articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

MAR I DAGE ALLA HADAGO MAR LABAD IDAGE ANA ISU DAGAY
posted by: Togaherer Team

As-salamu Calaykum. Bacda salaan akhristayasha iyo akhiyarta sharfta lahoow maqaalkaygan maata eed ciwaankisa kor ku aratan wuxu daba socda midaan  hore u qoray oo ciwaan kisu ahaa “ISKU MAQANisku mashquulsan ADNA LAGUGU MAQAN“. Maqaalkaas hore wuxuu aha baraarujin aan dadkeena reer Somaliland dareen sinayay cadawgeena Alshabaab in laga feejignaando. Anigoo wali tii daba socda markan waxaan sigaara ula hadlaya dhalin yarada.

QORMADAN WAXAAN KU SOO QADAN DOONA DHAWR ARIMOOD OO KAMIDA SIFOOYINK IYO HABDHAQANKA ALSHABAAB:

shurudahay ku xidhaan haday isku dayan inay kabaxaan

Sidaaynu ka aragno maga cooda (Al-shabaab) oo micnaheedu yahay dhalin-yaro markiiba waxaad ka garanaysa inay cidkale u adeegayaan oo rabaan in caruurta ikhiyaali intay maskaxda kaga qabsadaan oo xabada isga dhigan qarax yadana u fuliyaan. Waxaynu la socona in dadkii weerka inagu soo qaday ee isku qar xiyay caasimada JSL hargaysa 29th-Oct-2008 inay aheeyn dhalin yaro maraykan ka dagananaan jiray oo maskax badal (brain wash) lagu sameeyey oo ilaa halka uga soo dulay wax yeelaynta dadka iyo dalka reer Somaliland.

Nimankan diinta dhufayska ka dhigtay ee la magac baxay Xarakatul Al-Shabaab Mujahidiin waxay ka mid ahaan jireen maxaakimti balse waxay lahayeen ajande qarsoon oo u gooniya waxay ka faa idaysteen soo galisti ciidamada shisheeye soo galeen somaliya waxanay ka heleen dhaliyaro badan oo iyagu ajendahoodu ahaa la dagaalanka ciidamada shisheeye balse markii danbe ee mashrucaasi dhamday ee cidamadii ugu xooga badna ee itobiya ka baxeen Somaliya. Alshabaab shayaadin cumamadani waxay ku soo jeediyeen dhaliyarada ay ku adeeganayan indhahoda wax yeelada iyo gumaadka dadkooda Somalida iyo reer Somaliland.

Sida laga wada warqabo Alshabaab marka qofku soo galayo wax shuruuda kuma xidhaan laakin sida looga baxa way adagtahay oo qofka maskax ka badalka uun kuma daayane waxayaalaha u sahla inay dhaliyarada kaga faa’idaystan waxaay lacagta xad dhaafka oo  la sheegay inay kooxdasi ka hesho argaxisada caalamiga ee ay iyagu afkooda ka sheegeen inay kamid yihiin.

Alshabaab waxay ku taaman ama ku baqaan in ay ku marti galinayaan cidkasta oo kamida argagixisada caalamiga inay ka dagalamaan wadanka Somaliya waxaana xaqiiqa inay madaxdooda oo dhami yihiin Ajanabi. Waxyaabaha kale ee kamida waxay dhaliyarada kula dhaqmaan qofkii is yidhaahda ka bax way kharajiyaan qofkii ka fakadana ehelkiisa ayay kharajiyaan taasina waata sababta inay qaar badanoon ku qanacsanayn isaga dhabar adaygan inay iskagajiran kooxdan argagixisada intii lugo iyo gacmo isdhaafa la jari laha ama ehelkooda hortooda lagu birayn lahaa ciqabahasi shuruudaha qofki sibiq ku galay ka shanleeyo.

Qaladaadka iyo tacadiyada kooxdan argagixida hal maqaal iyo laba toona laguma soo koobi karo laakin dhaliyarada reer Somaliland ee diinta jecel waxaan kula talinaya inay diintooa bartan oo kabartan culimada aqoonta iyo fahanka wanaagsan uleh iskana jira munaafaqiinta islaanimo ceebayska ee ku gaabanasa magaca diimeed.  Dhaliyarada reer Somaliland waxaan kalo xasuusinlaha qaraxyada ay gaystan kuna dhagraan dadaan waxba gaysan (innocent people) aan waxba gaysan oo birimagayda sidii kii ay Hargaysa iyo ku Mugadishu kadhacaba kuwa fuliya ay bambada ku xidhaan waa dhalinyaro saqiira. Ma maqal midkaliya oo madaxda Alshabaab baa meel isku qar xiyay haday xaqwadan maxay isu qarxiwaayen MUKHTAR ROOBOW, INA GODANE, AFGANI iyo raga kale la midka ah ee ciyalka halaagaya ee cimrigooda soo kobaya. Ugu danbayn waxaan u dardaarmaya dhalin yarada reer Somaliland waligiin cadawgeena ogaada kana feejignada oo gabood yaaney idinka helin. Xasuusnada maahmaahdi ahayd Mar i dage Alle hadago mar labaad idage ana isu dagay.

QISAASTA BILAA CADYNTA AH EE FULIYAN ALSHABAAB IYO SAQIIRKA AY KU ADEGANAYAN IYO HABDHAQKOODA WAXAAN U DHAFAYA CULIMDA INAY WAX KA YIDHAADAN.

Mustafe C/lahi Cumar-Leedo (Mukhtar)
mustafe49@hotmail.com
London Uk


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo