![]() |
Ciidmada Midowga Yurub ee ka hawlgala biyaha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qabteen Sadexdii maalmood ee la soo dhaafey 35 burcadbadeed ah.
Ciidamada Faransiiska ayaa sheegay in ay qabteen 35 buracadbadeed ah muddo 48 saac gudahood ah, diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay iska leeyihiin ciidanka Faransiisku ayaa rasaas ooda uga qaadey doon ay wateen burcadbadeedu maalinimaddii Axadda taas oo sababtey in ay joogsadaan Burcadbadeedu, waxaana halkaas lagu qabtey 11 burcadbadeed ah.
Sidoo kale Jimacaddii waxaa ciidamada Faransiisku qayb ka ahaayeen hawlgal lagu qabtey 22 nin oo burcad badeed ah, sidoo kale maalinimadii sabtida waxaa gacanta lagu dhigey labo nin oo ahaa burcadbadeed.
Inkasta oo dhamaadkii todobaadkii hore uu ahaa mid burcadbadeeda ku ah murugo kadib markii laga qabtey maxaabiis intaas le’eg ayaa haddana waxaa gacanta burcadbadeda ku jira 130 qof oo dhamaantood sugaya madaxfurasho sida ay ku soo warantey wakaaladda wararka ee AFP.
Burcadda ayaa maanta sii daayey doon laga leeyahay dalka Thailand, taas oo aan la ogeyn lacagta madaxfurasho ee ay ka qaadeen, waxaana todobaadkii la soo dhaafey u suurta gashey Burcadbadeeda in ay qabsadaan laba markab oo horleh.
FADLAN HALKAN RIIX SI AAD WARKA OO ENGLISHA AH U AKHRISO KAAS OO AAN KA SOO XIGANAY (AFP)