articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

SIRTA KA DANBAYSA DIIDMADA CARABTA EE AQOONSIGA S/LAND AAN DABOOLKA KA ROGO
posted by:

ADUUNYADAN maanta aynu ku noolnahay waxa ka socda tartanka dhaqaalaha
iyo interestka wadankastaaba uu danihiisa ilaashanaayo
SIda mudane cabdiraxmaan shotaly xaqiijiyay carabi waa xaasidiin  mana rabaan aqoonsiga somaliland .

Sababta ugu wayn ugna muhiimsan  aan shacabka u iftiimiyo
wadamada carabta ee khaliijka waxay ahaayeen meesha qudha ee somalilanderka iyo somaliya ay wax kala soo dagaan.
Waxoo kaloo magaalada BEBERI  ahayd marinka ilaa east africa carabtu mariin jireen badeecadaha ay ka keenaan china iyo asia iyo yurub
Badeecadaha qaarkoodna ayagaaba samayn jiray ama waxa joogay sharikado ay ka masuul yihiin.

Hal mar ayaa waxa istaagay badeecadii carabta laga iibsan jiray
Waxaanay somalilanderku toos ugu xidheen wadamada china iyo yurub ama asiayada kale ilaa usa iyo  canada
Waxa laga keenaa  meel kasta badeecadihii markii hore loo sii mari jiray carabta
ee ay dilaalka inaga qaadi jireen iyo faaiidada  badan.
dhamaan dadka soomalida iyo somalilnaderkuba waxay si toosa xidhiidh dhaqaale ula yeesheen aduun waynaha WAXAANAY KA ILBAXEEN  DILAALKII CARABTA.

Maanta suuqii east afrika waxa gacanta ku haysta REER SOMALILAND
Waxa si toosa looga soo dajiyaa alaabta  laga keeno china ama yurub dekada BARAKAYSAN EE  magalaada  bebera ala ha noo daayee.
Waxa la geeyaa badeecadaha ilaa afrikada dhexe ilaa suuqyada  wadamada east africa.
Ma jiro dilaalkii carabta ama hindiduba kugu cashuuri jireen
Ma jiro maraakiibtii marba aad lixda bilood sugaysay ee aad khalijka fadhiyi jirtay
adoo marba dekada qabanaya oo raba bal inaad hesho markab wax kuu qaada.
Somalilnad ayaa duulinaysa maraakiibteeda wax qaada.
WAXAANAY maraakiibtaasi yaacayaan aduunyada ilaa yurub ilaa asia iyo africa
aygoo marba  badeecad ka rogaaya degada BARAKAYSAN EE BEBERA.

Carab markii laga ilbaxay waatan rabta inay ku dabarto  waxna kuu quudhi waydo
Ma rabaan aqoonsi somaliland hesho.
Waayo adigoon aqoonsi helin AYAAD  dhaqaalihii ka qabsatay kana dheeraysay
Waxay ogaadeen in hargaysa  badeecadaha qaarkood  looga sii gudbiyo sucuudiga
Waxa  in badan  hada la gaynaayay sucuudiga  BIYAHA   CAAGADAHA  iyo saabuunta wax lagu maydho.
Waxa kaloo la geeyaa cadarada iyo dharka laga soo waarido aduunyada sida china oo kale.
markaa mar hadii aad ayagii wax ka iibinayso  oo aaad suuqii ka qaaday
waxay go,aan ku gaadheen in LAGU XAYIRO  intii lugta lagu hayn karana  lagu hayo.
Aqoonsiga somalilnad  waxa aad uga soo horjeeda wadamada barabta oo aan marnaba  wax ictiraafa  kula doonayn iyo inaad HORUMAR GAADHO.

Siyaasada carabta ee ku liidata aduunka korkiisa iyo dhaqaala xumida ay ka kasbadeen  dagaalada ka socda ciraaq iyo meelaha kale ee ay ku lug leeyihiin ayaa waxay rabaan inay CADHADII  kula dhacaan jamhuuriyada soo koraysa  ee somaliland.
Firfircoonida shacabka somaliland ayaa ah mid aduunka ka yaabay
Waxa maanta magaalada hargaysa iyo salaxlay iyo malablay ilaa  boorame ilaa  baligubadle iyo burco , ceerigaabo iyo magaalada  barakaysan ee bebera lagu sarifaa  lacagaha qalaad ee aduunka meelkasta laga keeno.
waxa lagu kala iibsadaa gudaha somaliland dhamaan badeecadaha qaaliga ah ee ilaa aduunyada laga soo waarido.
DHamaan hawlahan ayaa markii hore ahaa qaar carabta aynu u daba fadhiisan jirnay
Balse imika gacantooda ka baxay oo ayagaaba kuu daba fadhiya.
markaa isku soo wada duuboo carabi waa XAASIDIIN   waxaanay rabaan in aad GACANTOODA  markale ku soo laabato

gabagabdii
Maxaa inala gudboon waa su,aasha aan rabo in  in maamulka dawladu is waydiiyo una helo  wado  looga baxo ama lagu qanciyo carabta XASADKA WADA
Waana arin u baahan in xataa shacabku ogaalkeeeda lahaado waliba la barbar noqdo maamulka somaliland iyo dawlada talada haysa.
Wax kasta oo laga qaban karaana  waa mid dhamaan muxaafid iyo mucaaridba u taala mana aha DAN  cid gaari leedahay[muhimadu waa sidee somaliland loo gaadhsiin karaa horumar TAABO GALA IYO ICRIRAAF AMA AQOONSI BUUXA].
WABILAAHI TAWFIIQ
siciid cabdi dheen
dheen@live.com
london