articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

CALI SAMATAR DHAGAR QABE DHUUMASHA DOON AH
posted by:

Sidaan la wada socono waxaa baryahan saxaafada ka socotay dacwad ka dhan ah gacan ku dhiigle  maxamed cali samatar
madaxweyne ku xigeenkii dhiig yacab kii siyaad barre oo maraykan nka in lagu max kamadeeyo al doonaayo,
hadaba dacwadan ka dhan ka ah cali samatar oo ay soo oogeen dadka mid ah dadkii waxyeelada uu ugeystay  ayaa waxaa layaab noqotay in difaac fara badan uu helo cali samatar oo xaga afka ah  oo dadkii somalida ahaa ay maanta u doodayaan cali samatar oo ay leeyihiin in maxkamad ;lageeyo maaha.!!!
taasi macnaheedu waxa weeye in laga raali ahaa maantana wali lagu farax sanyahy dhibtii umadii  ku noolayd gobaladii hore loo odhanjiray gobalada wuqooyi  maantana ah jamuuriyada somaliland  loogaystay.!!
waayo waxaa taasi cadaynaya difaaca indho laaanta ah ee lala garab taagan yahay cali samatar ee waliba qiilka aan macquulka ahayn  loogu raadinaayo taasina waa nasiib daro taagan oo anay somalida badan keeduba faham sanayn dhibaatada haysata halkay ka sooo ibo baxday ugu horayntii

waxaan cidina dafiri karin burburka maanta somaaliya haysta ee ay labaatan ka sanadood la ololaysaa in uu maxamed  cali samatar uu yahay ninkii horseeday .
waxaan cidina dafiri karin in nacyb ka iyo cadaw tinimada ka dhaxaysa umad soomaaliyeed maanta uu horseeday siyaad barre iyo xulafadiisii oo uu maanta cali samatar  inta nool uu kaw ka yahay.
hadaba dhibta  maanta taagan cidii sababtay in maanta la difaacaa waxay sharaf dhac ku  tahay umada soo maaliyeed ee dhibtu haysato 20ka sanadood, waana ayaan darro in maanta ay difaacaan niman aqoon yahano sheeganaaya oo siyaasiyiin sheeganaaya oo uu kamidka yahay nin ka cali khalif galeydh la yidhaado taasi  waa nasiib darro aad u weyn

waxaa iyana nasiib darro ah in maanta  reer soomaaliland siyaasiyiinteedu muxaafid iyo mucaaridba  aanay arintaa waxba ko odhan inta ogaalkay ah marka laga reebo shakhsiyaad warbaahintu waraysatay  waxaana ayaan darro ah  in aan  niman kaa is xil qaamay ee inay umadan wixii loogaystay ka daba tagaan isku dayey  wax taageero ah loo muujin .
talabaadna dawlada dalka ka jirtaa sigaar ah aanay wax soo hadal qaad ah ka odhan arintaa afkana ay ka xidhatay taasna ay  layaab yahay iyana.
hadaba umada reer somaliland waxaan leeyahay waad aragtaan soomalidii inay maanta u aragto in cali samatar arimo shakhsi loo eryanaayo oo reer iyo cunsuriyad lagu sooceliyey arinkiiye waa in talo aan ka yeelanaa isku duubnina muujinaa
niman kaa iyagu umadan dhiigoodii la daadiyey ka dabatagayna aan garab galnaa si kasta oo aan u caawin karnana u caawinaa af iyo adin maal iyo muruqba

umada soomaaliyeed ee kalan mid baan leeyahay mxamed cali samatar moorgan  maslax iyo ragga la mid ka ahi dadkan iyo umadan  dhibtii iyo dhiigii umadan ee ay daadiyaan noqon mayso mid ay ciyaar ciyaar iyo si fudud uga la daan ifka  aakhirana tii allaa sugaysa

waxaan ku soo gabo gabaynayaa

samatar iyo dhigiisiyo
dhiig yacabadii bari
umadayda dhalan rogay
igu reebay dhiilada
dhayal iyo ciyar iyo
kuma daayo dhalanteed



dhidar kiyo dhurwaagii
dhuuxayga ruugee
dhadig weerka xidhatiyo
dhalaan  uub la aasiyo
dhulka mahadho dhigayaw
dhursug goor ay noqotaba
dhamac iyo  kulayl
qadhaad waad dhadhaminoo
gaar aanan dheerayn
xagu wuu ku soo dhicin

qalinkii : Axmed Moxamed Faarax(badeed)
email axmed1432@hotmail.com
tell :+25224482935