articles | wararka | qormooyin khaas ah
Most Popular:

MAXAA LAGU HADOODILAYAA CALEEMO SAARKA UGAASKA CIISE EE MAGAALADA SAYLAC EE DALKA SOMALILAND.
posted by: Togaherer Team

Magaalada Saylac waxay ka mid tahay kuwa ugu taariikhda dheer ee
ka tirsan dalkan Somaliland.Waa magaalo ay quruumahii hore degenaan
jireen,boqortooyo badanina soo martay,dagaalo kala duwan ayay ka
soo gudubtay,waa magaalo waa hore bakhtiday balse haatan aad
moodo inay dib u soo noolaanayso.
 
Maantana waxa lagu caleema saaray ugaaska beesha Ciise oo qayb ka
tirsani degto dalka Somaliland.Waana qaybta ugu yar ee Ciise marka
la barbar dhigo qaybaha kale ee kala dega labada dal ee ay Somaliland
jaarka la tahay.Waana Etoobiya oo qaybta labaad degto iyo dalka
Jabuuti oo qaybta ugu tirada badani degto,maamulka dalkaa ka taliyaa
iyo madaxweynahuba ka soo jeedaan beesha Ciise.Sidaa darteed waxa
la odhan karaa magaalada jabuuti waa caasimada deegaanka beesha
Ciise.
 
Marka beesha Ciise deegaankeedu sidaa yahay ee ay caasimad u gaar
ahna leeyihiin, xulashada goobta caleema saarka ugaaska ee loo cugtay
magaalada Saylac kana tirsan dalka Somaliland,ma waxaynu guusha
abaabulka u cumaamadnaa dawladda Somaliland iyo waddaniyiinta
Ciise ee Somaliland mise waxa jira dabino lagu gaadayo kala
daadinta Somaliland hadii ay ku dhici waydo qabta ay dawladda
Jabuuti u dhigtay Somaliland hadii ay dib ugu laaban waydo Somaliweyn
oo madaxweynaha dalka Jabuuti sidaynu ognahay taariikhduna qorayso
geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay siduu isugu keeni lahaa Somaliya
iyo Somaliland!
 
Waa arrin ugub ah oo dabaysha siyaasada dawladda Jabuuti maantana
ku raadinayso hab-beeleed laga curiyo dalka Somaliland si loogu
xaadho xeeladaha wejiyada badan ee uu madaxweynaha Jabuuti ku
darsaday talada.Waxa suurta gal ah gabaara-gurdaynta hoose ee
dawladda jabuuti waddo inay kaba warqabaan xubno ka tirsan dawladda
uu hogaanka ka yahay madaxweyne Riyaale ee dalkan Somaliland.
 
Waxa taa kuu iftiimanaya hab-dhaqanka iyo abaabulka caleema saarka.
Si bilicsan oo aan taariikhda hore ugu xariiqnayn ayay uga soo qayb
galeen madax ka tirsan labada dawladood ee Jabuuti iyo Somaliland,
madaxdhaqameedyo iyo shacab tiro badan oo ka socda beesha Ciise
ee kala deggan saddexda dal ee jaarka ah.Balse waxa aan goobta ama
magaalada Saylac ee ugaaska lagu caleemo saaray haba yaraatee ka
soo xaadirin xisbiyada mucaaridkaa ee labada dal Jabuuti iyo Somaliland.
Arrinkaasina shacabka Somaliland iyo shacabka Jabuuti waxuu ku noqday
boholo xargigan oo daboolan.
 
Xaaladu markay sidaa tahay,dawlada jabuuti-na ay casaan saartay
aqoonsiga Somaliland,una qabto gobol ka tirsan Somaliya,ugaaskuna
aanu ahayn waddani Somaliland ah,ma waxaynu isku maaweelinaa inuu
arrinku yahay mid ka madhan siyaasad! Waxa kale oo aynu soo qaadan
karnaa cadawga Somaliland inuu wejiyo badanyahay,dhinacyo badan-na
daan-daansi ka wado,dabino siyaasadeed kuna lid ah Somalilad-na ay
jiraan ma la odhan karaa maantana waxa la soo dhex hagoogtay
hab-dhaqameedkii beelaha ee ay ku caleemo saaraan Ugaas-yada,
Suldaanada iyo boqorada.
 
Ugu danbayn waxa aan hambalyo u dirayaa Ugaas Mustafe,waxa aanan
u rajaynayaa nolol khayr qabta. Waxa kale oo aan Madaxweynayaasha
labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland leeyahay: Maxaa lagu hadoodilayaa
caleema saarka ugaaska beesha Ciise ee Saylac.
 
 
Allaah ayaa mahad oo dhan iska leh.
 
Xuseen Badmaax
Hargeysa/Somaliland


halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

halkan xayaysiis aad leedahay ayaad gashan kartaa

fx casino game counter Roulett Free bingo