaa waxa ay yihiin dabeed wuxu ugu jawaabay gabay nimankii uu ugu sharaxaayo carabi waxa ay tahay iyo awooda ay lee-yihiin iyo in ay wax cawin karan aniga oo in yar idinka dhan-dhan-siinaaya kana soo qaada-qaaya inta iga khusaysa baa wax uu yidhi sidatan:-
Cudud ma laha, col kula weerar gala iyo ciidan,
Xooga badane, inkastooy cid kuu soo diraan,
Waa cidloo kale,coloosha iyo madaxa,
Bay siddii dumar cantuu-gaane,
Iyakoo cigaal xidhanayey, curad is moodaane,
Waa calako meel yuururta, iyo cunug an waynane,
Maandhoow calaa-calka, iga daa carabi waa naage.
Waa kuwaa aan filayno in ay wax ina taraan, wuxu cadeeyey in aanay jirin wax laga fishaa oo tooda bay u bes yihiin, xataa haddii ay haystaan quwada maraykanka iyo ruushka oo la isu geeyey in aanay wax iska celin karayn, wax ay ku taraana hadal-kooda-ba daa, kuwa maanta leh yaan la ictiraafin oo ina hor taagani waa iyaka, inta ay isu tegeen oo wada hadleen ila soo hor fadhiisteen malka-badihii iyo diricyaddii, kabahii jamabalka ahaa bay iyaka oo xundhurta ka xoqonaaya ay yidhaaheen yuhuudu shaqo kuma darsan karto somaliland oo dawlad ahaan uma ictiraafi karto, ilayn waa duul aan is dhaamine oo siddii adhi jirta kuula xintamaaya, oo ka ay wax yar dhaamaan ku sii joogsa-naaya’e, ilaa ay wiiqaan oo siddii raafkii adhiga kugu dalooli-yaan aan kaa tegayn, waa doqontii la odhan jiray marka ay qof aanay hore uga adkaan jirin ay disho waxay tidhaahdaa wallee kama kaco ilaa yooma diin inta aan diirka ka saaraayo, ta meehsa taalaana waa tii u caadada ahayd ee lagu yaqaanay, in xataa haddii aad isu dhiibto oo aad tidhaaho na maamula ay nafta kaa jaraan, sidaas awgeed waxa dhaama adiga oo yuhuud u gala waayo ha ku dileen ee inta aad nooshayhay waad noolaanaysaa oo waad iska ceeshaysaa, kuwana way kuu dhaamaan markii somalidu ka mid noqotay jaamacada carabta ABWAAN QAASIM ilaah janada haka waraabiye lagu yidhi qaasimoow waxa aynu ku biirnay ururka jaamacada carabta ee bal ka waran dabeed wuxu tiriyey tix uu ku sheegaayo in ay yihiin dad aan waxba ahayn, wax ay inoo tarayaana aanay jirin, isuna keeni karin oo aanu aad u kala duwan nahay oo aanay naf-nafteed lahayn waxana ka mid ahaa tixdaas erayadan:-
Halkay duub-cad joogto, aan ka durkee,
Diintiyo maskiiba, waan isku dilee,
ma dahraan iyo dooxii burcaa, deris wadaagaaya,
mise yamanta door-yaaka leh, baa dad iga riixaysa,
Haddii aan maanta la iga yeeli lahaa talo waxan odhan lahaa aynu la yeelano xidhiidh yuhuuda, ilayn diin ugu bixi-mayside, iyaba waa carab ku sheega kuwaan u jeedaaye waxay la leeyihiin xidhiidh, inta safaarad la leh oo qudha marka la eego jaamacada carabta awxay ay yihiin, Muriiteeniya, marooko, joordaan, qadar, imaaraadka, baxrayn, masar inta la yaqaano oo kel;i ahi, lama tirin karo kuwa hoosta kala xidhiidha ee ay baayac mushtar lee-yihiin, bal is waydiiyoo waa maxay waxay inooga hor joogaan inka haddii ay inooga horeeyeen-ba, saw maaha xaasidiin iyo yaana ceeshin ee ka ilaaliya, inaka oo keli ah maahee, waa carab kuwa mulinka halkaas dhigay ee liciifiyey ee ay gaalo sida MARAYKANKA, INGIRIISKA, FARANSIISKA. RUUSHKu ay u adeegsa-daan in ay wax ku yeelaan aduunka muslinka ah ee loogu soo gabado, imakadan aynu joogno kuwa loo isticmaalo dalka IIRAAN waxa ay yihiin wadanada ku yaala khaliijka, oo loogu hanjabo haddii aad nala dili waydaan IIRAAN hadhoow marka ay idin weerarto waxba idinka celin mayno ee ogaada ama imika naft nagala jara oo midida baan marinay-naaye idinku noo soo soofeeya hal la arko in muslim nala socdo’e, kuwa aan miciinka ka sugay-naana waa kuwaas noocaas ah ama ku ab-tirso oo dheh waan ka soo jeedaa, ama ila mid noqo oo yuhuuda ka dooro.
* N.B. Nin tiisiiba daayacay, ka kalee dugsa-nayaa ani igala doqonsane.
abdi-shotaly.