articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

WAX AY ISHU ARAGTO BAY ILKO GOYAAN!!!.W/Q:ABDI SHOTALY
posted by: Togaherer Team

WAX AY ISHU ARAGTO BAY ILKO GOYAAN!

Marka hore waxan halkan ka salaamaya af-hayeenka gudida habar yoonis ee UAR, aniga oo caafimaad u rajaynaaya iyo khayr, waxan aan maanta rabaa in aa inyar ka idhaaho MR jaama-coow horta aniga mar walba waxad iga mudan tahay ixtiraam, iyo qadarin, waayo waxad tahay nin mansuul ah oo beesha xil u haya, markaas waa in aan ku s sharafaa oo aan ku siiyaa xorma-deeda aniga oo ka mid ah beesha laf-teeda, oo weli-ba ah sidaada qurba joog, oo adigu waxad-ba ku nooshahay dal muslim ah, ee anigu waxan dhex roorayaa wadan gaalo ah, hadaan dib ugu soo noqdo arinka abuuray is af-dhaafka ee muruga geliyey iskaashigii labada beelood ee walaalaha ah dhex yaalay, mooda-n in ay sartu ka qudhunsan tahay, aniga oo weliba ka mid ah maamulka mareegta oodweynenews, baa waxan rabaa in an bal wax yar ku darsado ee dhegaha i amaahi qadar kooban oo daqiiqado ah.

ugu horayn MR jaama-coow haddii aan dib ugu noqono su’aasha keentay muranka iyo kala shakiga waxa waydiiyey gudoomiyaha xusbiga ucid MR faysal cali waraabe wuxu ahaa weriyaha haatuf, oo yidhi maxaad u malaynaysaa salaadiinta u kicitimay sanaag oo ah gobolka ceeri-gaabo iyo maydh? jawaabta uu ka bixiyey-na wxay ahayd ilayn way duuban tahaye, waa arin dawladu wax ka og tahay! su’aahs labaad ee la waydiiyey waxay ahayd sidee bay wax uga og-tahay? waa kaambayn doorasho baa u malaynayaa buu yidhi, waxa muran geli kara maaha ilayn way duuban tahay oo waad heli kartaaye, Waxase keenay muranka kla hadal ay samayeen iyaka laf-toodu ( waa haatufe), jariidada ka hargaysa waxay ku soo baxaday iyada oo ay lee-yihiin hantida dawlada baa lagu luminayaa socdaalka salaadiinta u bixitimay sanaag,laakiin waxa duubani waa sida kor ku qoran, denbina maaha haddii uu yidhi dawaladbaa wax ka og, waayo dawladu waa ka masuul in ay wax kala socota dalka ay xukunto xaal-kiisa, waa waajibka koowaad ee saaran haddii ay tahay mid aan wax qaban iyo haddii ay tahay mid wax qabtay labada-ba, miyaadse haysaan meel uu faysal kaga hadala ereyo ku qadaf ah beesha, waa dooni kartaa oo aad ka heli kartaa markii laga duubaayey ee ii soo dira ku dheh haatuf, si aad ugu qanac-daan, waxa meesha ku jirta turju-baanid u dhaxaysa labada dhinac, in la isla fahmana way haboon tahay sida aan hore u sheegay.

Waxa aan walahayga reer UAE lee-yahay, yaan la noqon kuwii maalin baydhay, ee iyakau dib isugu noqday, weli-ba wax muhmil ah oo lka dhadhabay in aad ku kala tagtaan walaalaheen ma wacna, waxay u baahan tahay xil-kasnimo intaas ka badan, iyo feejig-naan gaar ah oo la iska hubsado wax-yaabaha soconaaya, ee la isu hoos gelinaayo, xilka aad haysaan waa mid weyn oo loo baahan yahay in la qabto oo si wacan loo fuliyo, hadalada qaar-kood-na in aanay dibnaha ka soo bixin waa wax wacan wx ay wanaaji-yaan mooyee waxba ma xumeeyaan, arinta aad jaamacoow afka ku dhuftay ee ah inaadeer taageeraddii waan kala noqonay faysal cali waraabe, intiii hore-na buuga khasaaraha baan ku qornay, waxay noqotay amuur aan loo fadhiyin iyo af kala qaad lala yaabay, waa arin qaloocan xataa haddii uu ku cadaado ina cali waraabe waax wax ka fog garashada in aad ku kacdaan cadawti-nimo caynkaas ah, waxana ay tahay xiniinyo qabsho, aad lugta u qabteen nin kale oo ay is hayeen, laba wax oo is dabooli karana maaha, ama isu dhigma.

Maanta waa maalin uu idiin baahan yahay gudoomiyaha ucid, tihiina kuwa uu tirsanaayo, iskuna halaynaayo in ay gacan siiyaan buuxda, oo aad ka saartaan jiirada dheer ee uu rabo in uu koro, kula-na loolamo qayrkii oo uu nasiib-kiisa ka qaado, waxa mudan in aan loo baahnayn wakhtigan ficiltan iyo gar la isu dhigto waayo waa wakhti lumis aan meesha ku jirin, ee ha laga koro wax- yaabaha iska hor keenka keenaaya, waxan ugu dambayn ka codsanayaa af-hayeenka gudida UAE Mr jaamac in uu isga iyo gudida kale ee uu af-kooda ku hadlayaa ay dib uga noqdaan xayiraada ay la tiigsa-nayaan gudoomiyaha ucid iyaka oo eegaaya dhan kasta oo carqalad kaga iman karto doorashada wax-yeelo-na u gaysan kara loolanka uu ugu jiro madax-tinimada umada, oo yaan niyad jab iyo sumcad xumaan lagu sii ridin, anigu waxan rabaa oo keli ah in aanay isku baxan labada beelood ee walaalaha ihi, iyo wanaag ka dhalin, iyo dhex gal ee yaan xumaato loo turjuman ama nin dan lihi aanu ka faa’iidaysan.

* N.B. iLKO WADA JIR BAY WAX KU GOOYAAN.
ABDI-SHOTALY.
OODWEYNENEWS.COM


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo