ASCWW
Ilaahoow ha noo waayin nin xaqa ku adima fidnadana umada uga diga
Mudane cabdiraxmaan shotaly runtii waa nin had iyo jeer xaqiiqda taabta
jecelna in wixii umada KALA DILAAYA ama dhaawac u keenaya inuu ka waaniyo.
Waxaan aad kuugu hanbalyaynayaa dadaalka aad had iyo jeer shacabka
u tilmaanto wanaaga iyo talada haboon.
In mudo ah ayaan aad u dhuuxay hadalkii MUDANE gudoomiye faysal cali waraabe
ee dad badani ku eedaynaayay inuu AFLAGADO ku tuuray beelwaynta habaryoonis
Waxaan arki waayay hadalada la sheegayo iyo warka la buunbuuninaayo.
Waanan fahmi karaa in dad ujeedo kale wataa rabaan inay meesha ka aloosaan fidno aan dhex oolin gudoomiyaha iyo beesha habaryoonis.
Waxaan aaminsanahay in faysal cali cid uga dhaw ama uga dhuun daloosha
beesha habaryoonis aanay jirin.
Mana qabo in naxli iyo xumaan meesha jirtaa ay taalo, balse rag ayaa aqoontoodu siisay in KALA DHIMASHO ay dhex dhigaan guud ahaanba beesha GARXAJISKA.
Ninkii caqli isticmaala sida mudane CABDIRAXMAAN shotaly oo kale wuu garan karaa in hadii faysal cali waraabe maanta LUGTA LA QABTO ayadoo qaab reer loo waajaho ay mustaqbalka keeni karto GODOB AAN HADHIN.
Hadalo aan xaqiiqda waafaqsanayn oo aan run ahayn hadii lagu carqaladeeyo isu taaga doorashada gudoomiyaha xisbiga ucid WAA MID DHIBKEEDA KEENI KAARTA.
Aduunyada maalinba ninbaa dhaamiya ama ninbaa saaxada LOOLANKA SIYAASADA
U BIYAYSTA .
Waxa xaqiiqa in mudane faysal cali bari nin kale badali karo kursigana u soo biyaysan karo.
Waana mid jirta in ninkastaaba markiisa jecel yahay in la TAAGEERO.
Siyaasada mudane faysal cali waraabe oo runtii ah mid dad badani ku TILMAAMO
inuu yahay nin DAACADA oo waliba EHLUDIINIYA una dheertay AQOON IYO WAXFAHAN BADAN.
Kama maarmo foodka beesha BARAKAYSAN EE HABAR YOONISA ala ha daayee beesha dhamaantoodba.
Beesha HABARYOONIS oo ah beelaha ugu badan somalilnd ahna kuwa ugu degaanka badan ee daga somaliland .
Waa hubaal in mudane ENG faysal cali waraabe ka sugaayo GARAB IYO GAASHAANBA.
mudane gudoomiye faysal cali waraabe oo runtii mabdi,iisa aanu ku dhaqmin nidaamka beelaha , oo had iyo jeer jecel in uu dadka tuso inuu yahay.
shakhsi u taagan somalilandnimo iyo dimuquraadiyad iyo daacad.
SHacbiga somaliland ay sidaa ku jecel yihiin oo ilaa boorame ilaa arabsiyo
ilaa hargaysa iyo berbera ilaa oodweyne iyo burco ilaa ceerigaabiyo laascaanood
DADKU KU RAACAY nidaamkiisa somalilandnimada iyo daacada ku salaysan
Waxa ila quman in tartanka aan laga LAGA REEBAN FURSADNA LASIIYO
Habar Yoonis Dhudaheeda badan waysu dhawnahaye
Nin walaalkii soo dhinac dagoo dhiirran baan ahaye
Isaxaaqna dheeraadku waa xeerki noo dhacaye
Dhar casti Laan-Mullaaxiyo raggaan dhawrayaa imane [QAWDHAN ALAA YARXAMUH MURTIDIISII.
Waxaan shaki ku jirin in kii ilaahay[sxw] u qoro kursiga ama madaxnimada somaliland uu hanan doono.
MUDANE madaxwayne daahir
MUDANE gudoomiye axmed
MUDANE gudoomiye faysal
Waa sadex nin oo u siman nasiibka doorashada waana xaqiiq in kii cod dheeriya helaa uu qaban doono TALADA SOMALILAND.
Waxase dadka iyo shacabka la gudboon inay doortaan kii WAXQABAD IYO HORUMAR u horseedi kara ama ku dhaqi kara dimuquraadiyay iyo sinaan iyo cadaalad.
wabilaahi tawfiiq
siciid cabdi dheen
dheen@live.co.uk
london