articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

JAWAAB KU SOCOTA ”TAAGEERADA KULMIYE IYO TAYO LA,AANTA MADAXDA KULMIYE SWEDEN”
posted by: Togaherer Team

JAWAAB KU SOCOTA ”taageerada kulmiye iyo tayo la,aanta madaxda Kulmiye Sweden”

QORAALKA UU QORAY MR XALEEF WAXA UU KA MIDYAHAY MASHRUUC MADAXTOOYADA SOMALILAND LAGA MAAMULO OO LAGU WAXYEELAYNAAYO

XUSBIGA MUCAARADKA AH EE KULMIYE:

Madaxda iyo taageerayaasha xusbiga mucaaradka ah ee Kulmiye waxay sicad diirada ugu hayaan kana dheregsanyihiin in Maamulkan awooda daran ee Madaxweyne Riyaale iyo xusbigiisa Udub markii ay ku fashilmeen wixii umadu u igmatay,  xaqiiqsadeedna in aanay waxtaageero ah ku lahayn qurba joogo reer Somaliland, ay bilaabeen in ay adeegsadaan xubno marba magic isu bixiya kuwaas oo shaqada madaxtooyadu u igmatay ay tahay sidan hoos ku xusan

A) Inay qas iyo isqabsi ka dhex abuuraan madaxda iyo taageerayaasha xusbiga mucaaradka ah ee Kulmiye.

B) In ay iyagoo isticmaalaya dad aan runtii indheer garad ahayn oo meel dheer aan waxba ka eegayn inay saxaafada ku soo bandhigaan qoraalo lagu dhaleecaynaayo madaxda xusbiga mucaaradka  ah ee Kulmiye  ee qurbaha.

Qoraalkan mudanahani soo qorayna waxaa uu ka midyahay mashruuca Udub ka wado qurbaha ee  lagu waxyeelaynaayo xusbiga mucaaradka ah ee Kulmiye. Hadaba waxaa nasiib wanaag ah in warkan iyo mashruucan aan kor ku xusayba aanu aad uga dheregsanahay hadaanu nahay madaxda iyo taageerayaasha xusbiga Kulmiye.

Waxaanse ku baraarujinayaa dhamaan madaxda iyo taageryaasha xusbiga kulmiye inay fiiro gaar ah uyeeshaan dadkan tirade yare ee marba intay shaadhka midabkale leh  soo gashadaan ama qof soo adeegsadaan yooyootanka iyo dacaayadaha raqiiska ah ku soo qoraaya saxaafada afka somaliga ah ku hadasha.

Xubnahaasna waxaan odhan lahaa ”dhuumasho dhabarku muuqdaa, maaha dhuumasho” e, waxaa idiin roonaan lahayd ”xalaal iftiin baa laqashaaye” inaad banaanka usoo baxdaa oo daaha hoostiisa iyo dadkan aad adeegsanaysan iska daysaan. Sidoo kalena aad ogaateen inaydaan waxba sidaas kuyeeli Karin bahweynta Kulmiye iyo madaxdiisatoona.

Guntii iyo gabogabadii qoraalkaygana waxaan ku soo koobayaa labadan qodon ee aad cinwaanka ugadhigtay qoraalkaaga.

Taageerada kulmiye ee Sweden:

Waa runtaa oo ilaahay mahadi haka gaadhee xusbiga Kulmiye taageerayaal aad u tiro badan ayuu ku leeyahay guud aahaan gurbojooga reer Somaliland gaar ahaana dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Sweden. Waxaase ku xasuusinayaa in aanu taageeradaas ku kasbanay siyaasad wanaag iyo in aanu uhiilino xaqa, ka hortagno xaqdarada iyo boobka dhaca uu maamulka riyaale iyo xusbigiisa Udub ka wado dalka. Inaanu diyaar u nahay doorasho, difaacno dastuurka iyo shuruucda dalka. Inaanu hadh iyo habeenba u orodno sidii Somaliland ku heli lahayd aqoonsi buuxa.

Tayada madaxda Kulmiye Sweden:

Sidaad adba ka markhaati kacday ana aan kor ku xusay taageerayaasha kulmiye ee Sweden aad ayey u tiro badanyihiin. Waxay leeyihiin aqoonyahano, siyaasiyiin, ganacsadayaal, dhaliyaro, haween. Madaxda Kulmiye Sweden-na waxa soo doortay taageerayaasha xusbiga. Tayadooda iyo taramartoodana cidii soo dooratay ee kalsoonida siisay ayaa og, balse Udub iyo intii daaha dabadiisa kujirta cidi waxba ka weydiinmayso.

WA BILAAHI TAWFIIQ

HA NOOLAADO KULMIYE

HA NOOLAATO SOMALILAND

Ibrahim A. Adan

Xoghayaha Guud ee Kulmiye Sweden

e-mail: ia@kulmiye.se


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo