Lamaan yaabin in maqaaladaydii hore si xad dhaafa uga dhawaajiyeen dalada SONYO. Waayo horaa loo yidhi dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa. cid kastoo gaf ay u kasayso gashaa sidaasay uga gubataa wixii loo sheego.
Maqaal naqan oo arin jirta lagu taabtay inuu sababo aflagaadooyin badan waa mid dad badan lama filaan ku noqotay. Inta aanan qoralkayga aanan kusii amboqaadin waxyaalaha Sonyo ka jira, waxaan jecelahay inaan waad mahadsan tihiin saaxiibayaal ku yidhaahdo dhalinyar badan oo isoo hambalyaynaysay, siyaalo iyo marar kala duduwan iila soo samaysay xidhiidh. Waxay ii sheegayeen inaan ku dhiiraday sheegida xaqiiqooyin jiray. Iyagana waxaan waad mahadsan tihiin iskaga odhan lahaa inta aadka u yarayd een badnayn ee fariimaha aflagaadooyinka ah ii soo dirtay, ee mararka qaar bilaa xishoodka ahaa, iyadoo ay gubeen afkaarihii aan cabiray.
Beenaaluhu markhaatigiisuu fogeeyaaye, dhalinyarta Somaliland way ila qabeen wixii aan qabay een hore u qorey. Xubno xafiiska Soonyaad ka tirsan, oo u sareeya iyo inyar oo kale oo iyaga u shaqaysa una basaasta dadka kale ayaa fariimahaas ii soo diray, iyagoo taleefanka iyo iimaylkaba iyaga soo aflagaadeeyey iskuna dayay inay ii hanjabaan. Waxaa daliil u ah run sheegayga sida anigoon gaban sida cadaalad leh uga waramay waxaan qabay. Waxaa cadayn ah sida masuuliyiinta hawlaha Sonyo iyo dhagadhageeyayaashooduba markii ay ka jawaabayeen aragtidaydii ugu baqeen inay magacyadooda dhabta ah sheegtaan. Waxaan kaloon la yaabay anigu dhalinyarta dagdagtay ee xisbiga Ucid ee kaligood ii jawaabtay, anigoo labada xisbiba eedeeyay. Waxaan leeyahay Runtu ma fantaa! Maxaa idinkoo qaarkiin xatooyada ururada uga soo qayb galay aad isu indhotiraysaan. Waad ku fashilanteen ururadii aad hore ugu jirteen, Sonyana way fashilantay ee sida loo shaqaystay idinka idin kaga xariifsanaadeen. Oo waxaad tihiin qawlaysato aan qalab sidan oo garanayn siday wax u lunsan lahaayeen. Imika kolay waad barateen oo qaarkiin waxay ku gabadaan xafiisyada ganacsiga oo aad iib iibisaan, dhinacna dab iyo siyaasad waali ku salaysan ka wadaan ood dhalinyarta kala qaybisaan.
Intaas hadaan ku dhaafo jawaabta Sonyo xubnaha horbooda iyo inta ku xidhanba, aan usoo noqdo nafaqada fikirkayga maanta. Horta dhalinyarta xisbiyada wax ka sugayaa waxaan leeyahay isbadalku gamcihiina ayuu ku jiraa, taas waxaa cadayn u ah maqaalkaygii hore markaan soo saaray maalin kaliyaata ka dib Sonyo waxaa qasab ku noqotay inay ururadii furto oo ay tidhahdo waxaan qaadanaynaa ururadii ugu badnaa intay jirtay, taasi miyaanay ahayn geeso lo’aad kulaylkaa lagu jaraa, guul uu horseeday fikirkaygii sixitaanka ahaa ee waanada ahaa ee aan ujeediyay xubnaha dhalinyarta ah ama cuslaaday ee Sonyaad.
Ta kale, SONYO inay tahay madal siyaasadeed waxaa cadayn ah wixii ka dhacay xuskii dhagaxtuurka ee masuul qaran la takhaantukhiyay makarafoonkii-waa xoghayaha UDUBe, anigu ma taageero Udub waxaanan ahay dadka qaba inayna u shaqayn sidii loo baahnaa oo ay meesha baneeyaan. Laakiin hadana, ma jecli in xisbi gaara iyo xubno xukuumadeed lagu bahdilo meel lagu sheegayo inay soo qabanqaabiyeen urur dhexdhexaad ahi. Maaha in xisbiyo loo mashraxado midna lagu qayliyo. Waxaana halkaa ka cad in Sonyo ugu sii talagashay inay sidaas wax noqdaan. Oo hadana qaladna saaraan dadkay iyagu meesha keeneen. Waxaa kale oo cad in nimanka mucaaradka ka socday sii ogaayeen siday wax u dhacayaan. Sonyona waxay ku dadaaleen maalintaas dhagaxtuurka inaanay xaflada kusoo casuumin niman badan oo Uduba oo arintaas wax ka qaban karayay sida Wasiir Talaabo oo kale. Waxaa kale oo cad inaan udub laga soo casuumin dhalinyartooda, balse mucaaradka dhalin badan looga yeedhay si ay u abaabulaan kacdoon lagu sharaf dilayo masuulkaa Udub, kuwa mucaaradkana toban farood ugu sacabiyaan. Dhalinyarta mucaaradka ku jirta ee Sonyana maamushaa waa kuwa ururo ku noosha ah ee ii jawaabay Sonyana u hadlay. Ma Sonyaan wax u sheegey mise iyaga? Cajiib! Sonyo intay xisbyada taageerayso miyay wax qabato, oo dhalinyarta tidhaahdo sadaxda xisbi ilooba oo wax qabsada. Dadka Sonyo maamula ama ka shaqeeyaa haday jecel yihiin miyay cadaystaan siyaasada, sida maxamad ilka case oo kale, miyay dabadeed Sonyo ka baxaan maadaama ay da diina dhaafeen. Anigu waxaabaha aan soo jeedin lahaa waxaaba ka mida sharci odhanaya dhalinyarta da doodu xad dhaaftay ama ka yar da da dhalinyarta waa in loo diido inay is hagaasiyaan oo iska sheegtaan dhalinyar.
Gababadii wax badan oon ogahay ma rabo inaan sheego hadaan la igu kalifin. Dhalinyarta waxaan leeyahay aqoonta aynu ku dadaalno, dalkeena horumarino oo midawno. Waa inaynu iska ilawno qabyaalada inaynu ku dhaqano iyo inaynu wax walba siyaasadayno oo cid u taageerno qabyaalad darted. Aynu barano sida loo doodo, iyadoon la caloobin. Hadaynaan doodin oo murano isma qancin karno.
Farxaan Jaamac Guuleed (Dhaglas)
Hargeysa, Somaliland