
Date, May 11, 2010
Ku: Gudidda Fulinta xisbiga UCID
Ujeedo: Xil Magacaabis
Waxaa lala socodsiinayaa Dhamaan Guddida Fulinta, G/Dhexe iyo Xubnaha Xisbiga UCID in Maanta oo ay Taariikhdu tahay 6/03/2010 Md, Kaysar Cabdilaahi Maxamed loo magacaabay inuu noqdo Xoghayha Warfaafifnta Xisbiga UCID, Waxaa sidoo kale isla maanta Xoghayihii hore ee Xisbiga UCID Md, Cabdinaasir Yuusuf Cismaan loo magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga UCID.
Sidaa darateed waxaa la farayaa dhamaan cidda iyo khuseysoWarqadan iyo dhamaan Xubnaha Gudida Fulinta, G/Dhexe iyo Taageerayaasha Xisbiga ee dalka Gudihiisa iyo Debadiisuba in ay la shaqeeyaan masuuliyiintan una fududeeyaan hawlahooda.
Md, Kaysar Cabdilaahi waa Suxufi caan ka ah dalka gudihiisa iyo debadiisaba, waana masuul kasoo qayb qaatay xorayntii dalka hooyo imikana ah Xoghayaha Ururka Aqoonyahanka Qurbo jooga ah ee Somaliland Forum, halka uu Md, Cabdinaasir Yuusuf Cismaan uu yahay masuul aad u firfircoon oo xisbiga UCID xilal kala duwan kasoo qabtay.
Alla Mahad Leh
Eng, Faysal Cali Waraabe
Gudoomiyaha Xisbiga UCID