|
Dood Cilmiyeed Aad u Xiiso Badneyd Ayaa Ka Dhacdey Habeenkii Isniintu Soo Galeysey Magaalo Madaxda Wadanka Sudan Ee khartoum, Taas oo u Dhaxeysey Ardeydeyda Reer Somaliland Ee Jaamacadaha Sudan Wax Ka Barata ,
Dood Cilmiyeedan oo Ay Soo Qaban Qaabisey Shabakada Waxbarashada ee Somaliland Education Network , Waxaa Laga Hadlayey Doorka Ay Dhalinyarada Aqoonyahanka Ahi ku Yeelan Karaan Horumar Dhinac Walba Ah oo Somaliland Gaadho ,
Ugu Horeyn Barnaamijka Oo Si Wada Jir Ay u Daadihinayeen C/laahi Daahir Iyo Fuaad Cabdisalam Waxaa lagu Furey Aayaatka Quraanka Karimka Ah , Ka Dib Waxaa Ahmiyada Ay Dood Cilmiyeedku Leedahey iyo Midhaha Laga Doonayo in Ay Ka Soo Baxaan Halkaas Ka Jeediyey Fuaad Cabdisalan oo ah Wakiilka Somaliland Education Network ee Sudan ,
Dood Cilmiyeedan Waxey Ardeydu Ku Lafo Gureen Xaaladaha Kale Duwan ee Wakhti Xaadirkan Wadankoodu Marayo ha ugu Horeyso Xaga Waxbarashada , Dhaqaalaha , Siyaasada iyo Arrimaha Bulshada ,
Ka Soo Qeyb Galayaashii Dood Cilmiyeedan Waxey Aad u Amaanee Wasaarada Waxbarashada Somaliland iyo Heerka Waxbarashada Somaliland Wakhti Xaadirkan Mareyso , Waxey Kale Aad ugu Dul Istaageen Dhibaatada Manhajyada Kale Duwan ku Yeelan Karaan Mustaqbal Somaliland , Iyagoo Tilmaamey Baahida Loo Qabo Manhaj Dhameystiran Ilaa Heer Sare oo Ay Somaliland Yeelato ,
Waxey Kale oo Ardeydii Dood Cilmiyeedka ka Soo Qeyb Gashey Xuseen Jaamacadaha Wadanka Heerka ay Marayaan iyo Sida Xawliga Ah ee Waxbarashada Somaliland Kor ugu Socoto ,
Dhinaca Dhaqaalaha , Waxeynu Wada Ogsoonahey In Xoolaha nool Yihiin Lafdhabarta Dhaqaale ee Somaliland Waxey Aqoonyahankii Dood Cilmiyeedka ka Soo Qeyb Galey Tibaaxeen in Xoolo Nool aaney Heysan Xanaaneyn ku Filan Sidoo Kale Xoolo Dhaqatadu Cid Taageerta Aaney Jirin , Waxey Talo ku Soo Jeediyeen si Wada Jir Ah in Kor Loo Qaado Tayada iyo Shaqada Wasaarada Xanaanaha Xoolaha sidoo Kale Taageero La Siiyo Xolo Dhaqatada Ha Ahaato in Aqoontooda kor Loo Qaado , Iyo In Kor Loo Qaado Xanaaneynta iyo Caafimadka Xoolaha Nool ,
Sidoo Kale , Waxey Ardeydu Aad uga Hadleyn Sida Dadka Somaliland Aaney uga Faaideysan Xeebaha Somaliland iyo Kheryraadka ku Jira , Taas oo Hadii Laga Faaideysan Lahaa Kor U Qaadi Laheyn Dhaqaalaha Wadanka , Iyo Waliba Dhinaca Wax Soo Saarka Beeraha oo Ilaa Hada Tayo Laheyn La Odhan karo Waxa Lagu Gaadhi Karaa Isku Filnaasho ,
Dhinaca Siyaasada , Aqoonyahankii Ka Soo Qeyb Galey Dood Cilmiyeedku Waxey Tibaaxeen Dhibaatooyinka Hor Taagan Siyaasada Arrimaha Dibada ee Somaliland oo Ay ugu Horeyso Ictiraaf Laaanta , Sidaas o Ay Tahey Hadana uu Jiro Dadaal Badan iyo Waliba Gaabis Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland , Loona Baahan Yahey In Wasaarada Arrimaha Dibadu Awooda Saarto Sidii Xidhiidh Qoto Dheer ula Yeelan Laheyd Wadamo Badan oo Ay Ka Gaabisey , Waxey Kale Oo Ardeydu Tilmaameen Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Siyaasada Arrimaha Gudaha iyo Tan Dibada , Mar Kasta oo Ay Ta Guduhu Toosnaatana Siyaasada Arrimaha Dibadu Kor u Sii Kaceyso ,
Waxaa Kale oo Dood Cilmiyeedkaa Laga Hadley Arrimaha Bulshada oo Ugu Horeyso Caafimaadka , Ka Bixida Biyo La aanta Baahsan ee Wadanka heysata , Iyo Waliba Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Awooda Laydha,
Guntii iyo Gabo Gabadii , Dood Cilmiyeedkan Oo Aheyd Tii Ugu Horeysey Ee Ardeyda Reer Somaliland Ee Sudan Wax ku Barta Dhex Marta Ayaa Waxaa Lagu Soo Gabo Gabeyey Waji Farxad Leh iyo Waliba Fikrad Wadaag Qiimo Badan Taas oo Ay Ugu Bogeen Ka Soo Qeyb Galayaashii
Fouad Abdisalam Hassan
Somaliland Education Network
Khartoum
Sudan
|